OPINION

Qawsaarka Riyaale ka yeeli mayno in gobalka Salal

Qawsaarka Riyaale ka yeeli mayno in gobalka Salal in Djibouti lagu daro  

 

Dable reer Djibouti ah oo loo magacaabay guddoomiye-nimada Selel
Sida laga warqabo booqashadii u danbaysay ee uu madaxwayne Rayaale ku tegay Djibouti ayaa ahayd mid ka danbaysay amar uga yimid madaxwaynaha dalkaasi Djibouti ka dib markii uu Rayaale magcaabay gobollo iyo degmooyin cusub oo ka tirsan Somaliland, gobolladaasi oo uu ka mid ahaa gobolka khatarta badani ka soo socoto ee Salal, iyada oo la sheegay inuu madaxwayne Geelleha Djibouti ku abaal mariyay Rayaale magacaabista gobolkaasi laba milyan oo uu doorashada ku galo kuna dardaaray inuu u magcaabo beesha Ciise ee ka talisa Djibouti maadaama ay daris la tahay xarunta gobolkan ee Saylac.kadibna Salal lagu daro DJibouti

Haddaba inkasta oo uu shacabka reer Somali Land ka xanaaqay booqashadii Rayaale uu Djibouti ku tegay iyo sidii quudhsiga lahayd ee looga soo dhaweeyay dalkaasi,  haddana Dhawaan  ayuu Rayaale u magcaabay hoggaanka gobolkaasi nin ka soo jeeda beesha Ciise oo magiciisa la yidhaah Cawaale Ismaaciil Xasan oo ahaan jiray dable ka tirsan ciidanka Djibouti wax aqoon ahna aan habayaraatee lahayn, lana filayo in dhawaan la keeno gobolka Salal si uu uga taliyo. malaha cirkuu ka talin doonaa !!!!!cajab waar anigu maxaan uga talin waynay Djabuuti?

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in magcaabista xubintan ajnabiga ahi ay qulqulatooyin iyo dhibaatooyin dabo dheer ka abuuri doonta dulahaanba dalka Somali Land, waxanaa laga cabsi qabaa in dagaallo sokeeyo oo cawaaqib xumo dhaxalsiiya degamada halkaasi ka curan doonaan maalmaha innagu soo foolle.

Dagaal sokeeye oo halkaa ka qarxana waxa uu keeni doonaa natiijooyinkan soo socda:
1. in ay Somali land noqoto meel labada darif ee bari iyo galbeedba ka olosha, taasina ay keento in Somali wayn si sharci ah u soo fara geliso.

2. in nabadddii ay Somali land ku faani jirtay noqoto mid hawada ka baxda oo noqota sheeko iyo xusuus.

3. in ay dad daris ah oo wada dhashay isku aakhiro seegaan.

4. in ayna habayaraatee dalka ka qabsoomin wax doorashooyin ahi maadaama ay dalka colaad sokeeye ka jirto.

5. in laga quusto citiraafkii muddada badan lagu taami jiray

 hadaba anagoo ah niman soomaalilander aha waliba ka soo jeeda qabiilka loo tiriyo madax waynaha waxaan  aad iyo aad uga xunahay waxyeelada maamulka ina Riyaale iskaga horkeenayo ee shaqaaqada ku abuuraya deganaanta iyo nabada ee xukuumada ina Riyaale ugu magacaabay gudoomiyaha gobalka salal nin reer jabuuti ah taas oo ah somaliland taas  oo dalkoodii lagu dul xaraashay una sheegaysa in aanu Dahir Rayaale si gaar ah u matalin beelaha Samaroon ee uu yahay madaxwayne qaran oo dadka ka dhexeeya islamarkaana shacabka Samaroonku ka diidi karaan go`aan kasta oo quudhsi ah oo iyaga xuquuqdooda lagaga faro maroojinayo.

Sida la wada ogyahay kursiga madaxtooyada S.land waxa uu noqday marmarsiinyo mar kasta loo adeegsado dullaynta beelaha Samaroon, 

Waxaaney marnaba dhacayn in la dulmiyi karo oo laba milyan oo doolar oo ismaaciil cumar geele laga soo qaatay  lagu iibin karin  waxaanan leeyahay ina Riyaale [geeloow daaq oo daaq oo maalintaad ciin daaqdaa laguu yaabaa]  

Sida la wada ogyahay kursiga madaxtooyada S.land waxa uu noqday mid magac xumo ,musuqmaasuq sharaf dhac, maamul xumo.     dulmi ,xadhig uun usoo kordhiyay beesha uu ka dhashay  mar kasta loo adeegsado dullaynta beelaha Samaroon, iyada oo ay waliba intaasi kuu  dheertahay iyadoo dhamaan hayadahii ajanabiga ee ka hawl gali jiray laga raray Boorama waxaa taas dheer isagoo xukumada tayadda xun ee awalba sidii ruqaha aan dabada haynay ay  markan ku dhawdahay inaan anaguna dhinacayaga  sii dayno oo halkaa ku baabado ilayn awalba shacabkay wax ku ahayde .Waxa aan ina Rayaale ku leenahay: Ina Rayaalow dhulkan aad leedahay anaa ka madaxweyna ah, goorma ayaad u noqotay madaxwyne? Ma marka ay dani kaga xidhanto iyaad madaxweynaha Awdal iyo Gadabuursi aad noqotaa? Qaybtan Awdal ka midka ah ee aad leedahay dantaydaan ku fushanayaa oo Ciisaan masuuliyadeeda u magacaabayaa wax kaa soconaya maaha ee sheeko kale la’imo. Dhulkan aad sheegayso umad Gadabuursi layidhaahdo ayaa deganayd illaa imikana dagen qarniyona  ka soo talin jirtay deganaanadoonta. Ina Rayaalow markii dagalada sokeeye ay socdeen Gadabuursi uma uu kala hadhin, dhiig baa ku daatay or rag Gadabuursi ah ba naftoodii ku wayay, dumar baa ragoodi ku wayay, caruur baa ku agoomowday si dhulkoodi oo lagu soo dontay iyo sharaftooda ay u badbaadiyaan. Ina Rayaalow xageed jirtay markaa. Maanta ragii u soo dagalamay sharafta Gadabuursi iyo gobolkooda Awdal iyo Salalba gidaaradaas bay ciil la fadhiyaan, taasna adaa u geystay. Ina Rayaalow hadii aad cid Gadabuursi aan ahayn aad u soo magacawday dalka Samaroon  dhibaatada kaa soo gaadha adaa ka masuul ah, waanay kaa soo gaadhi doontaa, waanad ka qomamayn  doontaa intaad nooshahay, (markaa taa haba ku fikirin). Ina Rayaalow hadii aad is leedahay Gadabuursi iska horkeen oo qaybqaybi si aad  kursigaaga maqaar saarka qawsarnimada ah,quudhsiga ah si aad ugu adeegsatid  kaa socon mayso

Gadabuursi iyo qabiila kalena iska horkeen taasi dhici mayso. Awdal iyo    Salal   ma’aha guri aad adigu leedahay ood qofka aad doonto soo galiso, qoomiyad Gadabuursi la yidhaah baa ku nool, wayna is difaacayaan hadii gurigooda loogu yimaado.Waad baabi’isay Gadabuursi,maalin magaaladii aad ku barbaartay kumaad soo noqon  sharftiina waad ka qaaday intaad kursigaas aad ku fadhiday. ceeb iyo magac xumo waxaan ahayn kumaad soo kordhin Qofka biniaadamka ah xad buu leyahay uu ku joogsado, laakin marka uuna xad uu ku joogsado uuna lahayn, xoolaha waxba ma dhaamo. Gadabuursi in badan buu kaa aamusnaa, tanina mid loo dulqaadanayo maaha, dibdambe lagaga aamusi maayo, kursigana ku waari maysid. HAl sawd oo kalena naga heli maysid Haddad si dhakhso ah uga noqon waydo go,aankaa Ina Rayaalow ma’ogide adigaa mijaha is jaraya.Somalilandna waa reero isku tagay ee maaha Dal la aqoonsanyahay sidaa darteed wax aan qaadan karno maaha  mana aqbalayno, waxaan kale oo aan doonayaa in aan farta ku fiiqo aaway nimankii baarlamaanka ugu jiray gobalada maxay uga hadli waayeen waagii la magacaabay  ilaa  maanta maalina kama maqal nin danta  gobalkan Awdal iyo Salal  ka hadla , taasina waxa ay keentay in xildhibeenadaasi  maanta iska hoos fadhiyaan aqalka labaad ee reer Soomaaliland ku khasaareen doorashadiisii kaasoo ah Baarlamaanka ama hay’adda sharci dejinta dalka Soomaaliland.

Inkastoo xildhibeenada golahaasi kaga jira gobolkan aan loo tirinayn inay wax ka qabtaan dulmiga Rayaale ,balse ku taageera,waxa su’aasha la isweydiin karaa noqon karaa  xildhibeenada gobolada kale ee Soomaaliland  maxay uga duwanaan waayeen ? Hadaba Waxaan umada  Soomaaliland u sheegaya xogta dhabta ah  ee ka dhalan karta Salal oo Djibouti lagu daro  waxaanad ogaataan taariikhda,Gobolkan ay masaa`iibtu ka soo socoto ayaa ah mid xanbaarsan magaca Selel oo ah alle ha u naxariistee halyey u dhashay degmada Saylac oo la odhan jiray Selel Idriss Caweer Gadiid Cismaan oo ka mid ahaa beesha reer Sheekh Cismaan (Abrayn), waxaanu ku aasan yahay dooxa Selel gaarahaan meel u dhaw jiidda Qabriga Shircoon Qarni.

Ugu danbayn waxaa dadka fajac iyo yaab ku riday sida uu askari reer Djibouti ahi uga talin doono dhulkii Axmad Guray,Selal Idiris,  Ugaas Nuur, Rooble Af-deeb iyo X.Diide, waxaana hubaal ah ah in ummad waynta Samaroon ay ku habsan doonto addoonnimo iyo dullinimo aan hore loo arag nooceeda oo kale haddii aaney karaamadooda badbaadin oo ayna dhulkooda lagu dul iibiyay soo  dhacsan, taasoo ku faral yeelaysa jihaad fi sabiili laah maadaama ay masaladu karaamo iyo cirdi taagantahay iyo waliba hanti iyo khayraad ay carruurrtoodii ka gaajaysan tahay oo shishiiye hadiyad loo siiyay

 Tani maaha Daahirow Barnidii Axmed X.Bahdoon ku Bixiyay  Bolol

Waxaan reer awdal leyahay banaan baxa, Muujiyana  dareenkiina  

 khadar jaamac [xaq-sheeg]

san diego  CA USA

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra