Xaji C/Kariim Hal ayaan Leeyahay, Suldan Ibrahim-na Hal ayaan Leeyahay
Qarrinimada Somaliland maaha xero ciddii la doono laga saaro,waddaniyadunamaaha qolo iyo wax lays cabsiiyo. Muwaadin kasta oo u dhashay dalka Somaliland
aaminsanna jiritaankeeda waa ka qayb qarrannimada,muwaadin kasta oo u dhashay
dalka Somaliland,jecel,rumaysan,kana ilaaliya waxyeelada qaran,aaminsanna jiritaanka
Somaliland waa waddani. Intaa markaan halkaa kaga gudbo aan u daadago dulucda
maqaalkani xanbaarsanyahay.
Waxaynu isla qirsanahay in qarannimada Somaliland u soo marray jaranjarooyin badan
oo waayahooda lahaa. Waxa kale oo aynu isla ogolaanay inaynu jiritaanka Somaliland
wada-jir u ilaashano,waxaynu isla qaadanay inaynu distoor iyo shuruuc loo simanyahay
ku wada dhaqano,xisbiyo samaysano,saddex waaxood oo kala ah fulinta,caddalada iyo
baarlmaan dhisano. Haddaba markay sidaa tahay waxa loo kala baxay shacab,dawladd,
golayaal sharci-dejin iyo xisbiyo mucaarid ah,dhamaan waxaynu isku raacnay inaynu
si dhab ah ugu dhaqano distoorka iyo shuruucda si ay u noqono dal jira oo nidaam
hufani ka taabo qaado.
Kolkay sida tahay waaxda fulinta oo ah hogaanka dalka hagaya ayaa qusban inuu
inuu ku dhaqmo distoorka iyo shuruucda kuna hago dalka si shacabku ugu daydo
lana hinjiyo taabo gelinta ku dhaqanka distoorka,caddaaladuna dhawrto waxii baydhis
ah ee keenaysa caddaalad daro,golaha sharci dejintuna distoorka furfurto kuna salayso
hadba waqtiga la joogo baahida soo korodha inay sharci u sameeyaan,hubisana ku-
dhaqanka distoorka, khaasatan waaxda fulinta ee dalka hogaanka u haysa.
Haddaba Gudoomiyaha G.joogtada ah Mujahid Xaji C/Kariim Xusseen (C.Waraabe) oo ka
hadlay dhoofka xoolaha iyo shirka beesha bariga burco hal ayaan leeyahay:
Gudoomiye Xaji Cabdiyow qaranku ma waxuu ku dhisanyahay xeer jajab mise distoor aynu
isla qaadanay,markaad leedahay golayaasha baarlamanka iyo Madaxweynahu waxay isla
ogolaadeen go´aanka uu madaxweynahu ka soo saaray khilaafkii ka taagnaa dhoofka
xoolaha,taa macnaheedu saw maaha waaxdii sharci-dejintu waxay u qushuuceen ku dhaqan
la´aanta distoorka. Dhinaca kale aamuska aad ka aamustay caruurtii harraadka,biyo la´aanta
ka mudaharaaday ee dhegta dhiiga loo daray,loona adeegsaday ciidamada qaranka,tan iyo
maantana aan wax garawshiiyaa laga hayn waaxda sharci-dejinta,waaxda caddaladda iyo
waaxdii fulinta ee hubka culus iyo lidka dayaaradaha u adeegsatay caruurtii mudaharaadaysay
saw ma xaqiijinayso inaan distoor iyo shuruuc midnaba lagu dhaqmayn oo xeer jajab la
adeegsado. Mar hadii waaxyahii qaranku distoorka iska laalaabay maxaad beesha bariga burco
shirka ay qabsadeen aad hanqalka ula soo kacday eed isugu shaanbadaysay aragti aan halkeedii
haysan, sawtii beelo ka mid kuwa hargeysa degaaba qabsadeen shir beeleedka, mise kuwaasi
waa UDUB oo inay distoorka iyo qarannimada baal maraan waad ku raacsantay.
Gudoomiye Xaji Cabdiyow ogowna waxaan ka soo jeedaa beeshaa aad kursiga u fadhido,balse
Allaah (SWT) waxuu inna faray inaynu xaqqa raacno,sidaa darteed waxaan ku leeyahay marka
dawladda iyo golayaashu ku dhaqmaan distoorka,ilaaliyaana hab-socodka kobcinta caddaaladda
iyo sinnaanshaha ayaa shacabkuna ku qasbanyahay meel marinta ku dhaqanka shuruucda iyo
distoorka.
Beesha bariga burco-na maanta lagama filaayo inay u horseedaan waxyeelo qaranka Somaliland,
dhaqanna umay lahayn,waxa laga filayaa inay toosin iyo tusaalayn dalka u dan ah ku go´aansadaan,
waana kuwaa gacmaha usu saaray labadii siyaasi ee ay xurgufta siyaasiga ahi ka dhaxaysay,
arrinkaas oo golaha guurtidu dhegba jalaq u siin,iyadooy haboonayd inaad xilkaa idinku tunka u ridataan.
Suldan Ibrahim Dacar-na hal ayaan leeyahay: Suldan horta asalkaba madaxdhaqameedyadu waxa
ku haboon xilka ay u hayaan beelaha inay ku ekaadaan,balse soo dhaaftaye mana aha markii ugu
horaysay ee madaxdhaqameedyada u dhashay Awdal soo saaraan dhawaaqyo hanjabaad ah oo ku
wajahan beelaha kale ee Somaliland. Maalmo hore waxaan arkaayay mudaharaadyo laga abaabulay
Borama iyo Addis-ababa kana abaabuleen muwaadiniyiin ka tirsan beesha Awdal laguna taageeraayay
adeegsigii ciidanka qaranka ee hubka culus lagu foorariyay caruurta biyo la´aanta ka mudaharaaday ee
lagu laayay,iyo Salaadiinta Awdal oo iyana dhawaaqyo noocaas ah kuna afgobaadsanaya Riigga maxaa
naloogu diiday soo marshay warfaafinta xorta ah ee Somaliland,weliba si hanjabaad ah u soo dhigay
oo sheeganaya inay yihiin beeshii nabada ka dhalisay Somaliland. Maantana Suldan Ibrahim baaq kale
oo uu ku taageerayo aragtida dawladda kuna dhaleeceenaayo shirka beesha bariga uga socda soo
marshay bahda warfaafinta xorta ah,weliba aad ku hanjabtay.
Suldan Ibrahim-ow marka waxa la yaab leh waxa aad ku hanjabayso iyo waxaad ka hanjabayso.
Hadaad u jeedo inankaygii ayaa waxyeelo lagu soo wadaa daw ayaad u leedahay laakiin inankaagu
maanta waa Madaxweynahii Somaliland,waxaanu kursiga ku fadhiistay waa foodka shacabka reer
Somaliland,waxii qalad ah ee uu galana muwaadin kastaa xaq ayuu ugu leeyahay talo,toosin iyo
tusaalaynba ama xisbi haloo maro ama beelo haloo maro eh. Markaa Suldan bal horta dib isugu noqda
oo waxaad qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland xaq iyo garr ugu leedihiin geedka u fadhiista
oo garta. Midna ogow dul-qaadashadu inay xad leedahay weliba dhinaca madaxdhaqameedyadu baaqa
ama aragtiyaha ay soo jeediyaan in loo arkaayo mid ay u dhanyihiin beesha ay ka soo jeedaan.
Midna waa ta guud jiritaanka dalkan Somaliland ciddna loogu habran maayo ee ciddii distoorka
baal marta dawlad,shacab ama beelaba waa lala xisaabtamayaa,cidina yaanay u arkin inay buursi
gooni ah kaga xigsadaan qarrannimada ee aan wada jir u ilaashano,tixgelin,kala danbayn iyo wada-jir
aan u wada fullino distoorka iyo sharciga inoo dhaxeeya,kuna dhaqanno.
Somaliland guul iyo horumar.
Hassan Gaaxnuug
Hargeysa/Somaliland
gaaxnug08@hotmail.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday