“TV Universal-Togdheer Waa Talaabo Geesinimo,Mana Geydo Xiqdi Iyo Xag-xahasho “
“TV Universal-Togdheer Waa Talaabo Geesinimo,Mana Geydo Xiqdi Iyo Xag-xahasho ”
Hadii aanu nahay Dhalin yarada Gobolka Togdheer Gaar ahaan Burco ee magacyadoodu Hoos ku qoran yihiin,
Wax aanu Hanbalyo aan la soo Koobi kari u Dirayanaa Telfiishanka Universal Iyo Maamulkiisaba Talaabooyinka Horurarka leh ee uu ka Ciyaaraayo Wararka Iyo Barnaamijyada Gobolka Togdheer Iyo Guud ahaanba Somaliland,
Talfiishanka Universal ayaa Awal Hore wararkiisa Iyo Barnaamijyadiisuba waxa ay u Badnaayee Koonfurta Somalia, Isaga oo wararka Somaliland Ku Yaraayeen Hadii uu War ka Soo daayana waxa uu Soo deyn jiray Bishiiba Mar War ka sheekaynaaya Madaxtooyada Somaliland Isaga oo adeegsan Jiray Erayga ay Reer Somaliland Cuqdada Ka Qaadeen ee la Yidhaa ” MAAMULKA LA MAGACBAXAY S/LAND ”
Hadaba waxa Hada ka dhex Muuqda Maamulka Iyo Wararka Tv Gan Universal Is-badalo dhinaca wararka Aha Iyda oo laga Yaabo in Habeen walba uu Baahiyo War Somaliland ah Sida Lixda Gobol ee Dalkaba, Isna markaana Adeegsanaaya Magaca , ” Xukuumada Somaliland, “
Sidoo kale Universal ayaa Hada u Muuqanaaya Mid abaahiya Warar dhex-dhexaad ahm, oo isugu jira Kuwa Dawlada Iyo Kuwa ka Madax-banaan Xukuumada, Sidaasi oo ay tahay ayaanu Talaabadani u aragnaa Mid ku dayosho Mudan, Hadii aanu nahay Bulshada Reer Burco waxa aanu Hanbalyo u Diraynaa Maamulka Tv-Gu Kaalinta uu kaga Jiro Baahinta Iyo Wararka Iyo Barnaamijyada Horumarka ee hada ku soo Kordhaaya Magaalada Burco,
Waxa aanu hadalka oo dhan ku soo Koobaynaa , kaalinta uu Universla Tv Kaga Jiro Baahinta Wararka Burco waa mid ku Dayasho Mudan, mana aha mid u qalanta XAG-XAGASHO-IYO XIQDI-CUQDADAYSAN-OO KA IMANAAYA CAQLI-JAAHIL AH,
Wasiirka wasaarada War-faafinta Somaliland, waxa aanu ugu baaqaynaa in uu faraha kala baxo hagar daamooyinka uu ku hayo hawlaha Tv ga ee Gobolka Togdheer, waxana aanu leenahay, ” Mudane Wassiir Universal TV, Way talaabsatee, meel kaga waran Idaacadii Qaranka ee aan Soo Gaadhin Tuulada Haleeya ha ku Habsaamin Hawlwadeenada Da,da Yare ee ku Shaqaynaaya Aqoonta Digitalka ah,e ”
Wassirada kale ee ay Bayleheen Wassaaradahoodiiba waxa aanu leenahay Hawlada Wassaaradihiina Iyo Caruurtiina ku Jirta Jeelasha Yurub, ee aad Biilashooda Jeelka lagu siiyo Ku Qaadataan Hargeysa Tiina Meel kaga warama
HANBALYO-UNIVERSAL-TV-TOGDHEER S/LAND
Axmed Nuur Xaashi
C/Kariin Dubed Axmed
Nuur Muuse Goodir
Afgaab Xasan Ismaaciil
Nuura Kayse Jaamac
Muna Xasan Yuusf
Burco S/land
E-dhalaanka@yahoo.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday