OPINION
Shaykastaaba asalkiisa ayuu ku noqdaa
Asalaamu Calaykum Wr, Wb.
Mahad oo dhan waxaa iska leh allah, naxariis iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato nabigeenii scw ehelkiisii iyo cidkasta oo xaqa ku raacda intaa ka dib.
Sida aynu ka war qabno beryahan waxaa shir balaadhani uga socday magalada Garadag ee gobolka sanaag beel weynta Habar jeclo kaas oo ay kaga arinsanayeen arimaha beesha sida horumarinta iyo turxaan bixinta beesha dhexdeeda iyo sii xoojinta iskaashiga beelaha kale ee Somaliland iyo sidoo kale sii adkaynta nabadgalyada Somaliland.
Hadaba iyada oo sidaas ah ayaa waxaa dhacday maanta in Buurmadow ka baxo shirka, oo uu waliba uu ku hanjabo in uu fashilinayo shirka caafimaadka qaba ee beeshu ku leedahay Garadag, kaaga sii darana waxa uu BBC-da ka sheegay in uu ka wakiil yahay ardaaga Muuse Aboker ee Habar jeclo oo uu waliba shir ka abaabulayo magaalada Caynaba hadaba su’aashu waxay tahay maxaa ku kalifay Buurmadow in uu sidaas uu u hadlo waliba uu sheegto in uu wakiil ka yahay Muuse Abokor, waxaan ku soo koobayaa qodobadan hoos ku xusan.
1- Buurmadow waxaa caleemo saartay Ina Riyaale taas oo uu ku doonayay in uu taageero ugu helo xisbigiisa UDUB kuna karbaasho hadba cidii uu cadow u arko, markaa ina Riyaale wuxuu cadaawad ka qaaday shirka beesha ee lagaga arinsanayo masaalixda beesha, markaas ayuu Buurmadow dhaq dhaqaajiyay.
2- Sida dhaqanku yahay Boqor ama Suldaan waxaa caleemo saara shacabkiisa wuxuuna ku socdaa talada beeshiisa iyo shacabkiisa,Buurmadow kama wakiil aha shacab ee wuxuu qandaraas ka soo qaatay Ina Riyaale si loo kala fur furo beesha xurmada leh ee Habar jeclo, Muuse Abokorna afkooda kuma hadli karo xitaa Biceede ayaanu afkooda ku hadli karin, Muuse abokor iyo Habar Jeclo oo dhana waxaa afkooda ku hadli kara Suldaanka Guud ee beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali isaguna wuxuu hada joogaa Garadag shirkana isaga ayaa abaabulkiisa lahaa.
Gabagabadii waxaan kula talinyaa wax garadka beesha in aanay u joojin caade qaate iyo nin aan ka talinayn danaha beesha, shacabka Somaliland waxaan ku baraarujinayaa in ay tageeraan aayo ka talinta beeshu wadato.
Alla Mahad Leh, Somaliland Nabad iyo Caano
Sheikh Abdifataax Cali
Norway




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday