Waar Xaajiga maxaa Cabdi Waraabe loogu bixiyey???
Waar Xaajiga maxaa Cabdi Waraabe loogu bixiyey???
Ugu horayn waxaa salamayaa umada reer S/land ee sida hagar la,aanta ah ugu hawlan horumarinta dalkooda,waxan kaloo salamayaa dhalinyarada wakhtigooda ku bixisa in ay wararka somaliland iyo kuwa caalamkaba noogu soo gudbiyaan shabakadahoda.
Waxaan in badan ka fakaray oo aan is waydiiyay, tolow maaxaa xaajiga waraabaha lagala doonay ee loogu naanaysay cabdi waraabe!!!
Akhristoow waxaa cilmiga balaaqad ee carbeed ka mid ah wax la yidhaahdo (al-tashbiih), waxaan ku macnayn karaa xaga soomaaliga ( isku matalid, isu ekaysiin).
Labada shay ee laysku matalayaa waa in ay meel isaga egyihiin, oo ay jirto sifo ay wadaagaan. Sida quruxda,deeqsinimada,fulanimada,hunguriga………………….
Hadaba akhristow xaajiga iyo waraabaha maxaa layskala doonay ,xageebayse iska shabahaan? anigu xaajiga maan arag oo waxaan moodijiray inay xaga foolxumada iska shabahaan, laakiin markaan sawirka xaajiga arkay, waxaann ogaaday in xaajiga iyo waraabuhu aanay xagaa waxba isaga ahayn. Dib baan isugu noqday oo waxaan hadana is waydiiyay waar xaajiga maxaa waraabaha lagala doonay? dad badan baan ka waraystay xaajiga. Waxaan helay aakhirkii dhawr qodob oo aan is idhi alaylehe xaajiga halkaas bay waraabaha iska soo galeen.bal hada adiguna akhritow ila eeg saaxib !!!!!!!!!!!!!!!!
1- Waraabuhu waa hunguri waynyahay.
-Xaajigana warkiisa waa lawada hayaa oo halkaa dhaafinmaayo
2- Waraabuhu ilaa uu dalladda habeennimo ku socdo ma hawlgalo, maantii ma socdo.
-Xaajiguna ilaa uu dallada madaxtooyo ku howlgalo ma hawlgalo, oo ilaa mashruuc xaga madaxtooyada ka yimaado xaajigu maba hadlo, sida mashruucan cusub ee h/j iyo gar adag.
3- Warabuhu maanti godka kama baxo ilaa la khasbo.
-Xaajiguna madax tooyooyinka kama fogaado ilaa la khasbo, sidii berigii halgankii (88 kii)
4- Waraabuhu mar kasta oo uu xoolo cuno ama ciyo colaad buu dadka ka korodhsadaa.
-Xaajigna markasta oo hadlo ama mashruuc qaato,umada colaadbuu ka korodhsadaa.
5- Waraabuhu wuxuu cunaa bakhtiga.
-Xaajiguna sida la sheegay waxa uu qaataa laaluushka oo aan bakhtiga dhaamin. waxaanu caadaystay inuu dadkiisa uu u waynyahay, isaga oo da,daa jooga maalin walba intii ka hadhay madaxtooyadii hore ee Siyaad Barre ee uu la shaqayn jiray sida uu sheegtay ayuu dhiigooda dilaalaa.
6- Waraabuhu marbuu libaaxa bajiyaa oo uu cabsigeliyaa, hadiise libaaxu cadhoodo oo soo jeesto waraabuhu wuu yaqaan oo kuma safaado waanu ka cararaa.
-Xaajiguna harka tumista iyo gabgablaynta hore waa yaqaan, laakiin haday runi run geydo, xaajigu waa yaqaan halkuu ka baxdo.
Hadaba Xaaji Cabdi waxaan leeyahay, adeeroow arimuhu sidii hore maaha ee iska hubso, adiguna meel laguugu soo hagaago is taag. oo ama madax dhaqmeed iyo guurti dhex ah noqo ama siyaasiyiinta iyo kuwa madax dhaqmeedka sheegta ee TV yada ka qayliya ee aflagaadada H/J lagu masruufo ku biir, ileen xaaji sidani si maahee.
Ahmed Muuse Abdi
Freelance Journalist
Hargeisa – Somaliland




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday