UDUB Ma Waxay Isu Bedeshay Ururka Kacanka…
UDUB MA WAXAY ISKU BEDESHAY URURKA KACAANKA SOMALILAND?:
Xuukuumada maanta ka talisa somaliland ee uu hogaaminayo daahir riyaale waxay cadaysatay inay shacabka somaliland siday doonto ka yeesho iyadoo ku socota wadadii rajimkii siyaad bare. taas oo looga bartay ama burburkii maamulkiisa ay sababtay xasuuqiii iyo tacadigii uu ugaystay umadii ku dhaqnayd wadankii somalia gaar ahaan somalilander’s kii wakhtigaas.
Hadaba maanta somaliland laga bilaabo agaasime ilaa M/weyne waa dadkii ama ardaydii siyaad bare u shaqayn jirtay waxanay dib u raceen cashardii uu baray macalinkoodii .
somalidu waxay ku mahmaahdaa “awrba awrka ka horeeya ayuu socodkiisa eegtaa”
riyaale iyo waziiradiisu maanta waxay dib u raceen raadkii macalinkoodii khaldanaa(afweyne)
Maanta maxay iska metelaan siyaad bare iyo riyaale ama UDUB iyo KACAANKII?
URURKII KACAANKA
1) waxa uu cabudhin iyo cadaadis saaray dadka
2) waxa uu xoog ku isticmaalay qofkasta oo rayigiisa dhibta ama ka soo horjeesta maamul xumadiisa
3) dadka oo sabab la’aan loo laayo hadhawna la yidhaahdo askari waajibkiisa gudanayaa dilay.
3) Dadka bulshada magac ku leh oo bilaa danbi loo xidho denbina looga dhio amaanka ayay khal kahlinayaan iyo way galoobeen.
4) wax kasta oo warbaahintu waydiiso inay u jiheeyan C.I.D da aya badhaysa weli wax war ah kama ahyno
UDUB
1) In shacbka dhinac walba laga xidho dhinaca xoolaha, shidaalka , cashuuroo lagu kordhiyo iyadoo loola jedo si loo cabudhiyo.
2) ardayda iyo dumarka oo suuqyada lagu toogto lana yidhaahdo aman khalkhal bay wadan iyo askari wajibkiisa gudanaya dilay
3)dadka magaca iyo sharafta ku leh somaliland xukuumadanu u aragto cadwgeeda kowaad ina la xidho loona sababeeyo somalia ayay xidhiidh la leeyihin iyo alshabaab
4) iska horkeenid beela somaliland ku dhaqan iyadoo loo siticmaalayo hab laba wajiilayn.
sikastaba ha ahatee, iyadoo ay waxaas oo dhan ay iska metelaan urukii kacaanka iyo UDUB . ayaa wax lala yaabo ay tahay inay maanta muwaadin somalilander’s ah ku edeeyaan al shabaab iyo somalia ayuu xidhiidh la leeyahay .
al shabaab waa urur ka jira somalia balse aan shaqo ku lahyn somaliland qof walba oo somalilander ahna uu xaq u leeyahay taageeridisii shakhsi nimo.
Alshabab se, goormay noqotay urur ay saska qadaan masuuliyiinta somaliland, mise dadkaynu tallada qaranka ku aaminayba waa dad aan isku kalsonaan (diffident people) ka qabin naftooda ahna dad hadhkooda ka sasaya,
waxa kalifay in madaxda somaliland muwadinkii dhaqaaqaba saska qaado waa hantida umada ee sida qayral sharcigaa lagu cunay.
waxana hubaal ah hadii madaxdeenu ay joojin wayday hadalada daala dhaca ah ee wax kastoo la waydiiyo aanay jawaab u helayn muwaadinkana siday donaaan ka yeelaan inay ku danbayn doonaan wadadii uu maray macalinkoodii (afweyne)
mohamed ibrahim h. yusuf (mbashe)
mbashe30@yahoo.com
malaysia




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday