Talobixin ku socota -Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:
Talobixin ku socota -Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:
Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka ku leh magaalada Gar adag ee Gobalka Sanaag.
Waxaanuna uga hablyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan ku qabsoomay wakhti munaasib ku ah kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama beeshu tahay beelaha ugu waa wayn mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya. Waxaanu u aragnaa in shirkan soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag , Talo wanaag iyo daris wanaag. Waxayna beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo beel waynta Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar , Michal Maryama , Ina Shixiri , Maxamed Ducaale(dholayare) , iyo halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.
Waxaa kale oo ay Beeshu tahay cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta kana sifaysay dhamaan mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan la ilaawi Karin kalintii horyaalka ahayd ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.
Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga qaranka Somaliland. laguna yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana danteeda ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka. si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta ah oo aan marnaba indhaha laga qarsan Karin” habmaamulka iyo talaxumada iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska ee ku yimi beesha in ay ka danbeeyaan dad u dhashay beesha oo ah waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada midnimada habar jeclo: kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.
Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday.
Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay, dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed waxaa fiican in laga fiirsado samaysiga sandaladaha hadii laga marmi waayana waa in loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa boqorada iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda kalsoondii iyo maamuuska logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in lakeenaa badalkoodii oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay .
Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah Astamaha Boqor ama Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere, Wax-garad, Go’aan adkaan, Geesinimo, Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog, Gacal jacayl, Dad isku wad, Wanaag ka talin, Talo-wanaag , Dulqaad, Hubsinyo badni, Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun oo waa sun iyo waabeeyo waana qaran jab ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay beeshu doonayso in ay sideedi hore ku noqoto, waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.
Talo bixin:
1. beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe, cidkastoo isku dayda burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan birleh lagu qabtaa
2. beeshu waa in ay samaysataa gudi guud si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.
3. beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.
4. beeshu waa in ay midaysaa cududeeda iyo siyaasadeeda iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa
5. beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland wax yeelaya.
6. Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .
7. beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa.
Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay doradada soo socda codkeeda ku shubtaa meesha ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.
Gabo gabo;
Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda dhaxal reeb jiilka cusub .waxaynu ognahay in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .
Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin
Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.
Waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay
1. Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).
Telophone:0092-3005878179
2. Aqoon yahan maxamed General Hassan ali Abokor.
Telephone:0092-3234337405
Pakistan,lahor city:




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday