Si Xun Wax u Sheeg Sixir Waa Ka Daran yahay
Waxaynu nahay ummadd taariikh soo jireen ah leh qiimeysa dhaqankeeda iyo suugaanteeda qiimaha badan, waxa maanta caado noqotay wixii laga xishoon jiray raga qaarkii ay u noqotay shaqo.
Waxaad ogtihiin ninka hadii lagu yaqaan been, tuuganimo, diradiraale, wacadfur, labawejiile, iyo sifooyin badan oo aanan halkan ku soo koobi karin
in aan dadkeenii hore ay ka reebi jireen in loo diro goobaha ragu ku arinsanayo, ama gogosha lagu kulmayo.
Waxaa maanta ayaan daro ah in raga qaarkii been qaawan la istaageen mareegooyinka ama TVyada lagu kala warqaato, waxaa wax laga xishoodo ah, iyaga oo Awr kiraalayaal ah ay u adeegaan dadkii markaa kiraystay sidii gaadhi kiro ah oo cidii doontaa markaa suuqa ka rarato inuu haddana ummadda ku jaahwareeriyo been, iskana dhigo nin dan qaran ka talinaya. Waxaana ka mid ah Inaadeerkay Cismaan Aw Maxamuud.
Ileyn sixun wax u sheeg sixir waa ka daran yahaye wixii uu ku dhurmayey inaadeerkay ee uu lahaa Beelweynta H/jeco ayaa dalka qalqal gelinaysa, ama qori dableh soo wada ,inay maanta cadaatay in ay been abuurasho aan raad lahayn noqotay arintaas,waxaa iska cad in xukuumadu dhibsatay in beeshan ay xaliso xungurufaha dhexdooda yaala, kana tashato sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka ay la leeyihiin beelaha kale ee r/somaliland.
Waxaan shaki ku jirin in beeshan laysku dayey in lagu been abuurto iyada oo loo adeegsanayo Buurmadow, waxaynu sugaynaa ilayn hada xil mahayee waatii beeshu gude iyo debed kala noqotay kalsoonidii meesha Cismaan uu ku danbeyndoono
dhamaan reer S/land waxaan uga digeynaa dhibaatooyinka iyo hagardaamada ninkaas u noqotay caadada.
Waxaa kale oo sharaf ah in madaxda beeshan ka soo jeedaa ee shirka ku soo afjartay qilaafkooda ka abuurmay siyaasada , awelba sida aanu ognahay waxba ma dhex oolin laakiin beesha uun baa jeclaystay in meel loo dhan yahay lagu soo
gunaanado arinkaas.
Hadaba is afgaradka madaxda dalka sida Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamed Aadan iyo Gudoomiyaha X/Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo waa uun guul S/land u soo hoyatay ee maaha mid wax yeelaysa dalka iyo dadka, inta ay dhibaysaana waanu garan karnaa waxay u dhibeyso.
Waxaa wax lagu farxo ah in beeshu soo saartay go,aano dalka wax tar u ah ama la odhan karo waa talooyin wax ku ool ah, waxaase is weydiin mudan maxaa xukuumada jirta ku kalifay in lacagtii umada wax loogu qaban lahaa ku bixiso isku day burburinta shirka Beesha H/jeclo iyada oo kumaankun R/Somaliland ahi u dhimanayaan gaajo, caafimaad daro, qaarkoodna aynaba haysan meel ay ku hoydaan oo shaaricyada magaalooyinka waaweyn hurdaan.
Waxa rag siqadooda lagu kalsoon yahay soo sheegeen in Riyaale u dhiibay Buurmadow dhaqaale shir labaad beesha looga furo Caynaba kasoo socday mudo maalin gelinkeed ah oo odayaashii degaanku diideen,
Mawaadinow shirkaas Ceynaba waxaa lagu qaadanayey 50-100 dollar inta u dhaxaysa , miyaaney ka haboonay in hooyo R/somaliland ah oo agoon wax ay siiso heyn korinaysa guno looga dhigo, weyna badanyihiin.
Dadkaygow goormaa gar qaadeysaan, mase ogtihiin in boqolaal Hablaheena ugub isku baxaan ama umul raacaan, miyaanay haboonayn in lacagta Buurmadow lagu kiraysanayo in gabdhahaas daryeel loogu sameeyo? idinkaan taa idiin daayeye bal is weydiiya.
Waa nasiib daro in lagu tagri falo hantidii dalka iyo dadka iyada oo aan cidna laga indho qarsaneyn, waxaa wax lala yaabo ah dhaqaalaha ku baxaya ciidamada Somaliland ee marba aag loo rarayo, iyada oo laysugu sheekaynayo halkan baa dhib kasoo jeedaa, waxaa is weydiin leh ma shicibkii waxtarka iyo horumarka dhawrayey baa noqday cadow gaadh laga hayo.
Waxaan marwalba is weydiiyaa dhab iyo riyo miday tahay Askartii caruurtii Mudaharaadeysey la dhacday rasaasta ee ay halkaa ku geeriyoodeen qaar ka mid ah, waxa kale oo maanta cadaatay in ninkii hadla, ama ka dooda wixii uu qalooc iyo qalad u arko Xabsi iyo dil ugu jawaabeyso Dawlada Riyaale
· Sidaad ogtihiin Mudane Abshir Xasan Xaashi waakaa dhiig xinjiro ah dhigay markii uu wax ka qoray sida Mr Riyaale u lunsanayo hantida dalka ilaa hadana xadhig aan maxkamad la marin loo jaray.
· Sidoo kale Gudoomiyihii hore ee cummissionka S/land Mr Xirsi Cali X.Xasan oo maanta xabsiga la dhigay iyada oo lagu been abuuranayo, waxa lagu haystaa waa qoraalkii dheeraa ee uu xukuumada ku cadeeyey inaanay diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda.
· Waxaa iyadana xusid mudan dulmigii lagula kacay madaxdii Ururka Qaran oo mudo mandheera lagu hayey.
Dhacdooyinkaas aan soo xusay oo dhan oogama jeedo in la godoodo ama dhib dalka la geliyo ee waxaan ooga gol leeyahay in dadku ku baraarugaan dulmiga iyo xaqdarada uu maamulka riyaale kula kacayo muwaadiniinta qiimaha iyo qaayaha badan.
Waxaa iska cad in riyaale R/somaliland cod doorasho aanu ka rabin ee arin aynaan ogeyn meel yaal, aad baan uga shakisanahay in dalka doorasho ka qabsoomi doonto, waxaanse ku kalsoonahay in umada R/somaliland oo ah dad illaahay tala saarta , garsoorkuna yahay rukun ka mid ah dhaqankooda. Xukunka mustaqbalkana alle ayaa leh.
Allow dhibaatada ka hay Dalkeena iyo dadkeena
Maxamuud Raage Ibraahim (dhegjar)
Birmingham UK




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday