2008-ka Madaxweyne Siilaanyo iyo Somaliland.
Waa saadaal fiican, waa sida ay danta Somaliland ku jirto inuu is bedel dhab ahi ku yimaado hogaanka qaranka Somaliland. Xaasha dhaliili maayo, amaanina maayo maamuladii soo maray Somaliland iyo kan hada joogaba, oo horaa loogu dhameeyay labadaba, waxase aan la qarin karin in xawligii iyo xoogii ay ku socotaay Somaliland aad isku dhimay beryahana danbe, dhan kii aad ka eegtaba. Habka ama tabta ama sida aad wax u qabanaysaa haduu guul ku gaadhsiin waayo iyo halkii yoolkaagu ahaa, waa inad wax bedeshaa oo heshaa halka ay arintu dalabta ka leedahay, si ujeedadadii u rumoowdo.
Waa 17 gu iyo dhiidhii, inta aynu ahayn dawlada ee aynu inagu gacanta ku haysanay masiirkeena, inaga oon cidna marti uga ahayn oon la inoo yeedhinayn waxan samaynayno iyo waxaynaan samaynayn, waa run wax badan baa qabsoomay wax badan ayaana baaqday, waxii qabsoomay waa qabsoomeen ee waxa muhiima waxyaabaha baaqday oon is leeyahay Tamar dari iyo hagrasho ayaa baajisay inaan helo cid qumisa.
Si hadaba aynu uga gudubno dalcadaha soo karaar jabiyay xawaarihii iyo xoogii ay ku socotay Somaliland, waxa haboon in la helo bedel cusub oo dardartiisa qaba oo waxaynu tabayno inoo hanta, waxana aan is leeyahay ninka hawshaa garashadeeda iyo geesinamadeedaba lehi waa mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo. Uma baahnid inaan kuu sharaxo Siilaano ninka uu yahay ama waxa uu soo qabtay oo cid kastaa og, kaliya waxan ku darayaa, hadii hogaamiye in la noqdaa shuruudo rabto Siilaanyo waa sitaa waxii loo baahnaa iyo ka badan.
Waa nin ilaahay ku galaday intii nin dal iyo dad ku hogaamin lahaa,
Waa aqoonyahan ku darsaday waayo-aragnimo heerkastaba ah.
Waa hogaamiye ku bilan hadal aqoon iyo hufnaan.
Waa halyay hiil iyo hooba leh oo Col iyo Nabadba yaqaan
Waa xilkas degan oon degdegin oo dulqaad leh
Waa nin aad u aragti fog, oo saadaaliin karin dalcadaha siyaasadeed ee Somaliland horyaalaa, jaadkay ay yihiin iyo xooga iyo xeelada ay u baahan yihiin in lagaga baxo.
Hadal badani haan ma buuxsho, adigoon si kalebaa wax u eegin, dantaaba ku faraysa in hadii meeli ama wax kugu xumaato ama adkaato aad ka diga-rogoto ood xal kale raadiso, bal hadaba mar hadii ay sidii iyo qaabkii Somaliland u socotay yara itaal dareeyay oo ay quwadii is dhintay, waxa haboon in wax kale lagu eego, sidaa darteed, bal dhiig cusub ha lagu eego Hogaanka Somaliland, si aynu u gaadhno himaladeenii balaadhnayd. Ninka aan cidi ka sidan een looga maarmayn inuu gadhwadeen ka noqdaa hawshaa culusna waxa hubaala inaanu nin kale ahayn ee uu mudane Siilaanyo yahay.
Saacu Siilaanyuu saaran yahay ee reer Somaliland , ha samaato oo hala helo dheha, labada kun iyo sagaalka, waa Somaliland iyo Siilaanyo.
F.G. Anigu xisbina ma taageero, ha i ii arkin inaan Muraayad Xisbi wax ku eegayo, xaasha, xaqiiqdaa sidaa iila eeg.!
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
Cali Cumar Xasan




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday