Kulan xasaasi ah oo dhexmaray Xil. Maxamed Cali Xirsi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda

Hargeysa (Golis) – Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu kula tartamayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE uga qaybgelaya doorashada Madaxtooyada ee soo socota, ayaa la xaqiijiyey in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB iyo dad kale oo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) ay qayb weyn ka qaadanayaan ololaha uu ugu jiro Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga in loogu doorto musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga.

 

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay xisbiga KULMIYE, waxa si xawli ah loo dareemay ololihiisa musharraxnimadiisa labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhawaaqiisa aad u soo dhoweeyeen xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisa iyo weliba siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo gudihiisa uu ka socdo loollan adag oo loogu jiro cidda noqonaysaa musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

 

Hase yeeshee, weriyayaal iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi uu maanta shir albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale xafiiskiisa, kaas oo socdey muddo saacad ku dhow, iyada oo dad badani ay wasiirka ku sugayeen xafiiska hortiisa muddadii ay wada hadlayeen Xildhibaanka.

 

Lama garanayo waxa ay ka wadahadlayeen wasiirka Xildhibaan Maxamed Cali iyo nooca xidhiidhkoodan bilaabmay wakhtigan xasaasiga ah. Waxaase la filayaa in kulanka Wasiirka iyo Xildhibaanku uu salka ku hayo warar ilaa xalay soo baxay oo daaha ka rogaya xidhiidh dhexmaray Xildhibaan Maxamed Cali iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo beeshiisu dhowaan sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay, kadib markii uu isku dayey inuu burburiyo shirweynihii beelaha Bariga Burco ee Gar’adag. Buurmadow ayaa la xaqiijiyey inuu si weyn u taageeray musharraxnimada Xildhibaan Maxamed Cali, isla markaana uu u ballan-qaaday inuu kala hawlgelayo sidii uu cod uga heli lahaa Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee lagu qaban doono magaalada Burco 23-ka bishan, kaasoo xisbigu ku soo saari doono musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka.

 

Sidoo kale, dad xogogaal u ah kulamo uu Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi la yeeshay Beelaha Hargeysa qaar ka mid ah oo uu weydiisanayey taageeradooda ayaa sheegay in odayaasha uu watay ee beeshiisa metelayey ay ka mid yihiin koox odayaal ah oo uu Hargeysa u yimi inay la kulmaan Daahir Riyaale, kadib markii shirar jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Burco iyo Hargeysaba ay ku sheegeen inay beel ahaan u taageersan yihiin xisbiga talada haya ee UDUB, ayna ka baxeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Odayaashaas oo aan weli hawshoodu uga dhammaan Hargeysa ayaa la sheegay inuu soo horkacay nin lagu magacaabo Muuse Madoobe oo ka mid ahaa musharraxiintii Xisbiga UDUB doorashadii Golaha Wakiillada, balse, aan soo bixin. 

Loollanka xisbiga Kulmiye gudihiisa ka socda ee loogu jiro cidda noqonaysa Musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka beryahan danbe inta uu soo dhowaadey shirka Golaha Dhexe ee xisbigu, iyada oo 4 nin oo saddex ka mid ahi ka soo jeedaan gobolka Awdal iyo nin ka soo jeeda Bariga Sanaag ay ku loollamayaan Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga, halka Guddoomiyaha, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo u taagan musharraxa Madaxweynaha xisbiga uu ku soo biiray Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.

Waxa jira warar sheegaya in Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi uu ku hadhayo shuruudaha dastuurka ku qeexan ee looga baahan yahay qofka loo dooranayo Madaxweynaha, iyada oo ay wararkaasi sheegayaan in Xildhibaan Maxamed Cali uu haysto Baasaboor Ingiriis ah, Dastuurkuna uu dhigayo in qofka isu sharraxaya Madaxweynaha Somaliland aanu haysan baasaboor ajnebi ah.

 

Is-sharraxaadda Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi kula tartamayo Musharraxnimada xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha Xisbiga, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah rug caddaa siyaasi ah, uguna da’weyn siyaasiyiinta ku jira saaxadda waqtigan ayaa aragtiyo kala duwan laga bixiyey. Waxayna dad badani u arkaan in uu ku soo saarayo magaciisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse, aanu waxba helayn, halka ay kuwo kalena aaminsan yihiin in ay ku lug leeyihiin gacmo ka baxsan xisbiga Kulmiye.

 

Xigasho: Golisnews Hargeysa JSL.

 

 

 

 

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra