Mujaahidiin ka tirsan Jimciyada Sooyaal Burco oo Jawaab Ka Bixiyay falka baabuur kurka la jaray iyo Kooxda Dablayda ah ee lagu eedeeyey

Burco (Somaliland.org) – In ka badan sodomeeyo (30) ka mida mujaahidiinta Sooyaal ee ururka SNM ee Gobalka Togdheer ayaa cambaareeyey, isla markaana iska fogeeyey  koox dabley ah oo la sheegay inay is urursi ka wadeen deegaanka gobalka Togdheer, baabuurna qoorta jaray si ay qoryo u saaraan.

Mujaahidiinta ururka SNM oo maanta canbaarayntan kaga dhawaaqay shir jaraa,id oo ay ku qabteen Magaalada Burco waxay cadeeyeen inaanay gebi ahaanba dagaalyahanadii SNM aanay wax luga ku lahayn isku daygii dagaalka, isla markaana aanay xirfadan iyo fartaasi ahayn midi lagu yiqiinay ururka SNM.

Mujaahid Cabdi Saleebaan Caalin Haariye oo ka hadlayey afka mujaahidiinta ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday ina xoogagoo SNM ay biyo shubteen Somaliland, isla markaana aanay xilligan halis ku noqon Karin nabada Somaliland.

Afhayeenka waxaa kale oo uu warkiisa ku sheegay in ururkani SNM aan marnaba looga baqo qabin khal khal gelinta Nabada Wadanka ahna xilka saran yahay siday nabada wadanka u garab geli lahaayeen qadiyada Somaliland.

“Anaga ayaa leh libta Somaliland cida nagu meteshayna nama taqaano” ayuu yidhi.

Sidoo kalena Axmed Cali Maxamed oo isagun ka mid ahaa Mujaahidiinta ayaa waxaa uu ugu baaqay xukuumada Somaliland in la sameeyo barnaamij dhiiri gelinaya siday wax ugu qaban lahayd Mujaahidiinta waxaanay kale oo muhaahidiintan SNM ka dalbadeen Wasaarada Waxbarashada iyo in Taariikhda SNM lagu daro Manhajka Waxbarasho ee Somaliland.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada Somaliland waxay ka soo qabqabteen Deegaanada Waqooyi Bariga Burco ilaa 7 todoba baabuur oo qaarkood yihiin kuwa dagaalka oo koox dhalinyaro ah, kuwaasi oo Gudoomiyaha Gobalka Togdheer dusha u saaray inay ka soo jeedaan Saraakiil ka tirsan ururka SNM.

“SNM waxay u taagan tahay cadawga dibada ee Somaliand laakiin cadawga Dalka ma,aha” ayuu yidhi.

Somaliland.org, Burco.

 


TOP
Abdirizaq Dubad

Abdirizaq Dubad

Abdirizaq Dubad has blogged 1123 posts.