OPINION

Suldaan acar: Habarti Dusheediyo Dege..

SULDAAN DACAR: ‘HABAR TII DUSHEEDIYO DEGEL KAY KU NOOLAYD
DARUURUU KU HOOREEN DADBA WADA HEL MOODOO
DAAD WARARAC BAY TIDHI WAA SE DUMARE YEEL KEED’

Iga gudooma salaanta islaamka. Waxaan salaan gaar ah salaamayaa bahweyta saxaafada sida diiran warka u soo tebisa oo ay hor kacayso SOMALILANDORG. Waxaan illahaay SOMALILAND uga rajaynayaa Guul iyo Gobonimo.

Waxaa i soo jiitey waraysi uu waramay suldaanka reer Awdal suldaan DACAR oo shirka GARADAG ka dhigay mid aan loo baahnayn, isla markana taageero buuxda siiyey dawlada Dahir Riyale. Waxaynu sugnaa waa go’aamadii shirka GARADAG. Sidii beeshan caadada u ahayd waxaan hubaa 100% inay ka soo bixi doonaan go’aamo lagu diirsado oo ina farxad geliya. Reerkani wuxuu markasta u taagan yahay difaaca dhulka iyo dalka hooyo. Maaha markii ugu horeysey ee ay shiraan ee waa shir soo jireen ah oo taxane ah…oo weligiiba soo jirey lana jaan qaada hadba xiliga iyo wakhtiga la joogo. Waa shir lagu difaacayo qaranimada, gobanimada, iyo jiritaanka Somaliland…Waa shir lagaga arin sanaayo sidii loo horumarin lahaa guud ahaan degaanada Somaliland iyo gaar ahaan degaanada ay degaan. Waxaan hubaa go’aamada ka soo baxaa inay u noqon doonto horumar dhamaan dadka iyo dalka Somaliland.

Hadaba waxaan weydiin lahaa suldaanka su’al yar oo fudud: Hadii aanay dawladii ay soo doorteen aanay u dhisayn wado fiican oo xitaa wadada Dahir Riyaale gurigiisa hormarta aad aragtay sida ay u baaba day? Hadii ay ka tashanayaan adkaynta nabada, dhisida CISBITAALO iyo ISKUULO, ama wax dan guud ahba…Hadii aad aragtay in aan dawlada jirtaa aqoon DAN GUUD ee ay taqaano uun QAADO OO CUN……Maxay sameeyaan hadii aanay tashanin oo aanay ka tashan dantooda guud? Suldaan, HADII AAD ADIGU DAWLADII KA HESHAY WAX KASTA, ADEER UMADA INTEEDII KALE WAX AY HAYSATAA MA JIRTO. MIYAANAY KUU MUUQAN BAAHIDA BAAHDAY EE MEELKASTA TAAL…IYO DAYACA KA MUUQDA DANTII GUUD?

‘HABAR TII DUSHEEDIYO DEGEL KAY KU NOOLAYD
DARUURUU KU HOOREEN DADBA WADA HEL MOODOO
DAAD WARARAC BAY TIDHI WAA SE DUMARE YEEL KEED’

Waad mahad san tihiin,
Jaamac Y Abdillahi (USA)


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra