Xaji Cabdi Waraabe Ayaa Hadlay, Habarjeclana Wuu La Dardaarmay, Mase Laga Yaaba Isbedel Dhinacyo Badan In La Fili Karo? Dahir A. Jama

Waxa hadlay Xaaji Cabdi Waraabe, isagoo waraysi siiyay Jamhuuriyo, oo yidhi Saladiinta Habar Jeclo waxaan faraya inaay Sidaa Cismaan Buurmadow noqdaan oo beeshooda kala daadiyan oo Dahir Rayale u adeegan.  Waxa uu ku daray Xaaji Cabdi Waraabe in sharaf ay tahay cidda raacda xukuumadda, ciddii ka hortimaadana ay khaldan tahay.

 

Dhinaca kale nuxurka Cabdi Waraabe waxaad ka dareemaysa inuu leeyahay isaga oo la hadlaya beesha ku shiraysa Garadag ee Habarjeclo ‘xukun ayad u buktaan ee cagaha dhulka dhigta’.

 

Waxa nasiib darro ah oo muuqata in Cabdi Waraabe iyo inta la caana maasha ay fikirkooda dhinaca xaqiiqada ah lagala cabirin.  Waxa cad in Somaliland ay tahay wax ku taagan laguna ilaashado DAN gaar ah laakin aanay ‘WADANIMO’ ama ‘QARANIMO’ ku  taagnayn ama inta badan ku rabin.  Taasi marka ay cadaato waxa jirta in beeshan Cabdi Warabe la hadlayo ee Habar Jeclo ay yagu Dan Ilaashigaas ka maqnaa laakin qiiro wadanimo iyo jibo madhan oo Somaliland la yidhaahdo ay aad u haysay.  Waxaan filayaa ta Cabdi Waraabe ka gubtay inay tahay isagoo arkay in Habarjeclo fahantay inay yaguna beelaha kale ee Somaliland la mid noqdaan oo DAN yaguna eegtaan, ama ha noqoto dhaqaale ama Xukun, haddii ay waayaana, siday yeelayan yeelaan oo wax dantoodu ku jirin oo nin dantiisa ilaalinaysa aanay u hagar bixin.  Si kale hadaan u dhigo, Cabdi Warabe iyo in badan oo la fakir ah waxay soo fahmayaan in Somaliland beeshaas uu carabka ku dhuftay qiiro raqiis ah iyo wadanimo raqiis ah ku liqsanayd laakiin ay sida beelaha kale DAN eegato noqonayso oo soo fahmayso.

 

Dantayda ayaan eeganaya maaha macnaheedu qaran dumis ayaan noqonayaa ama Xamar ayaan tagaya.  Ma aha.  Waxay tahay laakin Somaliland in inta yari ka faa’ido ana aan ka qado ogolaan mayo ee ama wa inan wada faa’idnaa ama wada qadnaa.  Taasi kuma imanayso Xamar tag ama dagaal dhaca.  Mar haddii dan ilaashi la marayo, hase yeeshe, waxay taasi ku imanaysa yadoo ka wax ku ilaashanaya isagana macaanka ama danta gaarka ah ee uu ku qancay laga horjoogsado, sida looga horjoogsanayana anay ahayn Xamar ama Dagaal e ay noqonayso nin iyo xeeshii.

 

Waakan maqaalkii ama waraysigii Cabdi Waraabe ee akhris wanaagsan.

 

Dahir Jama

Presently in Jeddah

d.jama@yahoo.com

 

Qolada Garadag ku shirayana waxaan leeyahay wax Madaxweynenimo doonaya idinkaa u kulul”

 “Ninka siyaasiga ah ee beerka u jiifa ee baabuurta diraya ee innamada diraya waa la ogyahay”Xaaji Cabdi-waraabe – Waraysi Khaas ah … Hargeysa(Jam)- Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa sheegay in rag siyaasiyiin ah oo aannu magacaabin ku lug leeyihiin dhibaarada ka taagan dhoofka xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland.

 

Xaaji Cabdi-waraabe oo ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn Somaliland, ayaa waraysi khaas ah oo Jamhuuriya kula yeeshay Sabtidii xarunta Guurtida ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin aragtidiisa ku wajahan shirka beesha bariga Burco hadda uga socda degmada Garadag ee Gobolka Sanaag, marxaladda xilligan dalku marayo, gaar ahaan baahida loo qabo aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha caalamka.

 

Ugu horreyn, Xaajiga oo ka hadlayey arrinta dhoofka xoolaha nool iyo qodobadda go’aanka Madaxweyne Rayaale ka soo saaray xallinta khilaafkaas waxa uu sheegay in Madaxweynuhu tanaasul ka sameeyey xal-ka-gaadhista muranka muddada soo jiitamayey ee ka dhashay dhoofka adhiga, isla markaana aanay wararka sheegaya in Shirguddoonka Guurtida iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin isku mari waayeen waanwaantii arrintaas.

 

Xaaji Cabdi-waraabe oo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Mahadnaq baa inoo ekaa, hadday adhiilaha tahay iyo hadday siyaasiga tahayba. Batrool ma lihin, beero wax ka baxaan oo badanna ma lihin. Goor dambe ayaa wanaagga la xusuustaa, inta horse ninka baadilka wada ee qaylinaya ayaa la raacaa. Maxjarka la inoo furayo buuq inuu ka kaco may ahayne Alle-bari in aynu dhigano ayaa qurux badnayd, waxana Soomaalidu ku maahmaahdaa; nin baahani ma ba’na, ninkaad baryeyso ee aad u baahan tahay waa la baryaa.

 

Muddadii dheerayd ee maxjarka waa la soo gaabiyey oo shan bilood baa laga dhigay, qiimihii neefka ee la lahaa wuu jaban yahayna waa la kordhiyey oo $42 doollar baa laga dhigay, adhigii dekedda joogayna waa ta Madaxweynuhu fasaxay ee golayaashu ku raaceen, nin dan leh mooyaane meel laga qayliyaba ma joogno, Madaxweynahaanna tanaasulay oo xoolihii bilaa amarka ku yimi dekedda fasaxay.”

 

Mar uu Xaaji Cabdikariim si gaar ah ula hadlayey ganacsatada xoolaha waxa uu yidhi; “Maanta adhiilaha waxa la gudboon inay dantooda ka shaqeeyaan oo rabshadda iska daayaan. Adhiiluhu waa ragga baayacmushtarka ah ee dawladnimada dhisa ee xoolaha bad iyo berriba ka keena, markaa buuq dan uma aha oo baayacmushatari iyo buuq way kala fogyihiin. Buuqa waa inay adhiilayaashu iska daayaan oo ninka jarka ka tuuraya iska ilaaliyaan, waayo waa rag aqoon leh oo diin leh, waxaanan leeyahay xumaanta inyar baa kicisa, samahase waa lagu xiiqaa, maanta xukuumadda iyo Ilaahayba in loo mahadnaqo ayaa waajib ah, dawladda Sucuudiga in loo mahadnaqo ayaa waajib ah.”

 

Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ahayd; ganacsatadu waxay ka cabanayaan qiimaha go’an ee neefka loo jaray, iyaguna waxay leeyihiin qiimo aad uga sarreeya ka Al-jaabiri xukuumaddu ku siisay ayaannu haysanaa, arrintaasi adiga miyaanay kuu muuqan? Waxa uu Xaaji Cabdi-waraabe ku jawaabay; “Waa tan aan ka maahmaahay; nin baahani ma baano ayaa la yidhi; dantaadaa la eegaa siday ku dhalanayso, sida lacagta badan aad ku gaadhayso ee aad ku helayso macaash badan oo aan buuq lahayn haddaad qiimo sarreeya soo hesho, waxayse u dhowdahay berrito marka maxjarka nin walba loo fasaxo in qiimaha neefka xoolaha ah uu $42 hoos uga dhaco.

 

Haseyeeshee, waxa jirta ninka maanta leh qiimo badan baan xoolaha ku helayaa waa nin doonaya in maxjarka Berbera fashilmo oo ka Boosaaso iyo Jabuuti shaqeeyaan, ninkaasina carruurtiisa, calankiisa iyo qarannimadiisa Somaliland midna uma danayn, waana nin ay taladu seeggan tahay.”

 

Mar la su’aalay Xaajiga sida uu u arko heshiiska xukuumaddu kula jirto ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri iyadoo aan Golaha Wakiillada la soo marin si loo ansixiyo, waxa uu yidhi; “Saddexda gole qaran oo isu dhan ayaa haddaan been la sheegayn ku heshiiyey in muddada yare e shanta bilood ah lagu dhaqmo heshiiska Al-jaabiri. Qolo walba intay soo diratay; shirguddoonnada Baarlamanka, odayaal Guurtida ah oo badan, wasaaradaha,

 

Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkaba waa loo dhammaa waa lagu heshiiyey muddadaa yar ee shanta bilood ah iyo qiimaha neefka ee $42-ka dollar ah iyo weliba adhiga Berbera jooga oo la fasaxo, markaa hadlaba maaha, haddii wax la wanaajinaya maxaa aniga iigu keeni waayey ma aha. Haddii wax la xumeeyo ayaa la yidhaahdaa maxaad noola sugi waydeen iyo waad ku degdegteen, arrintuna meel wanaagsan bay maanta maraysaa.

 

Ninka leh heshiiska Al-jaabiri golaha hala horkeeno si loo ansixiyo waa nin siyaasi ah, waa ninkii dawladda sameeyey ee Guurtida sameeyey, ayaa haddana maanta dardar cusub kicinaya. Ragga arrinta xoolaha dabada ka riixayaa waa siyaasiga maanta shir-beeleedka hadal-haya ee guuxaya, kaas yaan maro loogu duubin oo aan ninka qalloocan la qarin, haddaad qarsantaana way ku qarsan doonaan ayey raggii hore odhan jireen. Siyaasigu ha ka dhex baxo oo halkiisii hore haku soo noqdo. Shacbigu wuu wanaagsan yahay ee ibtilada waxa wadaa waa siyaasiga danaha gaarka ah wata, waxaanan leeyahay siyaasiyiinta adeerayaalow sidiinii wanaagsanayd ku soo noqda oo doorashada si wanaagsan ha lagu galo oo yaan la dhabqin waqtigii doorashooyinku way soo dhow yihiine; nin walowba ninkaad jeceshahay ugu rid, laakiin ninka kursiga doonayaa yaanu qiiq kicin oo malaha helimaysid yaanu rabshad ku kicin.

 

Siyaasiyiinta waxaan leeyahay carruurta caanaha haka daadinina oo qarannimadeenna ha innaga duminina; waad ogtihiin oo shantii Soomaaliyeed meel maanta ina dhaanta ma laha, magaca aad ku taamteen ha qoomina. Waxaan la hadlayaa siyaasiga – hebel ma lihiye – dhuumasho dhabarku muuqdaana dhuumasho maaha. Ninka siyaasiga ah ee beerka u jiifa ee baabuurta diraya ee innamada diraya waa la ogyahay.”

 

Waxa kale oo Xaaji Cabdikariim Xuseen beeniyey in Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Madaxweyne Rayaale kala cadhoodeen, isla markaana Madaxweynuhu ka diiday go’aamadii ay ka soo saareen muranka dhoofka xoolaha, “Maya, Madaxweynaha kamaanaan cadhoon ee si fiican baannu go’aamadii isula qaadanay, waxaanuna isla wada qaadanay xukunka uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu inay sidooda u fulaan, adhiilayaashuna sidaasay raalli ku yihiin. Ragga rux-ruxaya ee adhiilaha iska diraya ha ka dhex baxaan waa qaran dumise, qaran dumina maanta danteenna maaha, nin walbana siduu u socdo Ilaahay wuu ogyahay. Siyaasiyiinta iyo raggii saraakiisha ahaa ee waaweynaa yaanay xumaan ee halkoodii haku soo noqdaan, berri ayaanay xilka qaban doonaan, laakiin haddaynu kolba ninka xilka haya qabsano waxba inoo socon maayaan.”

 

Sidoo kale waxa Xaajiga la weydiiyey su’aal ku saabsan heshiiska kootada ah ee xukuumaddu la gashay Al-jaabiri inuu yahay sharci-darro ka horimana qodob distoori ah, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu ma xidhin suuqii xorta ahaa ee berritaba wuu furi doonaa, waxaannu soconayaa muddo gaaban, waxaannu Madaxweynuhu sheegay in marka shanta bilood dhammaadaan uu suuqu xor yahay, laakiin nin wareer doonaya oo aan carrab dhabayn qolooyinkiina joornaalladuna ha ku jiraane ayaa hadalka wad-wada, adhiilihiina muddadaa wuu aqbalay, waxaanan leeyahay arrinta adhiga waa la siyaasadeeyey oo wanaaggii baa xumaan loo rogay, ha laga daayo hadalka qallinka loo rogayo, waxaasna waxa wadaa waa siyaasiyiinta kursiga doonaya iyo inta la doonaysa.”

 

Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka hadlayey saamaynta shirarka iska soo horjeeda ee beesha bariga Burco uga socda magaalooyinka Garadag iyo Caynabo ku yeelan karaan qarannimada Somaliland, “Xisbiyada waxa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, markaa in qabyaalad lagu shiro maaha, waana in qoomiyad loo shiraa, wax aynu ka soo guurnay in dib loogu noqdo maaha – hoggaamiye-dhaqameedku ha ka kaco oo sidaa Boqor Buurmadow ha u socdo, hadduu boqor yahay, hadduu caaqil yahay, suldaan yahay, culimaa’udiinka, dhallinyarada iyo saxaafaddaba wanaagga haloo kaco oo aan isu soo dhowaano wallaalayaal.

 

Xukuumadda in lala socdaa waa sharaf, ninka ka baydhaana waa nin jar ka duulaya, qolada Garadag ku shirayana waxaan leeyahay wax Madaxweynenimo doonaya idinkaa u kulul, markaa haddaad xumo soo tacabtaan xaggeed madaxtinimada ka helaysaan, nin madaxtinimo doonayaa qabiilnimo kuma shiro, qolana madax loo noqon maayo. Madaxweynenimo ayaan doonayaa iyo qolaan ku shirayaa waa kala laba; qolada shirtaa waa inay wanaag ku shirtaa. Anigu waxaan idinka filayaa inaad ku soo shirtaan caqli wanaagsan; waa cadhoodaan reerkaasi [Habar/jeclo], waase ka soo noqdaan oo kuma tagaan, waxaan leeyahay qolada Garadag ku shiraysa waa inuu war wanaagsan idinka soo yeedhaa oo lagu farxaa oo duco ku qaadataan, shirkaana waxaan ka filayaa wanaag iyo wax lagu farxo,” ayuu yidhi X. Cabdi-waraabe.

 

Ugu dambayntii waxa uu shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay wanaagga iyo horumarka ay haystaan ilaashadaan, si wadajir ahna uga shaqeeyaan horumarka iyo sidii aqoonsi buuxa dalku ku gaadhi lahaa.

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra