CIRO midbaan leeyahay, CABDIWARABENA Midbaan leeyahay,SULDAN IBRAHIMNA midbaan eeyahyay
Hadaladii waziiraka arimaha guda iyo cabdi waraabe oo ay labdooduba war baahinta u isticmaaleen inay ku eedeeyaan shirka ka socda G.sanaag (beesha bariga s/land). iyagoo u hadlaya qaab qabiil iyo caadifadi ka muuqato.
Waziirka arimaha guduhu wuxu ku eedeeyay muwadin xirsi cali inuu ka mid yahay al shabaab ama urur ka ka jira wadanka aynu deriska nahay e somalia.
Halka, abdi warabena sheegay in shiraaks fidmo ka soo socoto
Suldaanka awdalna yidhi shirkaa shir la mid ah banu qabsanaynaa markuu dhamaado.
Hadaba akhriste ma si waydiisay waxa somaliland yar iyo weyn rag iyo dumar siyaasi iyo oday dhaqameed dhamaaantood kusoo jeediyay shiraka ka socda G.sanaag.
Sidaynu la wada socono somaliland waxa lagusoo dhisay hab qabiil taas oo aan loo isticmaalin reerkee ugu badan/ugu quwad badan, se aynu isticmaalnay sidi ilahay (SWT) quraankisa ku sheegay (litacarafuu)
Shirarka beluhuna maha wax inagu cusub ee beel walba way qabsata shirkeeda ayadoo ka tashanaysa danaha iyo hawlaheeda gar ahaaneed.
Waynu lawada soconaa inay beelaha kale ee somaliland shirar ku qabsadeen Boorame, burco,hargaisa iyo baligubadle. Kuwaas oo aanay jirin cid ka hadashay, ama edaysay.
Beeshuna kama duwana kuwaas, hadii maanta looga shakiyo inay somaliland wax ku yeelayyaana horay u wax yeelayn lahyen. waayo wax dan ah oo ay ku qabaan somaliland ma jirto ee riyada qudha ee ay ku nool yihin waa somaliland baanu nahay.
Hadaba dadka shirka eedaynayaa waxay ukala baxan sadex qaybood, oo kala ah.
1) Qayb hoostagta maamulka riyaale oo calooshood u shaqaystayaal aan danaynaynin xilka umada ay u hayaan, ta bedelkeeddana ku isticmaala siday kursiga ugu fadhiyi lahayen iyagoo riyale dhegaha u saara hadaladda uu ku raaxaysanayo
2) dad caadifad qabiil dishootay oo aynu hadaladooda ka dhandhansanayno inay reer weerarsanyihin.
3) siyaasiyiin fahmay in beentoodii iyo ballan qadyadii riyada ku dhisnaa ee ay shacabka ka ibin jireen dhamatay arkayna in laga tashanayo.
Dadka kursi jacaylka u weeraraya dadyowga kale waxay cadaysteen inay ku tilmaamaan marba wixi maankooda ku soo dhaca sida muwadinka la xidhay ee xirsi oo uu waziirka arimaha guduhu ku tilmaamay al shabaab. Alshabaab mawaxay noqotay meel cidii aan riyaale tageersanayn ama xaqa ka hadashaa ay kamid noqoto. ALshabaab, se goormay noqotay urur somaliland gil gila miyanay ahayn inamada yar yar ee gurigoodii xasilin kari la.
Waziirka(ciro ) midbaan leeyahay waziir waxad haysaa xil qarran mana aha xilgudashadaadu noqoto inaad danta riyaale iyo gursi ilaashigaaga aad ugu adeegtid hadaladda aan ka fiirsiga lahayn ee sida ciyaalka aad leedahay waxanu umalynayanaa inu alshabaab ka tirsan yahayna, waxay sumcad iyo karaamo beel u tahay umada aad xilka u haysid.Goormaad se aduu C.I.D, mahkamada iyo W/A/gudahab isku qabsatay(awrka danbe awrka horuu socodkiisa eegtaa) waxaad dib u raacday wadadii ay mareen ragii lagu yaqaanay ii dhehda iyo keligood taliyayaashii.
CABDIWARABENA mid baan leeyahay. waxaad sheegtay inaad kula talinaysid madaxda beeshu inay ku daydaan Buurmadoow. oday miyaadan ogayn in aan nina dantiisa loo sheegin,
Shirkuna uu yahay mid danaha reerka lagaga tashanyo e aanu ahayn mid lagu baabi’inayo horaa loo yidhi”Gadh cadaaga odayga ah ee guurtinimo ku idishahay misna maraga aan gelin” markaad leedahy dad M/weyne doonaya idinkaa u kulul dalku wuu ka tegay habqabiil xisbiyaana la marayaa. xisbi walbana ninkii usoo sharaxdaa isgay ku xidhan tahay ee maaha mid beesha u taalla.
Suldaan ibrahim dacarna, mid baan leeyahy suldaan hadii aad reerkaaga shir u qabanaysid waad ku saxsan tahay se waxa calaamatul su’aal ad saaratay inaad ka war sugaysid wixii ka soo baxa shirkaa.(G.SANAAG) shirka aad reerkaaga u qabanaysaa ma mid aad kaga talinaysid ayaha iyo danah reer kaaga, mise waa mid aad danahaaga iyo isku dirka dadka kaga talinaysid?(Hadalka calosha kugu jira marbuu carabku kaa xadaa)taasina waxay mujinaysaa inaad isku dir iyo munaafaqnimo ka shaqaynaysid.
Waxan leeyahay umada somaliland yaanay dhegihiina wasakhayn dad ku seexda ama xil ku hela isku dirka iyo kala fogaynta dadka wallaalaha ah.(gacmo wada jirbay wax ku qabataan)
somalilandeey isku duubni baa horu mar lagu gaadhaa
mohamed ibrahim h.yusuf (mbashe)
mbashe30@yahoo.com
kuala lumpur
malaysia




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday