OPINION

Cimaamad godob laga Huwadey!!!

“Dunta Bili nin lagu xidhay

Dabin loogu yimi Bahal

Haddii Aano loo dilo

Dibindaabyo ugu filan”.

Tucudan oo ku jirta mid ka mid ah badweynta maansooyinka iyo suugaanta kala duwan ee Abwaanka weyn ee Reer Somaliland, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaan u qaatay inay tilmaamayso oo ina barayso qofka bulshada meeqaam sare ka gaadha ama ay boqrato marka uu galo wax milgihiisa ka hooseeya oo agagasnimo ah in aan loo cudurdaari karin wixii uu kala kulmo. Tusaale ahaan, haddii nin martabad sare haystey oo loo hanweynaa, maalinta dambe la qabto isagoo tuug ah oo guri jabsaday ama dhooqo dhex dabaalanaya inay tahay looma fadhi, waana inaad garawsataa inay tahay geeri foolxun oo naxdin leh, weliba wixii ciqaab iyo cambaarayn uu ku mutaystona uu galabsaday.

Waxaan u soo qaatay, xikmaddan inaan naftayda ku qanciyo oo aan kaga samirsiiyo qiso tan oo kale ah.

Haybta iyo xidhiidhka dhiig waa mid Soomaalida oo dhan ku tallaalan, aynu ugu camalfalaan si joogto ah, balse, qiyaasta qofba ka qaato garashada iyo aqoonta lagu kala shaandheeyo (Qabyaaladda) xumaanteeda iyo samaanteeda, sharkeeda iyo khayrkeeda, xaqeeda iyo baaddilkeeda ayaa dadku ku kala duwan yahay ama qofba saami Illaahay ka siiyey. Sidaa darteed, farxad iyo faan bay ii ahayd marka aan maqlo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa dhexdhexaadiyey oo ku guuleystey Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, soona afjaray dagaalkii Boosaaso ku dhexmaray labadaa nin oo kala hoggaaminayey malleeshiyo beeleed oo reer Puntland ah. Markaan maqlay inuu dhexdhexaadinayo Beelaha Hawiye, gaar ahaan, Qabiilka Cayr ee H/Gidir oo aad u taageeri jirey Maxaakiimta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, kadib markii ciidamada Itoobiya ay Muqdisho ka saareen xoogagii Maxaakiimta, magaalada Addis Ababana uu muddo dheer u fadhiyey hawshaas, iyada oo la siiyey maamuus heer qaran ah, loona aqoonsanaa Boqor Soomaaliyeed. Markaan maqlo inuu maalkiisa ku kala furtay beelo colaadi dhexmiranaysey oo isagu uu bixiyey mago la isku haystey ama sidoo kale uu ku kala furtay baabuur la kala qafaashey, sidii uu ka sameeyey gobolada Bariga kadib caleemasaarkiisii. Markaan maqlo isaga oo hankiisa dallacsiiyey oo sheeganaya inuu Boqor u yahay Soomaalida Geeska Afrika oo dhan.

Arrimahaasi waxay ii ahaayeen aniga iyo qabiilkaygaba sharaf iyo qiimo uu noo kordhiyey. Waxay noo ahayd inuu magaca aanu wadaagno sare u qaaday, isla markaana uu noo dhigay abaal-taariikheed iyo dhaqan oo ummaddu nagu tixgeliso ama aanu ku dhexmarno.

Dhinaca kale, nasiibdarro, waxaanu ka xumaannaa oo aanu ka damqanaa marka aan arko ama aan maqlo isaga oo dhex batalaqsanaya arrimaha siyaasadda ee gudaha oo beeshu – sida beelaha kale – ay u leedahay rag ka shaqeeya kuna gelaya godob siyaasadeed oo aan loo baahnayn, dhaawacna u geysanaysa magaciisa, sharaftiisa, masuuliyaddiisa dhaqan intaba. Arrintan oo soo noqnoqotay, xadhig gayeysiisey, dadkiisu may jeclaysan, waana lagala taliyey, magaciisana hoos bay u dhigtay. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Dhidar Xabaala-qodaa Qudhun buu uga dhacaaye” wuxuu uga dhacay dhiriq iyo dhooqo, markuu shirka reerkiisa oo Shiikh iyo Shariifba loo dhan yahay uu meherad siyaasadeed ka doonay, kana fallaagoobey.

Boqorkii biliga iyo buruudka lahaa waxa la arkay isagoo dhooqo ku dabaashay oo mudh iyo gacan ah oo Dumar iyo Caruuri dhagax ku eryanayaan, kuna dhawaaqaya “Majnuun…Majnuun…. Ninka Waalan…Ninka Waalan….” Illayn ceeb looma dhinto!! Ma wixii la ogaa intuu Garadag ka sameeyey ayuu Caynabana waxan isla taagey oo uu ummad dhan oo qaran ah u quudhay Cay iyo ceebayn.

Waxaanu isku qoomamaynay oo aanu isku haaraanay caleema-saarkiisii iyo doorashadiisii, cabashadayaduna waxay soo saartay iimihiisii iyo boogihiisii hore ee bulshada iyo beelaha kale ka indhaqarsanayeen, waxaanuna la kulanay weji-bax aanu ka kaftami kari weyney marfushyada iyo maqaayadaha oo uu noo soo duwey iyo naanays, waxaanuna ogaaney in beeshayadu tusaale xun u tahay bulshada oo nalagu xanto inaanu nahay reerka ninkooda xun dallacsiiya oo ka dhigta Boqor, debiilahoodana buunbuuniya.

Halkaa markay nala marayso, waxaanu huri weyney inaanu nidhaahno marka horeba beeshu may Boqran. “Ku qariyey qariyey ee Haanyahay Gun Cad!”.

Alle ha u naxariistee Alamsey waxa laga hayaa “Adeer Gadhku Gadhkaad mooddey maaha!”. Annaguna waxaanu leenahay “Cimaamaddu Cimaamaddaad mooddey maaha ee waa Cimaamad godob laga huwadey!!!”.

Cimaamadda godobta laga huwadaa waa farsamo soo baxday burburkii dowladdii Soomaaliya intii ka dambeysey. Waxaana bilaabay sidaan taariikhda ku maqlay nin reer Sool ah oo ka mid ahaa Saraakiishii sarsare ee taliskii Siyaad Barre u joogey goboladan la odhan jirey Waqooyi-galbeed Soomaaliya, kaas oo markii dowladdiisii dhacday, isagoo ka dhuumanaya wixii uu geystey, kana baqaya SNM iyo dadkii taageeri jirey inta uu markiiba reerkiisii u tegey isu caleema-saaray Garaad, isla markaana cimaamad iyo koofiyad loo xidhay, taas oo uu uga jeedo in uu ku masaxo taariikhdiisa hore, ummaddana uu ku dhexmaro sharaf iyo ixtiraam dhaqan. Waxa kale oo la sheegay in Saraakiil kalena ay sidaas oo kale yeeleen.

Sidaas oo kale, Buurmadowna wuxuu koofiyadda iyo Cimaamadda ka huwadey faldembiyeed ugub ku ah Isaaq oo uu ku kacay. Wuxuuna u shaqaynayaa ciddii ka caawisay cimaamadda iyo koofiyadda, si uu ummadda ugu dhexmaro oo shuruud kula gashay inuu iyagana siyaasad ahaan ugu adeego. Taasina waa sababta uu ula dagaalamayo shirka reerka, waxayna daliil u tahay in aan beeshu boqran, waxna ka ogeyn.

Beel ahaanna, waxa damiir-xumo noo ah inaanu Buurmadow ku raacno kala qaybinta iyo colaadda uu doonayo inuu dhexdhigo labada reer ee walaalaha ah (Muuse Abokor iyo Maxamed Abokor), iyadoo la ogyahay in aanada falkii uu galay loo Afduubay Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu maanta inooga dhigayo Shisheeye ku sooduuley dhul aanay lahayn.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa Boqornimada Buurmadow:

Waa maro gargaran oo Adhyaha lagu Gabraartaaye

Kol haddii Waraabuhu gashado Giiro waa Halis

                                          Gudgude, Hadraawi.

 

 

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi yare)

Hargeysa.

E-mail: cabdi.jama@yahoo.com

 

  


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra