OPINION

Nin Ku Diley Hadh Kuuma Jiido

Shiikha Xabsiga Ku xidhan    Shiikh Mubaarig Diiriye oo ay la soo direystay Xaalad Caafimaad daro ka dib markii uu ka jabay adin, mudo laba todobaad ka hor wax dhakhtarana aan la gayn ayuu wuxuu halis u yahay in uu naafoobo ama dhibaato caafimaad ka dhalato adinkan dhaawac may ee aan la tusin wax dhakhaatiira.

 

Shiikh Mubaarig Diiriye oo loo taxaabay xabsiga 14 afar iyo toban bilood ka hor isagoo ku jira hawlo ganacsi, oo uu xoolo kaga soo iibsanayey gobalka Sanaag, lagana qabtay Degmada Ceel Afweyn, ayaa ilaa hada aan la soo taagin wax Maxkada laguna soo oogin danbiga loo haysto shiikha ee xoriyadiisa looga qaaday muda intaas le,eg.

 

Todobaadkan waraysi ay BBC siiyeen Dalada Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegay in aanay Sharci ahayn in Shiikh Mubaarik Diiriye iyo Muwaadiniinta kaleba layskaga hayo jeelka iyadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin, Maxkamadna aan la soo taagin, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland iyo Qawaaniinta Caalimiga ah ee Xuquuqul insaanka.

 

Maamulka Somaliland ka jira ayaa caado ka dhigtay in uu ku xad gudbo xuquuqda muwaadiniinta, xoriyada asaasiga ee qofka, shuruucda Somaliland u taal ee xuquuqda muwaadinka iyo sharciga caalimiga ah xuquuqul insaanka oo damaanad qaadanay xoriyada qofka inuu  xaqa uu u leeyahay in haddii uu danbi galo la hor keeno sharciga, arimahaas oo dhamaan ka jirin Somaliland dadkana laysaga hayo jeelasha xitaa haddii ay ku timaado duruufo caafimaad aan loo ogolaan xanaanayn iyo in la daweeyo muwaadinka xoriyadiisii laga qaaday sida Shiikh Mubaarig Diiriye Axmed.

 

Waxaa kale oo dhacda in Maamulka Somaliland uu qabqabto dad Soomaali ah, isla markaana u gacan geliyo Maamulka Dawlada Ethiopia, taas oo  xad gudub ku ah Shareecada Islaamka, Dhaqan Soomaaliyeed, iyo Shuruucda Somaliland oo dhigaysa qofka Somaliland gudaheeda danbi gala lagu xukumo Sharciga iyo Dastuurka Somaliland ee aan loo dhiibin gacan shisheeye.

 

Hayadaha Sharciga ee gacanta ku haya Kiiska Shiikh Mubaarig Diiriye ayaa ilaa imika aan soo bandhigin wax danbi ah, oo cad oo loo haysto shiikha, taas oo shiikha ka dhigaysa in uu xidhan caqiidada uu aaminsan yahay iyo wacdiga joogtada ee uu ka akhriyi jirey Masaajida iyo Goobaha laysugu yimaado.

 

 

Sidaa daraadeed waxaa haboon Maamulka Somalilan in waayo arag ka  noqdo dhibaatada loo geysto Muwaadiniinta Somaliland iyo qofka aan danbi lahayn aan loo samayn danbi been abuura taas oo xad gudub ku ah qawaaniinta dalka u yaala, iyadoo talisyo hore oo dhulkan ka jiri jirey dadkana sidaa ula dhaqmi jirey aynu wada garanayno halka ay ku danbeeyeen, dadka iyo dalka waxaa lagu hogaamin karaa Cadaalad Sinaan iyo Garsoor Madax Banaan oo kala cadayn kara qofkii danbiile ah iyo qofkii aan danbi lahayn.

 

 

Maxamed Jaamac Ducaale

Hargeysa Somaliland

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra