OPINION

Rafashada Wanka la Gowracay nafta ma u Celisaa ?

Waxaan Salaamaya dhammaanba shacabka Somaliland ee shirka Gar- adag

 Gil-gilay , waxaan salaam iyo qadderin u soo jeedinayaa Bahda Somaliland org .  Waxaan jeclahay inaan Su’aashan aan cinwaanka maqaalkagay ugu magic daray u soo bandhigo , shacabka Somaliland “ Rafashada wanka ama neefka marka la gowraco naft ma u celisaa oo geerida ma ka baajisaa? Jawaabtu waa maya.

 

Haddaba waxaan jeclahay inaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba xasuusiyo Go’aankii adkaa ee ay beesh habar jeclo gaar ahaan beesha Muse aboker ka qaadatay Muwaadinak la yidhaahdo Buur madow oo horey boqor u ahaan jirey ay ka xayuubisey Cimaamaddii beeshu saartey ee ay u igmatay inuu ka shaqeeya arrimaha la xidhiidha shaqada uu boqor ama suldaan leeyahay oo ah shaqo cad oo aan wax kale ku qooshmi karin.Go’aankaasi waa mid taariikhi ah aan filayo inaanu Somaliland horey uga dhicin, waxaana go’aankaas loo iclaamiyey dhammaanba busho weynta Somaliland sida ku cad go’aanka ama beyaanka ka soo baxay shirka gar adag oo ay beeshu ku dhantahay.

 

 Waxaynu dhaqankeena ka dhaxalney in ay beel walba samaysato nin qabta hoggaanka beesha oo la yidhaahdo Suldaan, Garaad, Ugaas ,Boqor , iyadoo mandiqad walba ay magac adeegsato, laakiin dhammaatood waxay iftiiminayaan  nin beeshu caleema saartay oo ay u dooratay inuu magacooda ku haldo,oo iyaga metela laakiin aanu noqon nin ka tala goosta reerka, aanu noqon nin magicii reerka ku doonta dano isaga u gaar ah, inaanu noqon fulay qaadan kari waaya go’aan adag maalinta arrinku dhabaqsan yahay. Sidaa daraadeed ayaa salaadiintu u lahayd sharaf iyo qadderin mujtamaca dhexdiisa ah, waayo waxay ahaayeen rag lagu aaminay xilka ay beeluhu u egmadeen. Laakiin waxaa beryahan soo baxay oo intii ay dalkeena ka dhaceen dagaalkii halganka, iyo dagaaladii sokeeye ka dib ,wax la yidhaahdo Suldaan barar, caaqil barar , salka ku haya hadba maamulka meesha ka jira, Sidaad ogtihiin madaxweynihii hore ee ina cigaal ilaahay ha u naxariistee wuxuu inoo furay wadada suldaamada, cuqaasha xad dhaafka ahaa taasna lama mahadin oo beel walba way dareentay burburka ay ku keentay, waxaaney dhaxalsiisay in kelamdda suldaanku ay hoos uga dhacdo qiimihii ay berigii hore lahayd. Sidaa daraadeed Buurmadow wuxuu nasiib u yeeshay inuu soo fuulo tareenka boqorada mudadii aynu soo dhaafnay hase yeeshee isagu wuxuu kaga duwanaaday raggii mar tareenka la soo fuulay, salaadiinta kale waxay ku koobnaadeen intii hoggaan dhaqameed lagu yaqaaney, saaxiibkeen buurmadow wuxuu sheekada ka bilaabay inuu dilaallo heshiiska iyo midaynta cadowga Somaliland, taasoo uu ka helay xoolo badan laakiin aanu cadowgu abaal ugu hayn.

 

Waxaa la ogyahay in buur madow hargaysa iyo emaaraadka carabta shirar badan ku galay isagoo doonayey inuu kaxeeyo koox sulaadiin iyo cuqaal ka soo jeeda beesha h/jeclo oo uu geeyo shirkii dib u heshiisiinta lagu magacaabay ee koonfurta laga qabtay ee cali mahdi madaxda ka ahaa, laakiin taas wuxuu  kala kulmay guuldaro iyo weliba hanjebaad fara badan, taasoo ahayd wax aan h/jeclo ka suurto geli Karin. Ileen waxaa la yidhi waxaad baraataa waa baaskaa , buur madow intaa kuma joogine wuxuu galay contract uu la galay xukuumadda talada dalka gacanta ku haysa inuu shirka gar adag burburiyo.

 

Waa kii buurmdow u kolonyeystey gar adag, wuxuuse kala kulmay jab weyn oo aanu filayn, halkaasna waxaa fadhiya dhammaabe ergooyinka ka kala socda bulshada h/jeclo, oo ka kooban dhammaanba qaybaha kala duwan ee mujtamacu ka kooban yahay. Markii la fahmay buurmadaw sheekada uu wado waxaa laga soo eryey gar adag, ka dibna wuxuu yimi caynaba oo uu dadkii ku yidhi , reer caynbow shirka gar adag idinka ayuu idinka soo horjeedaa oo dowladda ayaa loougu tashanayaa, dowladduna waxay idinkala noqonaysaa gobalkii la idin siiyey. Reer caynaba waxay ku wer geliyeen inuu caynaba deg-deg uga baxo, taasina waxay ku noqotay jab labaad, saaxiibkeen waxaa  gurmad u soo dirtay dowladda halkaana waxaa loogu keenay tickniko ilaalisa inta uu ka baxayo caynaba oo aan hide u lahayn meel khiyaamo loogu maleego  burburka dadkeeda!!

 

Sidaa daraadeed , buur madow isaga ayaa is gowracay ee rafashada iyo shirarka jaraa’id ee uu hargaysa ku qabanayaa cimaamad u soo celin maayaan. Haddiise beelaha Somaliland laga helo beel deeqsinimo sheegaty oo buurmadow ugu yaboohda cimaamad ay iyagu leeyihiin annagu (Muse Abokor ) waannu uga tanaasulaysaa in buur madow naga tirsan yahay!!!!

Sidii Beeshu go’aankeedii u soo bandhigtay , ciddii ninkaa ugu yeedha boqor iyada ayaa sheegaysa cidda uu borqorka u yahay. Cidda keliya ee buurmadow wad wadda ee hadalkiisa meel ka dhaca ah buun-buuninaysa waa QARANNWES oo u xuub siibatay meel lagu fidiyo fitnadda beelaha dhexdooda gaar ahaan Beesha h/jeclo oo ay QARANNEWS muujisay cadaawadda gaamurtey ee ay beesha u hayso. Annagoo agsoon cidda ka danbeysa , waxaanu leenahay Saaxiibayaal Cayda iyo dacaayadda beenta, colaadna waxba kaagama tarto nabadna way kaa kaxaysaa. Saxaafadu haddii ay u digo rogoto la dagaalan beeleed, sow reer ba’ow yaa ku leh maaha. Sow Day-Day saxaafadeed oo dhaqan celis u baahan maaha?

boqorka-shiiqay inta dabada ka wadda waxaanu leenahay waar ciddii h/jeclo doonaysaa ha soo badheedho yaaney kabuhu kaga dhammaan meel aan waxba oolin, Buurmadowna  sharaftii kala noqonaye  meel geeya, idinku cimaamad ugu yabooha.

 

Waxna nama yeeli karo.Waana waddo beeshu u  furtay  in lagu xaliyo Aafada  Suldaan bararka, Caaqil bararka, adeegsiga magacyada beelaha, Magac beeleed oo laga baayacmushteeyo, nin dowladda been u soo sheega oo yidhaahda anigaa mashruucaa idiin fulinaya ee maxaan  leeyahay, wasiir ma layga dhigayaa. Waxaynu eegnaaba waa Buurmadow oo loo magacaabo Wasiir, Ileen ninkan wax  wasiir ka yari ma deeqaane.

 

 Wa billaahi towfiiq

 

Qore: Siciid yusuf Cartan

 

sycartan@yahoo.com


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra