OPINION

Beegaalka Nolosha

 

Maalin dhowayto, ayaa waxa aan faafiyey maqaal kooban oo ka hadlayey Arrinta Adhiga, Shirka Gar-adag iyo Xadhigga Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo ah guddoome-xigeenkii Guddida Doorashooyinka Somaliland, dhowaanna xilkaas iska casiley. Dar-mareegeed badan oo Internet-ka ka mid ah, ayaa maqaalkaas soo daabacay, hase yeeshee waxa aan la yaabay sida dadka qaar meel daran iyo reero muskood ula qabteen dulucdii iyo farriintii maqaalkaasi xambaarsanaa. Dadka arrintaas sida aniga ila khaldan u sarriftay, waxa ka mid ah Mudane Xuseen Badhmaax oo maqaal ku soo daabacay mareegta www.somalilandpatriots.com, halkaas oo maqaalkaygiina laga heli karo.  

Maqaalka Badmaax ladhkiisu waa: Caroogga aad tumaysaa ma cabashaa, mise waa ciil bari. Kayga uu Badmaax ka jawaabayaana waa: Arrinta Adhiga, Shirka Gar-adag iyo Xadhigga Xirsi. 

Intaasi markii ay dhacday ee aan akhriyey maqaalkii Xuseen Badmaax, ayaa saaxiibkay Badmaax  waxa aan uga jawaabayaa su’aashii maqaalkiisa. Waxa aan isku dayey afarreydan hoose in aan Xuseen Badmaax  ugu war tebiyo oo hawada u sii mariyo halka farriintaydu ku qumman tahay. Afarreyda magaceedu waa Beegaalka Nolosha, waxanay soo baxday 12/08/08, waxa ay tidhi:- 

Saaxiib Badmaaxow

Sawtan hadalki kaa ba’ay

Kaa bay’dhay toyashadu

Waa maxay bulaankani?

Bigilkanaad tumaysaa?

Xaggaad bayr ka leedahay?

Maxaad baafinaysaa?

Bedenkaagu tebayaa?

Anna kaa bogsiiyaa? 

Bixisaa ka salaglee

Waa maxay baroortani

Naxli biirintaadani

Bakhti toosintaadani

Ciil-bari ku taahani

Beel nebcaysigaagani

Shakhsi baacsigaagani, 

Maxaad beegsanaysaa?

kala baayacaysaa?

Biyo sare u jeedaa

Barta ay ku soo degi

Baaxaalligaa sheeg? 

Bi’i-waa Badmaaxow

Hadalkaan binee idhi

Aan kuu beyaanshee

Waxaan ahay nin baadoo

Beryo dibadda meeroo

Wadnihiisa baallaha

Dabayluhu babbinayaan, 

Badda mawjaddeedaan

Hadba baal u raacaa

Bilaalaan ku dhurayaa

Ceelkii Bullaaloo

Baaxadsoorayaashiyo

Berrigaan socdaayoo

Hadba beydan tiriyaan

Baal-goray ku qorayaa 

Baylahdeenna kala quban

Ayaan baaciyaayoo

Bartilmaan ku dhigayaa;

Hadba buro ku taalliyo

Basanbaas ka dhaqayaa 

Qalinkaygu beegmada

Ma yaqaan barkumataal

Iyo been ku dayashada

Beeluhuu u siman yahay

Barigiyo galbeedkaba

Arladeenna bilicdiyo

Biligiyo ilwaadka leh 

Ballankii Ilaahay

Bartii yaqaanna maan ihi

Budulkii dadkaan ahay

Burco iyo Hargeysiyo

Beeraha Wajaaliyo

Boorame dushiisiyo

Buuhoodle weyniyo

Inta Badhan ka raaridan

Ayaan beegsadaayoo

Beledkoo dhan baan ahay 

Belo saadin maayee

Waxaan baadi goob ahay: 

Inta laga badheedhiyo

Inta lagu billaadiyo;

Inta laga baqooliyo

Inta lagu bariistiyo;

Inta lagu bogsoodiyo

Inta laga baraarugo,

Inta berisamaadkiyo

Nabaddiyo badhaadhaha

Burjigiyo awoodaha

Barakada Ilaahay

Barkhadaha ma dhaafaan; 

Inta laga bal reebtiyo

Berdaan lagu negaadiyo

Xaq baan baafinaayaa

Miisaan bulshada sima

Cadli lagu ballaysimo

Beegaalka nololeed

Barigiyo galbeedkaba

Beelaha dhammaantood, 

Ninka taas ka baqayow

Ama baajinaayow

Aday baayadaa tahay

Ma baro ama ha baran

Baahidaada weeyaan 

Dogob beeri maayoo

Cidla buuqi maayee

Baaqaygu waa kaas. 
 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra