OPINION

Talobixin ku socota -Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:

Talobixin  ku socota  -Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:

 

                  

                            Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa  Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka  ku leh magaalada Gar adag ee  Gobalka Sanaag.

                           Waxaanuna uga hablyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan  ku qabsoomay wakhti  munaasib ku ah  kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan  aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama  beeshu  tahay  beelaha ugu waa wayn  mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas   oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya.  Waxaanu u aragnaa in shirkan  soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan  ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag   , Talo wanaag  iyo daris wanaag. Waxayna  beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee  dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo  beel waynta  Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay  Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar ,  Michal Maryama , Ina Shixiri ,  Maxamed Ducaale(dholayare) ,  iyo  halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa  aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.

                  Waxaa kale oo ay  Beeshu tahay  cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta  kana sifaysay dhamaan  mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan  la ilaawi Karin  kalintii horyaalka ahayd  ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa  ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.

          Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga  qaranka Somaliland.  laguna  yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana  danteeda  ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka.   si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta   ah oo aan marnaba  indhaha laga qarsan Karin”  habmaamulka iyo talaxumada  iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska   ee ku yimi beesha  in ay ka danbeeyaan  dad u dhashay beesha oo ah  waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo  been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan  oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada  midnimada habar jeclo:  kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.

                Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin  ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii   gawska dhaafsaday.

         Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay,  dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala  nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed  waxaa fiican in laga fiirsado  samaysiga sandaladaha  hadii laga marmi waayana  waa in  loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa  . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa   in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa  boqorada  iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday  sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda  kalsoondii iyo  maamuuska  logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay  burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in  lakeenaa badalkoodii  oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay . 

 

                         Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah  Astamaha Boqor ama  Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere,  Wax-garad,  Go’aan adkaan,  Geesinimo,  Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog,  Gacal jacayl,  Dad isku wad,  Wanaag ka talin,   Talo-wanaag ,  Dulqaad, Hubsinyo badni,  Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun  oo waa sun iyo waabeeyo waana  qaran jab  ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay  beeshu doonayso in ay  sideedi hore ku noqoto,  waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.

 

Talo bixin:

 

1.     beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda  ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe,   cidkastoo isku dayda  burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan  birleh lagu qabtaa

 

 

2.     beeshu waa in ay samaysataa gudi guud  si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii  iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.

3.     beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.

4.     beeshu waa in ay midaysaa  cududeeda  iyo siyaasadeeda  iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u  dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa

5.     beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland  wax yeelaya.

6.     Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna  ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .

7.     beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa. 

 

 

                   Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay doradada soo socda  codkeeda ku shubtaa meesha  ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya  waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.

 

Gabo gabo;

Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu  rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya  in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda  dhaxal reeb  jiilka cusub .waxaynu ognahay  in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .

Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku  guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin

 Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.

 

Waxaa si wada jir ah u soo   diyaariyay

 

1.     Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).

                       Telophone:0092-3005878179

                 E-mail:maliki331@hotmail.com

2.     Aqoon yahan maxamed  General Hassan ali Abokor.

                 Telephone:0092-3234337405

                 E-mail:mdeeq_h@hotmail.com

 

Pakistan,lahor city:


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra