OPINION

Gabay: Tol Bariiqay

                 August 15, 2008

TOL BARIIQDAY

 Tol bariiqday belo looga yaab ina Bulaaloowe

Haddii Buurmadow bogoxsadoo hadalka baal jiiday

In buruudka aad leedihiin loola kala baydhin

Ee magac beeshuu huwaday looga biqi waayey

Ee sida biciid jabay birtii lagu bilaaweeyey

Een cayda baydh loo hanbayn duni siduu boobay
Budh la duulka waa lagu yiqiin reerahaas bariye

Bashar baa khaldama ee hadday beeli wada booddo

Tol bariiqday badankeedu noqay ina Bulaaloowe

******************************************************

Burco iyo Sanaag iyo raggaas ootay barigaa fog

Ee hawdka badankoodu yaal tan iyo Buuhoodle

Inaan xumo la beegsado adeer waa bar kutaale

Butidaas qurbaha joogta ee teeda bogan wayday

Ee biirka caanaha sidiis baarka ku cabaysa

Nafta balanbalkeedaa ku yidhi qora bayaan dheere

Haddii kibirku buurta ula baxay waaba la is barane

*******************************************************

Weligiinba baaq aad qorteen buugag ku caddeeya

Ama haddalo aan biic lahayn been isugu sheega

Wallee Buurmadow baan la odhan ma aha Beel-dhaane

Banka dheraran buuraha Sanaag tan iyo Buuhoodle

Badda Saaxil tan Banaadiriyo Beyla iyo Saylac

Togga Bari Buriciyo Sheekh ilaa tan iyo Baardheere

Boorame Hargeysiyo ilaa beledka qooqaani

Bay iyo bakool iyo hadaad doolo kor u dhaaftid

Baankoog haddaad gaadhid iyo tan iyo Belfast

Cid aan Buurmadow garahayn ba’e ii sheega

**************************************************

Idinkaa Bariiqdaye Cismaan bogayey tiisiiye (Boqortooyo)

Beel daaje weeyaan Ilaah siiyey baawarise

Billaduu ku haystaa inuu nabad ku baaqaaye

Kuwo aan badhkiis gaadhin baad daba bashlaysaane

Buun buunintoodaad biyiyo baad ka dhigateene

Iska buuqa ama sii burqada oo bushmaha daasha

********************************************************

Afartaas ma kala baydhiyoo Buur ma kala saaray

Sida badaha waaweyn hirkii bawd ma qabadsiiyey

Ma beyaanshey xaajada ragbaa baal ka gaabsada eh

Imminaka bartaan doonayiyo biligtaydii dheh

*******************************************************

Nimanyahow bananaka u baxee jooga badahaas fog

Ee beenta haasaawiyee beesha ku khaldaaya

Idinkoo bariidada fadliga baal iskala dhaafa

Oo boqonta hoostiyo isjara ubucda baasheeda

Oo gacalku ways bili jiree aan isbixinaynin

Inaad boqorka eed uga dhigtaan wuu na kala baydhshey

Miyaydaan is burin oo runtii baasha kama dhaafin

*************************************************************

Inta aad beyaanada waddaan buuqa iyo reenka

Maad bari u dhooftaan bartii beeshu wada taallay

Oo aad buruudkiinna weyn ugu bushaaraysid

Mase hadal bilaashaad waddaan oo bar kuma taala

********************************************************

Leyliga biyaha daadiyaa malaha beel guure

Buntikhiyo rasaastiyo intaad xumo ku baaqaysid

Oo aad Barbaartaas Togdheer budhadh u dhiibaysid

Oo boogihii laga bogsaday dib u bislaynaysid

Oo beelo laga soo gudbiyo dib u baqoolaysid

Maad beeshu way ba’antehee jaraha boobsiisid

Oo nabadda lama baylahashee baasha ka adkaysid

***********************************************************

Bidhaansiga kursiga loo socdiyo beratankaas dayrta

Nin burji leh ciddii loo bukaa waabay soo bixiye

Ragga bu’aya ee barakaciyo belo ku baaqaaya

Badda Biritin buulkay galeen belo xijaabkeeda

Hadday barakac uga yaabayaan baylah ubadkooda

Marna uma botoriyeen dagaal baaba’ loo galo eh

Waa niman barkimo dheer dhigtoo helaya biilkooda

Oo aan bog iyo beer u nixin ubadka beeshooda

******************************************************

Afartaas ma kala baydhiyoo Buur ma kala saaray

Sida badaha waaweyn hirkii bawd ma qabadsiiyey

Ma beyaanshey xaajada ragbaa baal ka gaabsada eh

Imminaka bartaan doonayiyo biligtaydii dheh

*********************************************************

Hadalkii bataa boog ma dhayo ina Buraaloowe

Badradiyo cilaaqdaas tolnimo beerka lagu gooyey

Ee weliba lagu ba’anyahee laysku boho raacay

Waa barasho ii laabanoo beyd kalaan furiye

Shirka biiqay baydh kama xumayn Boqorkaad maagteene

Isagaa Cismaan buro sidoo looba soo baxaye

Waatay bogaadsheen dadkii diiday baaba’e

Beladuu billaawaha u dhigay boonas lagu siiye

Iska buuqa idinkaa barkaday ceebta badankeede.   

 

farahawmohamud@yahoo.com

 

Gabaygan waxa curiyey Faarax Aw Maxamuud Maxamed.  Waxa uu jawaab u yahay Baaqyadii cayda iyo af-lagaadadu ku lifaaqnayd ee dhowaan lagu faafiyey shabakadaha internetka; kuwaas oo lagu cambaaraynayey Boqor Cismaan Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo lagu cambaareeyey in uu shirkii “Beesha Habar Jeclo ee Garadag ka socday uu reerka ku kala jebiyey.   Baaqyadaas oo ay magacyadadooda ku soo taxeen nimo sheegtay “Beesha Habar Jeclo” oo qurbaha ku nool waxa uu aad uga xanaajiyey Boqorka iyo eheladiisa iyo dadka taageera oo dhan.  Gabayganina waxa uu ka tarjumayaa dareenka reerka iyo taageerayaasha Boqorka. 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra