OPINION

Ma maqasheen Inanantii tidhi walaalkay baan u soo aarayaa ee aabeheed u taag waayey ee soo noqotay iyadoo uur leh.

 

 

 

Waxaan midba hal eray odhanayaa dhowr qof oo qaar masuul ku sheeg ka yihiin xukuumadda Rayaale, qaarna woxoogaaga loo tuuraa ay ka hadliyaan.

 

Nimanka aan la hadlayaa waa X. Cabdi Waraabe, Wasiirka Arimaha gudaha Cabdilaahi Ismaciil Cali (Cirro), Cismaan Buur-madow iyo Jaamac Cabdilaahi Biin (Badhasaabka Gobolka Togdheer).

 

Aan ugu horaysiiyo X.Cabdi Waraabe oo ah maanta nin da’a ah laakiin garan la, inaan cimri u hadhin ayna sugayso xisaabtii rabbi oo la weydiinayo 150 baloodh ee Hargeysa ay xukuumaddu sida xaq darada ah u siisay, miyaanu ogayn in dhulka la booboo sida kan oo kale uu yahay dhul ummadda ka dhexeeya, horaad u cadaysatay in aad xaaraan cun tahay oo hadba ninka kurisga madaxweynaha ku fadhiya aad ka hoos qadhaabato oo aad saaxiib tihiin.

 

Dhedigana waxaan leeyahay adigu qoraalkan qaybtiisa hoose dhugo intaasaa igaga kaa filane.

 

Buur Madowna waxaan leeyahay, si baad u fool xuntahay reerkan aad sheeganaysona ma tihid ee noo soo sheeg markaad soo hesho aabahaagii runta ahaa, aan ku siiyo weliba tibaaxe ka ag baadh qasriga Riyaale.

 

Ugu dambaynna Jaamac Cabdilaahi (Biin), Jaamac Duufle oo yaraantii loo yiqiinay magacan xoolahana neef aan lagu halayn jirin waxaan leeyahay aabahaa waa ka ku dabo taagan ilaa marxuum cigaalna inaad madaxtooyada labadiinuba hor joogteen waan ogaa, reerkiinana inaad ka fantowdeen aqoon xumo daraadeed waan ogaa, dawacadii waxay tidhi wallee reer aan ogahay ma guuro, walee gobol maamulkiisii loo dhiibay nin aan ogahay baan maamul xumo ka bixin wuxuu soo kordhiyo daaye.

 

Hadaba aan gunaanado oo ugu maahmaaho afartan oday ee sare murti aan runtii rag loogu maahmaahin laakiin ay hadda mutaysteen oo aan lagala baydhayn ileen raganimo kama muuqato-e.

 

Inan (gabadh) baa aabeheed ku tidhi aabbe ii sheeg ninka dilay walaalkay aan u soo aaree, markaasuu ku yidhi naa hoy jog aar lahayne, inantii hadalkii odaygaba dheg umay dhigine habeen badh bay guuraysay oo ay baadi goob ugu baxday inay soo disho ninkii dilay walaalkeed.

 

Muddo ka dib saa waa heblaayo oo ka tuuraysa, ku te Aabe inaan taladaada qaato ayay ahayd laakiin nacas nimo ayaa I qaaday, iminkana uur baan leeyahay, odaygii wuxuu ugu jawaabay oo imisaan ku lahaa naa hoy jog waxbaan ogahaye.

 

Bal hadaba aynu eegno uuraysataye waxay umuli doonto!!!

 

Hadal iyo gun afartiinuba iga walla waxbaan ogahay oo reerkan aad eryanaysaan aad baan idiinka aqaanaaye HOY JOOGA.

 

Ahmed Muuse Abdi

Freelance Journalist

 

Hargeisa – Somaliland

maandooriye@hotmail.com


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra