Daahir Riyaale oo caddeeyey inuu dhalliilaha Mucaaridka uga caagey xafladaha Qalinjebinta Jaamacadda
Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyaha xilka sii haya, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa qirtay inuu xisbiyada mucaaridka uga caagey xafladaha qalinjebinta Ardayda Jaamacadaha, isaga oo sheegay in xafladaha Qalinjebintu ay noqdeen madal ay ku yooyootamaan xisbiyadu.
Mudane Riyaale oo saaka si kedis ah u tegey xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, halkaas oo uu shahaadooyin ku guddoonsiiyey koox macalimiin ah oo dhammaysay tababr macalinimo, waxa uu cudurdaar u sameeyey ka qaybgelis la’aantiisa xaflad shalay shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 250 arday oo ka qalinjebiyey Jaamacadda Hargeysa iyo xafladihii ka horreeyey ee qalinjebinta Ardayda Jaamacadda. Waxana uu sheegay in sababta uu uga qaybgeli waayey xafladaha qalinjebinta Jaamacadaha ay tahay iyada oo xafladahaas lagaga hadlo siyaasad.
“Waxa laga yaabaa … Wasaaradda Waxbarashada maalin walba waan imaaddaa, waxa laga yaabaa in xafladaha Jaamacadaha aanan beryahan dambe tegin. Waxaana la isweydiin karaa Madaxweynuhu muxuu u tegi waayey Jaamacadaha?,” ayuu yidhi Daahir Riyaale.
Isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu yidhi, “Waa waajib inaan tago, laakiin, waxyaabahaan afford-gareeyey waxaa ka mid ah horta tacliinta waxaa ka reebban in siyaasad lala dhexyimaaddo. Waxay noqotay marka meeshaa la tago inay noqotay meel xisbiyadu ku yooyootamaan Jaamacaduhu”.
Waxana uu mudane Riyaale u soo jeediyey hormuudyada iyo Macalimiinta Jaamacadaha inay ka ilaaliyaan jaamacadaha.
“Way ku martiqaadi karaan xisbiyada, laakiin, dadka waxbarashada ka hadlaya oo keliya inay qaataan,” ayuu yidhi Riyaale.
Hadalka Daahir Riyaale ayaa la filayaa inuu ka jawaabayo xafladdii qallinjebinta Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo ceeb iyo weji gabax kaga dhacay xisbigiisa UDUB, kadib markii Xoghayaha siyaasadda ee xisbigaas, Cumar Jaamac Faarax uu hadal uu xafladdaas ka jeediyey si toos ah ugu eedeeyey xisbiga KULMIYE baabuur la sheegay in kurka la jaray oo xukuumaddu ku sheegtay Bariga Burco iyo Shirweynihii beelaha Bariga Burco ee Gar’adag oo uu ku dhalliilay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE inuu ka qaybgalay, taas oo ardaydii xafladdaas joogtey ay or iyo foodhi kaga jawaabeen, isla markaana laga joojiyey hadalka.
Xoghayaha UDUB, waxa uu eedayntaas jeediyey, kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo uu si cad uga difaacay xisbigiisa eedaynta xukuumadda ee ah inuu xisbigaasi ku lug lahaa baabuurta la jaray, isla markaana uu cambaareeyey.
Daahir Riyaale ayaa looga bartay inuu u cabban yahay dhalliilaha loo jeediyo, kuwaas oo aanu iska difaaci karin. Waxayna had iyo goor xafladaha noocaas ah ka afeefataa in siyaasad laga hadlo.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday