Isgaadgaadka UDUB iyo diyaargarow la’aanta doorashada
Werwerka Daahir Riyaale, waabwaabinta Warancade,
hadalhaynta Saleebaan, hadidaada Jirde, hanka Darawal, hamigii Cawil iyo hoos u foorarka wadaadku maxay soo wadataa?
Haddaan u soo daadego nuxurka qoraalkaygan,
waxa qofkasta oo daneeya amaba wax kalasocda arrimaha siyaasadda Somaliland uu la socdaa in aynu ku jiro wakhti kala guura oo loo diyaargaroobayo doorashooyinka madaxtooyada iyo deegaaka. Waa wakhti xisbiyadu dhexdooda ku loolamayaan cidda uga qaybgelaysa doorashooyinkaa.
Haddaba, marka aad eegto diyaargarowga Kulmiye iyo ucid waxaa dad badani iswediinayaan waxa uu damacsan yahay Xisbiga Udub oo ah xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada, aanay ahayd in Shirweynihiisu uu ka horreeyo intii markii horeba oo ka horreeyey labada xisbi ee kale. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in aan madaxtooyadu weli go’aansan qabashada doorashooyinka soo socda wakhtiga loo cayimay, waxaanay ku sababaynayaan arrintaa debeca iyo diyaargarow la’aanta Udub, aniguse ma qabo taa, waxaanan aaminsanahay in doorasho wanaagsani dhici doonto wakhtiga la isku raacay. Su’aasha ah diyaar garow la’aantana waxaan u arkaa laba arrimood mid uun:
1. Lixdii sanadood ee Daahir Riyaale madaxweynaha ahaa waxaynu baranay dhaqanka ah ka naxso!! Waxaa ka mid ahaa, shirweynihii lagu soo xulayey musharixiinta xisbiga Udub doorashadii hore ee
inta maanta lagu dhawaaqay maantabana uu furmay, safarkii Laascaanood ee uu Afartii subaxnimo ka jarmaaday Hargeysa… iyo qaar kale oo badan. Sidaa darteed, dhaqankaasi waxa uu ina tusayaa
in aynu warhello maalin dhow furitaanka shirweynaha UDUB iyo xidhitaankiisa.
2. Arrinta labaad ee qiimayta lihi waa damaca iyo kala digtoonaanta xisbiga, iyada oo aanay caadi ahay in madaxwene la soo doortay oo ku jira teeramkii sii labaad la beddelo oo aananna ka filayn Udub in ay awoodaan arintaa ayaa haddana waxa aad mooddaa in loo soo tafaxaytey oo la leeyahay Daahiroow reerku waa shirow ee ma mid baaa ma labaa? taasoo aad moodid isku gudubka Daahir Riyaale isku gudbayo wadaadku in ay ugondo yeelan doonto.
Haddaba, waxaynu eegnaaba waa laba arrimood mid uun: In Daahir ku dhiirado oo ku dhawaaqo shirweyne
wadaadkana debadda u soo dhigo awrta caranaysa aqalkana hoosta ka xidho dabadeed uu halkaa ka daawado kala adkaanta kii soo hadhana la shaqeeyo
iyo in uu kudaayo ka naxso wadaadkana jiido oo sidaa ku khamaaro, una diyaargaroobo dagaal furan oo xisbiga dhexdiisa ah. La arki dooneee.
Khadar Maxamed Cilmi
Liverpool Uk




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday