Somaliland waxay ku socotaa sidii markabkii Titanic
Waxeyn ku soconaa sidii qoladii saarneyd markabkii titanic hadaba waxaa laga yaaba dad badani inay filimkaas daawadeen ama akhristeen sheekadiisa waxaa dhici kartana dad badani inayna la socon markaas bal aan yara dul maro titaanik wuxuu markab aad iyo aad u baxad weyn lacag aad iyo aad ufara badana lagu dhisay markab kaas wuxuu ka baxayey yurub waxaanu u socday amerika markab kaas waxaa saarna ama loogu tala galay inuu qaado dad fara badan oo ubadan tijaartii reer yurub waxaa kale oo raacay xayraan badan oo xaga sare fuulay. markabkaas waxaa loogu tala galay inaanu si fudud ku dagin ,waxaa ka dhex dhac day markabkaas qiso cajiib badan oo jacayl ah oo dhex martay labo dhalin yaro ah oo aad iyo aad u kala duwanaa gabadh ka dhalatay reer maal qabeen ahaan jiray iyo inan yar oo fiqiir ah hadaba yaanan idinku sii dheerayn qisadaas eh horta Titaanik wuu dagey dadkii sarnaana tajiir iyo faqiir may kala yeelan .
Waxaan ka wadaa somaaliland sidan lagu wado waxaa ladoonayaa in la dajiyo malin kastana nin ayaa lasoo xidhayaa marka lagu sheego ragii qarankeena ugu sareeyay ARGAGIXISO saw la odhan maayo meelsha waxba kama jiraan balse cadaawada ciro uu u hayaa xirsi waynaa ninkaasi ninkaa wuu dilay Riyaalana waa inuu casilaa ama iscasilaa isagu waa meel ka dhac qaran waxaan usheegayaa dad waynaha reer soomaliland MUCAARID iyo MUXAAFIDBA in ay
Arintii faraha ka baxday dalkiina uu noqday xafiis yar oo Riyaale lee yahay siduu doonan ka yeelayo meel kastana uu doonayo in ay isaga
Lacagi kasoo gasho bal ma macquulbaa in maanta inaka itoobiya oon badlaheyn badroolka dib inooga iibiso RIyaale wadadii siyaad ayuu sii hayaa waxaanu doonayaa in la is dilo hadaba waa in BARlamaanku shiraan oo sidii Cigaal badka soo joojiyaan waa in dadka wanaagsan ee xisbiga UDUB ku jiraa soo doortan ninkale ooy iska eryaan sidii RA`ISUL WASAARIHII ingiriiska loo galay TONY BLAIR waa inay israacan golaha gurtidu iyo barlamaanku waa inay labada gudoomiye ee axsaabta mucaaridku isku yimaadan oo mudaharaad laqaban qaabiyaa waa inay culimada iyo aqoon yahanadu kacaan waa inay abwaanadu dadka la hadlaan soomaliland waxaa la doonayaa in xamar lala sugo Riyaale maha daacad dil iyo dhiig ayuu raba aduunyada marka arimuhu sidaa noqdaan barlamaanka ayaa talada la wareega iyo gurtida bal maxay ku dhacday in uu Riyaale waxuun xidho marka mid laga soo daayana midkale xidho ,sidaa si waa gumaysi dulmi iyo cadaalad daro maanta soomaliland ictiraaf iyo horseed iska daayo
Waxaan ka baqanayaa anigu dagaal sokeeye dadkaana usabab ah in waxaasi dhacaan hadii ay laba cisho kacaan oy mudaharaad dhigaan waxaa waa lajoojin lahaa dalkuna sidan wuu dhaami lahaa .
Mr ciro waxaan kuu sheegayaa waxaad tahay waa lagu yaqaan xirsina maha argagixiso ee waa Mujahid SNM ah, saaxiib adigaa aragagixiso ah hadii xaqa lagu hadlayo gacanku dhiigli AFWEYNAN ushaqayn jiray basasna u ahaa dadkiisana qalaayey somalina danbi ka galay maxkamada calamiga ah ee heegna in lasoo taago ku banan adiga iyo madaxdii ina Siyaad, mar baanad dalka buuq galisee adeer isdaji oo xoolaha dadka iskala boob ninka ku xukuma ee aad ka danbayso.
Nasir xaaji ciise (ina geeljire)
Cardiff uk




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday