OPINION

Ma waxaan ku moodayay misa waxa aad noqotaymisa waxaan loo noqon doonin

 Waxaan salaamayaa reer Somaliland oo dhan meel walba aay joogaan salaam ka bacdi,

Waxaan yara eegay internat aniga oo office aan leeyahay ku yara caajisay oo doonaya waxa aan isku yara mashquuliyo ayaan waxaan arkay maqaal Ilaahbaa weeyn ah nin weeyn oo oday ah la leeyahay maqaal ayaa la yeelatay jiriidada la yiraado JAMHUURIYA ee ka soo baxda Hargaysa Somaliland, iyadoo oo marka aan arkay sawirka odaga aan aad kugu farxay habada oday nimo ee uu leeyahay iyo sida aan maqaalkii barkaan akhriyay ula yaabay oo anigu naftaaydii dub u hiifay oo idhi waar maxaa kugu kalifay akhrinteeda maqaalkan baas. 

Abdi waraaboow adeer marka hore aan isu kaa sheego anigu waxaan ka soo jeedaa  ama ka mid ahay raggaa aad sheegtay ee ku shirayaha GARADAG wiliba raga Garadag leh ee aan dagaan aad u dheeri idiin dhaxeeyo waa hadaad tahay reerka aad adeeroow ka soo jeedid ee ciidagale waxaan u filayaa in aad I garatay hadaan kuu khafiifiyo Waxaan u filayaa in aad adeer yara weeynaatay ah nin Habar jeclo ah baan ah,  intaa ka bacdi, hadaan ujeedada hadalkeega u dhaco, 

Abdi Waraaboow somalidu waxaay tiraahdaa raganimadu iyo geesinamaduba waa habad ala ku siiyaa ee ma ah mid aad sameesato ama aad iibsankarto taas oo wagii ora laga hali jiray raga waaweyn ee dadaada oo kala ah maantasa aay noqotay sida look ala hadal oran karo haduu yahay oday ama suukh joogba hadaba Abdi Waraaboow adeer aniga oo walaahi ku ixturaamaya ama hadalka qaar kaala xishoonayaha in aan afkaaga soo mariyo hadana wax ila noqotay in aan wax kuu sheego bal in ilaahay meel uun kaaga soo duwo midna waxaan leeyahay Habar jeclo  

Abdi Waraaboow waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo waar inanka aan adeerka u ahay maxuu iigala masuugay in uu I yiraado XAJI ABDI oo Abdi waraaba uun ii leeyahay waabu iga xishoonayaa ah (QOSAL YAR OO DHOOLA CADEEN AH), adeer waa runtaa waanad iga mudan tahay in aan ku iraahdo Xaji Abdi lakiin waxiiba waxaa isku fuudsaday maqaalkaagii oo waxaan isu kaay qabsanaan cilwaanka iyo XAJIGA ee iska dul qaado oo dhagaha I yara sii. 

Abdi Waraaboow adeer somalidu waxa aay tiraahdaa hadalku afkaaga inta aanu ka soo baxin ayaad leedahay haduusa soo dhaafo labad bushmood waa wax aanad ka daba tagi kari markaa adeer hadal kaa soo yeeray ayaa kaa qaaday cimaamadii odaynimo ee iska dulqaado talaabaad Abdi waraaboow somalidu waxaay ku mah maadaa aan kugu yara talax tagee magic bilaash uma baxo ee alaalaha magaca Abdi waraaba waa ku manaasibay walee ee marlabaad inta aan soo aruurinyo hadalka I yara sug. 

Abdi Waraaboow waxa aad tiri beesha shiraysaa waa madaxdoon saldeenta meesha fadhidaanah waa kuwa aan masuuliyeen ahaan  oo dowlada lama socondaan sida adeerkay boqor cismaan , Abdi waraaboow horta kursigu reerka oo dhan kuma wada fariisanayaa ee midheen ninka inaadeerkay ah la yiraado  Siilaayo ayaad u jeedaa ee maad isaga ugu badheedhid horaba waad  uga adkeed  ah oo marwalba hadal cad iyo mid dulmarba oranaysay Silaayo oo kaa xishooda ama adeernimo kugu dhaafayaha ah oo aanu wali kuu jawaabin siilaanyo ama reerka aad ka dhalatay waxba oran sida aad ula kala tagteen reerka u isagu ka soo jeedo adiga iyo faisal ali waraabba oo isna shaqo kala lahaan shirkaa mooyeeh  Ahmed siilaayana aanu meel gura u jawaabin oo aad moodo in sanadahan xishoodkii iyo siyaasadiiba la moodo in aay tahay iska hadloow ina igarle . Abdi Waraaboow anigu ta Ahmed Siilaanyo waxba kaa oran mayo waayo Ahmed iska ayaa durbaan tuntay oo siyaasadta qaatay kaamana sokeeyo oo waa siyaasi lakiin ta reerka ayaan wax yar kaa oranayaa . 

Abdi Waraaboow labad reer ee aani ka kale soo jeednaa dagaan ma wada lahin hadaad I soo gaartana walaalkaa oo habar yoonis ah ayaad marti u tahay ama hadaad ka yar dudo aniga ee waxaa iga yaabiyay ama la wareeray Abdiyoow wax reerkii  ama reerihii dagaanku naga dhaxeeyay ee marna lasku yara koco marna lisku ciyaar gudo aamusiyay ee adiga iyo ina ali waraaba dhaydii ka lisay oo la qaylinaysaan ileen aniguba markaad shirtaan walee in aanan cuqdad ka qabin ama Gobaldoon ama Riig ku dagaalan ama faisal ali waraaba kursiga u kabci inta uu soo gaarayo waaya aragnimadeeda waana kugu barbar taaganahay anigu oo wax dhib ah igu haan shirarkiinaah  ee ma waxaad u jeedaan waar yaanay reer burco ladino oo siyaasad geeska ka qabsan oo hisku jaadeen adiga iyo faisal maxaa ugu farxi weeydeen inta aad qaylada meel walba ka ridaysaan waar reerbaa shirayaha la taagan tahiin misa ogtahay reeraha aanu wada daqno in aay GARADAG wad joogno waxaan leeyahay Abdi waraaboow  Ma waxaan ku moodayay misa waxa aad noqotay misa waxaan loo noqon doonin ( adeer dhameeso hadalkaa adigu anigu waan ka xishooday in aan kuu dhameeyo ah).

 

Gunaanadkii waxaan leeyahay reerahaa abdi waraaba la hadlayoow waar odaygu waa adeerkeen oo yar weeynaaday ee yaan loo jawaabin waxna loogu qaadin ee aan ahaan wanaag igu duco odaga waxaasa leeyahay suldaankan reer awdal bal u soo jawaaba oo reerka u sameeya inta aad shirka fadhidaa mid is qaawiyaha marka lasku keen qaawiyo ileen dagaal dhamaa oo gacan laga hadlaa waa dhamaatay ah

Intaasuna waa kaftan aan durxaan lahaan dadoow.

 

Somaliland ah waarto oo ilaahay talada dalka hanugu dhiibo dad waxtar I noolaha 

Hanoolaato Somaliland 

Abdulaziz M. Al-Somali

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra