OPINION

Xirsi wuxuu u xidhan yahay Aargoosi siyaasadeed

By:Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

 

“Gar ma qaatayaashiyo dadkaa, beera ruux gudhan’e,

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo,

Markuu dhaawac gaystaba haddii, loo gargarateeyo,

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya,

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol xaadho,

Kaligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye”.

 

Gudgude-1990-kii- M.I.W “Hadraawi”.

 

“…Waxa jira runtii niman budhcad ah oo la leeyahay Bariga Burco ayay saddex baabuur oo Surf ah kurka kaga jareen, waana lagu maqan yahay, maantana Insha Allaahu nalama dhaafi doonto, wixii tallaabo ahna waa laga qaadi doonaa…Ujeeddadoodu way caddaan doontaa oo ka hor dhici maayo, laakiin waxaanu tuhunsannahay in ay lug la leedahay nin maalin dhawayd la xidhay oo Xirsi la yidhaa, oo xidhiidh la leh Al-Shabaab, arrintiisana waa la baadhayaa baadhistaas kadibna way caddaan doontaa…Arrintan kuma tuhunsanin (Xirsi) ee aad iyo aad ayay ugu caddahay oo baabuurtaa la sheegayo ayuu markii hore la socday”.-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland; C/laahi Ismaaciil Cirro.

 

Intaasi markay dhegahayga ku soo duuleen ayaa judhiiba, amankaag, anfariir iyo qayo-yaab hor lihi igu dhashay. Dadka intii dareen samaanta u janjeedha lagu tuhmayay, hubaal way ka naxeen tiraabahaas Wasiirka, in kasta oo ay jirto; in dadka badankiisu wararka masuuliyiinta Xukuumadda ka aaminsan yihiin, Hadal meel waayay iyo waxba kama jiraan. Dareen aan xadhko liddiyi karaa jirin oo baaxad leh ayaa hadaladaas ka curtay, inta badan dadweynuhuna diidmo qayaxan oo tusinaysa sida aanay u qaadan karin beenahaas iyo tibaaxahaas waaqaca ka durugsan ayay muujiyeen. Runtii waxay ahayd mid inoo dhiman!.

 

La yaab badan iyo amankaag guro fog igumay noqon luqadda saboolnimada leh ee uu ku hadlay. Lahjad heeraab hoose oo ka arradan erey-bixinta Diblomaasiyadda, sogordaha, sarbeebta, saamma-dedka, duur-xulka, hummaagaynta iyo heybadda odhaahdaba waan ku aqaanay badiba hoggaamiyayaasha hadhsada heeryada Xukuumadda. Afka qaawan ee aan daboolka, dahsoonnaanta iyo daaha midna huwanayni, ceebtooda may ahayn, caadaabay se u ahayd. Miyaanay ahayn darkii, inta murti Soomaaliyeed badatay ku maah-maahi jiray; “Dhuuso geel”. Hadalka nin ummad guddooonshe u ahi jeediyaa se, sida dhaqanka xilku yahay, hubsiimo, sugnaan iyo qor-qornaan ayaan ku ogaa. May ahayn, mana aha, in tiraabta nin xil ku magacaabani la fal-gasho haasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya. Erey kasta oo ninka ummadda u boqrani yidhaahdaa, waa ma-dhaafaan, daymo, dhug iyo kasmoba loo leeyahay. Madax-tinimadu, waxay leedahay milge, asluub iyo astaan ilaalisa haybadda kursiga. Waxaa madaxtinnimada lagu yaqaanaa; is-dhawrid iyo af-gobaadsi, had iyo jeer leh abbaar iyo jid jeexan oo la yaqaanno. Eedda iyo dacwaddu kama fursato, kamana baxsan karto, summad iyo sawrac, goor, goob iyo goleba leh.

 

Ogaalkay ama sida garashadu I faraysay, xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahina ahayd, Xirsi waxa uu u xidhnaa aar-goosi siyaasadeed. Maadaama dammiirkiisu ka dhiidhiyay, kana digigixooday, siina xammili waayay u dul-yeelashada faro-galintii iyo gacan-dhaafkii sharci-darrada ahaa ee Xukuumadda Riyaale ku haysay hawlaha Komishanka, aakhirkiina iska casilay xilkii maqaar-saarka ahaa, Xukuumaddu waxay muddoba baadi-goobaysay godkii, kobtii iyo sabadii ay ku qaban lahayd. Aan raaciyo, waliba waxa suurta-gal ah in; Xukuumaddu markay soo qabanaysay Xirsi aanay haynin danbiga ay ku xidhayaan, laakiin la sameeyay dharaarihii uu xabsiga ku guda-jiray. Maamulka Riyaale oo lagu ogyahay caabiyidda run-aha mutaxan ee aan caadka la saari karin, colaad lama-qiyaasaan ah ayay kasha iyo kaskaba ugu haysay Xirsi. Xisbigii laga soo xulay, Kulmiye, oo ay sidiisaba cadaawad mug iyo miisaan leh u hayso, ayaa iyana ka mid ahayd sababaha soo dedejiyay xadhiggiisa.

 

Waxa aan is weydiiyay; haddiiba uu C/laahi ahaa ciidamadii Nabad-Sugidda, basaasidda iyo jaajuusnimada, maxaa sababay in ereygani ugaga soo dhaco sifo sahlan oo sakhiran?. Sowkii lahaa anigu danbi-baadhaan ahaa!…haddana waa maxay waxan uu is dhex dhigay. Ismaba kallifin ee waxaan xiska iyo xusuustaba ku celiyay afar bilood ka hor. 09.04.2008, qaraxii ka dhacay aqalka Golaha Guurtida ee Somaliland iyo sidii degdegsiinyada lahayd ee uu u yidhi: “Kulmiyaa qaraxa ka danbeeyay”. Waa yaab. Qaraxaas waxa loo xidhxidhay rag mudan ah oo uu ka mid yahay Oday Deyr Maxamed Cilmi, waxaana aakhirkii la soo daayay iyaga oo aan maxkamad la hor-gaynin, lana caddaynin sababta ay u xidhnaayeen. Illaa hadda, wasiirka waxa laga sugayaa caddaynta halkii, sidii iyo sifihii Kulmiye uga danbeeyay qaraxaas. Waa su’aal hor taalla, lamana gafayo inta dad nool yahay. Xujo cad iyo xisaabina way danbaysaa!.

 

10.04.2008, shir uu xisbiga Kulmiye ku lahaa Huteelka Panorama ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka hadlay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Mujaahidku isaga oo daba socda eedaymihii wasiirku u soo jeediyay Xisbiga, waxa uu yidhi: “C/laahi Cirro waa kuma?…Waa Isaaqii dheddig ee Isaaqa xiniinyaha ka garaaci jiray”. Sida Maxamed Kaahin abbaartiisu ahayd, Isaaqa dheddig qoys iyo qolo gaar ah ma ahayn, waxay se ahayeen dhammaan saraakiishii Isaaqa ee maalmihii qadhaadhaa ka hoos shaqayni jiray taliskii Maxamed Siyaad. C/laahi Cirro si uu uga baxsado taariikhda baadi-soocatay, waxa uu abaabulay dad ma-kasto u badan, Ku-ye: “Reer baa la af-lagaaddeeyay dhaha”. Muj: Maxamed Xaashi Cilmi iyo Muj: Yuusuf Cabdi Gaboobe-ba waxay isku Isaaq yihiin Muj: Maxamed Kaahin, sidaas darteed Isaaqyada iyo abtirsiinadu way kala guran yihiin.

 

Malahayga, Wasiirku wuu khalkhalaa marka uu saxaafadda la hadlayo. Isaga oo gar-gariiraya ayuu 13.04.2008-da, shir u qabtay jaraa’idka. Ku-ye: “…Maxamed Kaahin agoontuu laayay baa loo haystaa…Burco go’ shaal ah buu ku dhex maraa oo waxa uu iska qarinayaa carruurtuu aabbayaashood laayay…Waa la garanayaa shaqadii uskagga ahayd ee uu Sanxaani u qaban jiray, waana tii ka kaxaysay”. Waxaan is waydiiyay goormaa u amba-bixii halganku ceeb noqday. Sanxaanni wuu ka tallaabay ma godobbaa!, aday kuugu duntay’e, magaca kuugu baxay ha ka xanaaqin. Caddayn kale ayaa looga baahan yahay dadkaas uu yidhi waa la laayay. Agoonta uu carrabaabay waxay Wasiirka ka sugayaan war dacallo-fidsan oo ku saabsan dilkii aabbayaashood. C/laahi Cirro ayay caddaymo qancin kara ka sugayaan. Noqonna mayso in mar danbe danbiile la cafiyo, taariikhduna way xisaabtami doontaa.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo muddo ku xidhnaa xabsiga Mandheera, isna wuxuu ku eedaysnaa Argagaxiso. Ciddii xukuumadda ay is qabtaanba ma Argagaxisaa?…Oo ma Maraykankiibaa!. Argagaxiso (Terrorism) ayaa u baahan in iyaga (Xukuumadda) far waawayn kolleyba loogu dhigo. “Hebelbaa ka danbeeya”  maaha erey si sal-fudayd ku jiro loo yidhaa. Deggenaan, baadhis iyo kuur-gal ayay u baahan tahay, waa se nasiib darro in Wasiiradii u danbeeyay ee soo mara Wasaaradda Daakhiligu lahaayeen dhaqankaas shaydaanka raalli galinaya. Guntii iyo gebegabadii, Mudane Wasiir, ogobeey, dadka reer Somaliland ee aad madaxda u tahay maaha maxaabiis xabsigii Labaatan Jirow jooga, Wasaaradda aad mas’uulka ka tahayna maaha Godkii!.

 

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

E-mail: halabuur@hotmail.com

Tel: 00 252 2 4160271

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra