OPINION
Farriinta Dhalinyaradu Ay Tabinayso Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhalinyarada Adduunka 12 Ausgust !!!.
Sideedaba bulshada meel ku dhaqani waxay ka kooban tahay sadeex qaybood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah:
1.Duqay gaboowday , oo talax gabay , oo maraya xilligii ay tamar daarraayeen.
2.Carruur dhalaan ah , oo aan jidh ahaaniyo maskax ahaan taam noqonin , oo ku jira xilligi koritaanka, iyo
3.Dhalinyarao awood badan muruq ahaan iyo maan ahaanba , oo maraya heerka ugu wanaagsan noloshooda.
Hadaba dhalinyarada oo ah bahda amsuulka ka ahhorumarka ay ummadigaadho ayaa ah qaar inta badan looga fadhiyo inay hagaan bulshadooda,wadaankoodana ay horumariyaan, si ay dhalinyaradu kaalintaas u buuxiyaan waxa habboon in ay dhalintu helaan kartiiyo aqoon u fududayso inay gaadhaan yoolakaas.
Waxyaabaha dhalinyarada ka caawiya in ay noqdaan qaar taabbogal ah, waxa ka mid ah inay door muhiima ka ciyaaraan siyaasada iyo majaraha hoggaamineed ee uu waddan leeyahay, waayo hogaaminta dalku waxay door aasaasi ah ka ciyaartaa hor u kaca bulshada, waxaanay xambaarataa eedda ugu balaadhan hadii uu qaran fadhiid noqdo.
Haddaba dalkeena waxa inta badan majaraha u haya odayaal ilaa lixdankii ku soo jiray saaxada siyaasada , oo maraya aynigii shaqada lagaga fadhiisin lahaa , laguna siin lahaa lacagta talaxgabka, iyadoo aad moodid in shaqada ay ku kalifayso si ay u helaan qutal daruurigii , waayo hadday camalka ka fadhiistaan , inta badan ma helayaan wax bdal uga noqda mushahaarkii ay dawlada ka waadan jiraan.’
Waxaase yaab badan , ragaas aynigii inaanay diyaar ba u ahayn bannaynta hogaaminta dalka, waxaanand mooddaa in ay hada uun dhadhamiyeen macaanka siyaasada iyo nuxurkii kursigaba , waxa dhacdayin maalin la waydiiyay nin oday ah oo siyaasadamuddo badan ku soo jiray a”Adeer maxaad siyaasada uga fadhiisan wayday waadigan ayniga noqdaye?”. Odaygi wuxuuku jawaabay “Adeer siyaasada ka fadhisian mayno oo meesha xoog baan ku qabsanaye , haddad xoog nagaga qaadaysaan nagaga qaada, haddii akle na daawada annaga ayuunbaa talada haynayna walaigayo e”. Erayadaasina waa qaar laga naxo.
Waxa kale oo xusid mudan in hadii nin dhalinyaro ahi uu isku dayo inuu iu tago musharaxnimo in lala yaabo oo lagu dhaho”maxaad ladagdagaysaa , awoowyadaa iyo addeerada baa bilaa camale’, taasina waxa lakulmay nin dhalinyaro ah oo reer hargeysa ah oo Cabdilaahi layidhaahdo, oo isu taagay doorahooyinkii dawladaha hoose ee 2002 , arintaasina Cabdilaahi waxa uu ka qaaday niyad jab wayn sida uu ii sheegay.
Distoorka Somaliland qudhiisa ayaa ah mid duudsiyayay dhalinyarada, waayo waxa ku qoran qodobo sheegaya in siyaasada aynulagu soogalo laakiin ayni lagaga fadhiiststaba majiro inta laga god galayyo, waana ta sababtayin ay 80 jiraadi wali kurasida ku fadhiyaan.Isku soow ada duubboo maalinta dhalinta calamiga ah, oo sanad walba la xuso ayaa markii u horraysay laga xusay Somaliland sanadkii 2006, waxaanay dhalintu isku tusaaleeyeenin ay iyaga oo midaysan ka qayb galaan talada dalka , waxaanay baaq u direen odayada illaa lixdanka talada hayay iyaga oo leh “Waa doorkii aanu dirawalin lahayn siyaasada dalka ee duqaytidaay daraf nooga leexda”, waxaanan u mahad naqanayaa xisbiga UCID oo ah xisbiga inta badan kuraasi wax ku ool ah siiya dhalinyarada.
Waxaan maqaalkaygan ku soo gunaanadayaa maansadan aan kula gartamayo ragga ilaa lixdankii talada haya, isla markaana aan ku guubaabinayo dhalinta waxaanan leeyahay “Dhalinyahay yaan waligiin la idinku sasabin waxaad tihiin UBIXII BARRI, waxan idin leeyay waxaad tihiin HOGGAANKII MAANTA, ee cadkaiina goosta”.Maansadina waa tan:
Ø Nin aan xaraf shaagahayn
Ø Hooyaba ma xannaanisee
Ø Muraadkuu xabaku rabo
Ø Haddaanad xubin ku odhan
Ø Xuub iyo daah baa korsane
Ø Tan iyo wakhtigii xornimo
Ø Ragii lixdankii xilkiyo
Ø Xayuubsaday maamulkaa
Ø Illaa hadda xaadiroo
Ø U xaydan kuraasidoo
Ø Xafiiskii doonayee
Ø Barroosin xabaalan iyo
Ø Ma xididbaa uga dul baxay
Ø Xarumahan dawladoo
Ø Xukuumadu waa dukaan
Ø Xisaabtiisa ay hayaan??
Ø Mise waa xilo mar hore
Ø Xaakinku u guuriyoo
Ø Anaa xergiyoon ogayn??
Ø Xusuustu qof ay yartiyo
Ø Maxay odayadan xafashay
Ø Wasiir xadka dhaafayoo
Ø Siddeetan dhan xay ahaa
Ø Agaasime xiiqsanoo
Ø Xilligan todobaatan jiray
Ø Iyo xildhibaan da ahi
Ø Dhibaato xallin karaan??
Ø Xiniiyuu ma aynigaa??
Ø Sharcigu xagal buu maree
Ø Haddii xagga hoose guga
Ø Bulshooy laga soo xadiday
Ø Shuruud adag lagu xidhxidhay
Ø Maxaa xagga sare ka dhigay
Ø Mid aan xadidaad lahayn??
Ø Xayndaabkee duqayda celin??
Ø Ma xeerbaa taasi qaran??
Ø Xurmada yay naan ka tagin
Ø Waxaa dadka lagu xushaa
Ø Xasuusta garaadka iyo
Ø Xeeldheeri aqoonta iyo
Ø Xirfado uu laayahee
Ø Dhalintu xashiish nacfi la
Ø Runtii xaabo maaha aan
Ø Xaqiidii hanan karayn
Ø Masuul la xambaarayee
Ø Xidigo weeyaan jiroo
Ø Xushmayna mutaystayoo
Ø Xiskoodu dhamaysyahoon
Ø Xawaaraha gaabinine
Ø Kuwii xaafadaha arliga
Ø Xinjirta u daadiyay
Ø Maxaa loo xisdiyay barbaar??
Ø Kuwii xasiloonidiyo
Ø Amniga xafidaayay gabi
Ø Kuwii xurguf iyo dagaal
Ø Xansaskiyo qodax necbaa
Ø Xuduntii horumarkaba
Ø Hadmaa laga xiiso dhacay??
Ø Xariir dumarkaa hantiyee
Ø Miyaan xilka loo sinnayn??
Ø Xatooyo ninkii galaa
Ø Xabsiga loo soo unkee
Ø Maxaa da”yar loo xayiray??
Ø Toloow xeerbeegtideen
Ø Xumaanahan lagula kacay
Ø Xabaaebtaye hor dhigaa??
Ø Qofkaad xeeladaysayeed
Ø Xaqiisii leexsatay
Ø Kollay xadxatayn muriyo
Ø Xajiin lama mar marshee
Ø Inaad xikmad daran tahay
Ø Xogtaan maqlay baan fajacay
Ø Xafiisyada dawladeed
Ø Annaba waan xayuubsanee
Ø Hadaad xoog tidhi ku hela
Ø Ammaankaan xeerinaa
Ø Inaan xabad qaadanaa
Ø Illeen waa xalay tagtee
Ø Xadhaadhaa hadaladani
Ø Is xariifinta naga yar dhima
Ø Faraska xakamaa dabroo
Ø Dadkana cimrigaa xidhee
Ø Xantoobo bisila ninkii
Ø Xaf loogaba siin lahaa
Ø Hadii lagu sii xejiyo
Ø Xilkii laga nasin lahaa
Ø Miyuu xalku noqon sidaas??
Ø Hadduu xays meel ku da o
Ø Xareeduna wadhan tahay
Ø Waa loo wada xaadiraa
Ø Inaad xoor kali dhantaan
Ø Xanuun bay nagu tahoo
Ø Anagu maanaan xamilin
Ø Xaqayaga noogu shuba
Ø Waxaan hadalkii ku xidhay
ØBahdaydaay xarafkan dhugo
Ø Xaaxeydaa seexatee
Ø Xusulka duubtoo kacoo
ØHadaad xag wada daydaan
Ø Xerooyinka reerihiyo
Ø Qabyaalada xooraysaan
Ø Qalbiga isu xalan tihiin
Ø Xiqdiga aad laalaysaan
Ø Xaqiina inaad heshaan
Ø Xaliimku hadduu fasaxo
Ø Dhabtii way xarriiqantoo
Ø Xaashida looxaa dhigtee
Ø Dhamaan xisbi wada noqduun
Fiiro Gaar ah:Maqaalkan iyo maansadan waxaan hore ugu baahiyay shabakadaha wararka Qaarkood.Laakiin munisibadan dhalinyarada awgeed ayaan jecleystay inaan mar labaad u baahiyo.
Siciid Maxamuud Gahayr
Pakistan




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday