Axmed Ciise Iyo Buurmadow Ana Ku Shegaya Xidhidhkooda Ee Ma Rumaysanaa Wiilyahow
Waxaan halkan rabaa inan kaga jawaabo qoraal uu qoray wiil la yidhaahdo Cumar Daarod Xasa oo maqaal uu qoray waahen ku difaacaya Axmed Ciise kuna caayaya shebekadda Somaliland.Org.. \
Marka hore, inankaas Cumar Daarod horta anigu waxaan la yaabay isaga oo UDUB ah ayaan ogaa. Mar kaliya ayaa markii Dr Axmed Ciise olole udubaysan ka dhex bilaabay xisbiga UDUB aya la arkay inankii Cumar Daarod oo shebekadaha ku qora ‘Xisbigeena Kulmiye’. Waan fajacay oo anigu UDUB ayaan ku ogaa Cumar Daarod laakin bal dib u baadha oo marka uu lasoo shaac baxay Kulmiyenimadiisa waa marka uu Dr Axmed Ciise wax u qorayo ama ka qorayo. Markaas waxaan horta leeyahay Cumar Darodow saaxib Kulmiye ma tihid oo Norway way wada joognaa halkan internetkana wan arki jirnay qoraaladada ee bal wan ku xujeeynaya ee qoraal aad Axmed Xuseen ugu xarigayso oo ku amaanayso oo isla markaana Kulmiye ku maagayso mooyee wax cadayn ah inaad Kulmiye tahay noo sheeg.
Ta kale eed aad tidhi Axmed Ciise iyo Buurmadow isma raacaan, aan kuu cadeeyee Axmed CIise markii uu rabay inuu Burco tago oo kazoo ololeeyo ninkii kaxeeyey ee dadka usoo shiriryay waxa uu ahaa Buurmadow. Bal orod soo wareyso ninkan Axmed CIise ee kusoo dira in warkaasi jiro iyo in kale. Mida kale Axmed Ciise iyo Buurmadow kama dhaxayso inuu u kaxeeyey Burco ee waa asxaab qadiim ah waana la taliyihiisa, sidaan kuu sheegayna waxa uu u qaabil sanyahay fulinta mashruucan Daahir Rayaale usoo dhiibay.
Ta labaad, shebekadda Axmed Ciise ee waaheen manta oo qudha may walaaqen qudhun ee shebekadaasi waxay can ku noqotay cuqdad reer iyo xisbi. Masuul xisbi ayuu sheeganayaa ninkan aad difaacaysaa ee Axmed CIise ee bal waxad weydiisaa sababta xisbiga uu ka mid yahay ee Kulmiye uu shebekadiisa ugu caayo. Ma aha canaan sided u dhigtay ee qoraalada isaga iyo saaxibki Maxamed Aar kuso qoran waxa ka mid ah: Xisbiga Kulmiye oo burbur qarka u saran… Shirkii xisbiga KUlmiye oo fashilmay…. Belaha Habar Yonis iyo Habar jeclo oo shir qarsoodi ah galay….Muse Bixi iyo Ina Iskeerse oo isku feedhay xarunta dhexe ee Kulmiye….. Bal ILaahbaan kugu dharshe xitaa warbaahinta dawladda iyo dhuuni qaatayaashodu dagaalka ninkaas iyo warbaahintiisu kula jirto Kulmiye kulama jiraan. Markaas ma waxaad i leedahay waxbuu saxayaa mise waxbuu duminayaa oo mashruuc ayuu soo qaatayl.
Waxaan maqli jiray markkii ciidamada Maraykanku weerareen dalka Iraq in weriyaasha idaacadahu intay ciidamada Maraykanka gawaadhidooda dhex racan yidhaahdaan ” Hebel Hebel, embedded with the American Army, 37th Battalion’ taas oo macnaheedu ahaa ‘Weriye Hebel oo dhex fadhiya ama dhex jooga ciidamada maraykanka, guutada 37aad. Imika wax kale kuma garatid ee ninkii dhamaa ee masuulka ahaa ee Axmed Ciise waxuu noqday ‘Axmed Ciise, embedded with the Kulmiye Central Committee…..Yacni weriye dhex fadhiya golaha dhexe ee KUlmiye oo weliba ka been sheegaya oo duminaya..
Yaa Cumar, yaa akhi, nin weyn ayad tahay ee sedan si sharaf dhaanta wax ka doon. Ninkan aad u xiiqday eek u sharaf dilay waxaad weydiisaa sababta hadii uu is hubo maalintii shirka Kulmiye la dhex fadhiyey ee la yidhi cidii wax rabtaay gacanta taiga uu hoos ugu foorarsaday. Waxba yaanu ku waalin oo ku odhan shirka ayaa la walaaqay ee runtru waa waxba islama hayo ee hawl kale ayuu kulmiye ka dhex hayaa
Dhinaca kale aaan kuugu daree waxaad weydiisa Axmed Ciise sababta hadh iyo habeen, bal Kulmiye garanee uu shebekadiisa ugu caayo beeshaas Habar Jeclo ee isaga oo mutacalin ah qabyaaladda baray. Qoraaladda shebekadiisa lagu soo qoro oo meeel kale oo lagu qoray aanay jirin waxa ka mid ah…..Sir Culus, xisbiga Kulmiye oo beel qudha iska leedahay…markaasu soo qoray magacyo odayaal iyo shakhsiyaad aan waxba galabsan oo danbiga ay galeen ee qudha tahay inayHabarjeclo yihiin, taagerana Kulmiye…..Hadaad doonto waxan kusoo siin doona URL ama qoraaladii oo sidoodi ah..
Gebegabadii adiga waxaan ku leeyahay oo qoraalkayga kusoo gunaanadayaa. Waa igu khasaare oo adiga kuu jawaabi mayo iyo waxaad tidhi toona. Laakin ninkii kusoo diray ayaan jawaabtu ku socotaa ee isaga sidaas ugu gudbi.
Maxamed Cabdi Diin
Oslo, Norway




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday