Baga baga shilkuu dhigay Baga dhoomuhuu ridey
Baga baga shilkuu dhigay Baga dhoomuhuu ridey
By: Hamud Duale
Qaybtii: 1aad
“Waa Gabay hadduu nin gaboobey nacow gabankiisa suga
Waa Gabay, gabay ku taxan” Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
Maalin dhaweyd, oo hadda laga joogo muddo toban casho ah, ayaa waxaa gurigeega booqasho gaaban iigu yimi nin la yidhaa Suufi Ismaciil Suufi dhiig leh. Markaanu cabbaar sheekaysanay ayuu halabsaday buug miis hortaada ah dul yaalley oo la yidhaa Diiwaanka Gabayadii Cabdillaahi Suldaan (Timicadde) ilaahay ha u naxariistee, oo uu qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe). Markuu arkay Suufi Ismaciil buugii arkay, wuxuu I weydiiyey su’ aal. Wuxuu yidhi: “ oo miyaanad arag buuga cusub ee uu qoray Boobe?”. Waxaan ugu jawaabey maan arag, manaan maqal, ma haysaa oo magacii, ayaan intaa raaciyey. Wuxuu yidhi waa buug wax ku ool ah oo la yidhaa Dhaxal –reeb, waa runtii iyo xusuus qorkiisii, qosol ayuu kaa dhammaynayaa. Waxaan ku idhi ma haysaa. Wuxuu yidhi: Haa, laakiin waxaan kaga immid, wiil aannu saaxiib nahay gurigiisa.
Inkasta oo ay goor danbe ahayd, Suufi Ismaciil waxaan ka codsaday, in aannu soo qaadno buugii. Wuu iga aqbalay, Bas ayaannu halabsanay, goor caways danbe ah oo soo qaadnay. Sidaa ayuu gacantayda ku soo galay buuga la yidhaa dhaxal-reeb ee Qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe).
Maanta waxaan doonayaa dhabagalkii iyo u koorgalkii aan ku sameeyey buugaa uu qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale in aan ka hadlo. Maqaalkana waxaan hal-ku-dheg uga dhigay Baga dhoomuhu ridey waa dareenkii iyo saamayntii buugu igaga tegey. Dhoomuhuu ridey Mj. Boobe ma ah cadaw hub iyo rasaas sita oo ku soo ridayey ee waa waxyaabaha loo yaqaan belefta , waxa igu maqaalo ah iyo ku tidhi ku teenay oo cadawgu ugu weyn ee maanta iyo shalayba inna haysta. Qaran laguma dhisi karo sheeko baraley iyo sidaa adigu jeceshahay ee beeshiina raaligelineysa.
Haddaba intaanan shiilimaadka buugu (talo iyo buugtaba waa la shiilshiila) waxyaabuhu uu xanbaarsan yahay iyo fariinta qoraaga soo gudbinayo, u guda gelin, waxaan ku yara leexanayaa dareenkii I galay markaan faqradihii u horeeyey akhriyey, oo maankaygii iyo miyirkaygii hadheeyey, shaamareerna igu ridey. Dareenkaas oo ka dhashay, habka u adeegsadey qoraagu ee farshaxinimada heerka sara ahi ku dheehan tahay. Habkuu adeegsadey waa hababka ugu sareeya ee qoraagu fariintiisa ugu soo bandhig akhristaha. Waxaan dareemay markaan akhriyey in uu qoraaga laftiisii u hor fadhiyo oo waxaan moodey markaan faqrad akhriyaba ta ku xigta
in uu isagu akhriyayo. Taasi waxay igu keliftey in aan isweydiiyo oo habkan oo kale magac ma loo helayaa u gaar ah oo Somaliyeed.
Habkuu adeegsadey ee quraxda dheeraadka ah u yeelay qoraalkiisa kama madhna, waxyaabaha iyo hababka aynu gaarka u leenahay oo faqradaha qaarkood, markaan akhriyey waxaan moodey in uu baanayo oo uu leeyaha, intuu isa soo kay hortaagey: “Sedexd ayaan baanay. Shacbiga hal baan leeyaha, Guurtida hal baan leeyahay, golaha Wakiiladana hal baan leeyahay.”
Faqradaha qaarkood waxaan dareemay habkii garnaqsiga oo uu si hufan u dhigayo, oo kugu kelifaya in aad wax ka tidhaa, waxaan uu ku soo hordhigay.
Malawaalkii habka buuga loo qoray wuxuu ila galay in aan xusuusto waagii dalkeena ay ka bilaabmeen heesaha iyo miyuusiga casriga ahi, Waxaan xusuustay Abbahihii Miyuusiga Casriga ah Cabdillaahi Qarshe, alla ha naxariistee, iyo kooxiihii uu hogaaminayey, luuqihii iyo laxmadii ay adeegsanayeen, sumad iyo magacyow ayay u sameeyeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen nugul, beer dilaacshey, raaxeeye Burcaaw, Faysali iyo subcis. Sidaa ayay u kala dirsooceen.
Maadaama aynu haatan bilawnay adeegsiga hawraarta qoran, miyaanay waajib ahayn in aynu summad u kale yeelo, hababka iyo farshaxnimada ay kala adeegsanayaan, qorayaashu oo hadhaw iyo sheeko lagu kala xasuusto.
Haddaba anigu markaan habkii buugan loo qoray, dhan walba ka rogey ee aan laba kastaba isa saaray, waxaan ka geyn waayey aniga iyo qoraagii oo is hor fadhinay oo buugii wada akhrinayna, taasi oo macnaheedu tahay sawir buuxa ayuu iga siiyey wuxuu ka hadlayey. Habkaasi, aniga wuxuu ii la ekaayday “Subcis”. Bir kuma goyn ee inta danaysa akhriska iyo qorista ayaan rajo weyn ka qabaa in ay hayaan summadayda mid ka sii fiican, oo doonayaa in ay raadiyaan.
Haddaan intaa ku dhaafo, hab qoraalkii buuga iyo abtirsiimadiisa, oo aan isku dayo in aan guddo galo Aragtiyaha siyaasadeed, taariikhda, halyey iyo mahdooyinka buugu xanbaarsan yahay, sida magaciisu tilmaamayo, qorahu dhaxalka uu ka reebay haldoorkii iyo tuu isagu ka tegayaba, isaga buuga waa u Dhaxal reeb, anigana markuu I soo gaadhey ee aan akhriyeyna wuxuu noqday Dhaxalgal.
Qaybtii 1aad




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday