OPINION

Kulmiye iyo udubaa kaftamay.

Kulmiye iyo udubaa kaftamay.

Xadhigii xirsi cali, eedayntii in uu al-shabaab ku lug leeyahay ee aanay waxba ka jirin, iska hadalka wasiirka arimaha gudaha, iyo adhiga haraadku xeryaha berbera ku laayay kaftan baa ka dhashay.

Kulmiyaa hor bilaabay, udubna waa u jawaabtay.arimo aad loola yaabo iyo eedaymaa udubtii inoo soo bandhigeen bal arkoo ila eega. 

Muddo aada markii erayo laysku asqeeyay

Amuuro laysla yar eegay

Eedaymihii xirsi iyo aafadii adhigaa

Adeerkeen la su’aalay ee  la ogaaday

Halkay arimuu marayaan iyo been abuurka wasirka (ciro).

Ayaa dubtiiba xanaaqday oo  xayraan bay ku dambaysay

xarfahan bay ku hadleen. 

Hadii aanan adeerkay, adeerkay kulmiyoow

Kibirbaa ku hayee, inta aan ku karbaasho

Karin boodhle ku taago

Kalabshaha jalam leeya iyo keeno kuugu dedaalin

Kaftan kayga aadan ka caagin. 

Kulmiye:

Bal daya waa taase, udubeey horta maxaad meel aan loo fadhiyin ugu fadkudisaa ee aad kiiska isaga waashaa.adeer waxbaan katiinadaynayaa iyo sheekooyinkaa aan caruurtana xitaa lagu cabsiin iska dhaafoo dadka iyo umada uga waran waxa muwaadinkan xirsi cali iyo kuwo kale oo badaniba ku xidhan yihiin.

ma waxa aad bulshada ku khasbaysaa in aay muwaladkan Al-jaabiri macal haye uga noqdaan xolahoodii. 

Udubeey, horta maxaad u baraystay in aad xeerarka iyo shrciyada dalka u degsan adigu jebiso sida heshiiskan aad qarsoodiga ula gashay muwaladkan al-jabri. bal yaabka aanu aragnay hadana adigii aan ilaa iyo malintii lagu asaasay dembigaba ka bixin ee dalkaba curyaamiyay ayaa marba muwaadin xidhaya oo ku leh waa dembiile—waxa aan ku waydiiyaya adigu miyaanad weligaaba daqiiqadana ha noqotee jeelkaba urina oo aadan foodaba la yara gelin, mise waad iska ilaalisaa ileen waad is-ogtahay waxyaalaha aad faraha kula jirtaa in aanay ciqaabtoodu ka yarayn dil iyo dacas. 

Udubeey  imaqal:

Xukuumadiiba xad gudbaysa

Xoolaheeniiba dhamaan u xereesay xaaji carbeed.

Xaqlihii baa laga dhaarshay

Xaajigeena riyaalena ma yaqaano xal keene

Xadhiguu ku raftaa 

Hadii aad xamastiisa

Halka uu xoolaha toonsho

Ku xeraysto doolaraadka

Aad xagooda yar eegto

Xadhig baad ku dambayn oo

Xirsi baa taas ku xujoobay. 

Xoolihii dekeda, xantoobsiga total ee

Xaajigeena riyaale iyo xoor xoor oo saaxiibkiiyi

Ku xaw xawsanayaan xalimaayo dadkaygu

oo waa mid aan xaq ahayn. 

Xaqiiqdii xaajigaas lama xasidaye xisaabtuu ka naxaa.

Hadii aad xaalado dhawr ah oo

Xuquuqdii umadeena ,xoriyadii bulsh awaynta

Xakameeyay dhamaan

Aad xagoodaba eegto ood xaajigaa wax su’aasho

Xadhig bad ku dambayn oo

Xirsi baa taas ku xujoobay 

Udubaa soo jawaabatay:-

Arinta xirsi.

Xirsiga aad ka hadlayso ee xabsiga aanu u jiidnay

wuu xujoobay adeer oo xadkiibuu yara dhaafay

xirsi heedhe adeer, xiligii berigii xaladaydu aad iigu xumayd 

xoog xooga aan wax ku doonay

xaawilaayay in aan xanibo oo ishor taago 

xeerarkii dejiyinaayay xalinta doorasho guud

xiligaa xirsi heedhe, xantaydiibuu suuqa keenay

xeelado aan qarsanaayay iyo xadhko aan guntay buu

xirsi heedhe adeer xaliyay oo fufuray 

xarbi aanan filayn iyo xeegaduu igu laaday.

Isagaa xirsi heedhe, xishoon waayay adeere

Ana waan yar xanuunjay oo xabsibaan u diray. 

horta waxa had iyo jeer fahmi waa ka jiraa qaab siyaasadeedka aan adegsado iyo hab maamulkayga, dad aad ubadani ma fahmaan oo aad iilama socdaan.hadaba aan umada u sheego una waadixiyo barnaamijka maamulkaygu ku shaqeeyo, nooc distoorkiisa, kuwa uu la bahda yahay iyo maluugta siyaasadeed iyo meersiyada uu hiigsanayo. 

Ku dayasho:-

Maamulkaygu adeer malaayiin macnayaal

Murti aadan aqoonin iyo majiiruu ku socdaa

Marxuumkii ina dhaafay, Mingistihii la yaqaanay

Mudanihii Samuel DO, murti wayne Bukaase

Mufekerkii Charles Taylor

Mugaabigaa maanta jooga

Madaxdii afrikaanka

Macalimintaasuu ka dab qaatay oo mabda’ooda sitaa. 

Distoorka:-

Kulmiye, wax kaa soo hadhay xeerbaa la jebiyay iyo distoorkaa laga talaabsaday.maanta ayaan runta kuugu dhiijinayaa hadii aay awr dhalayso.distoorka aan adegsanaa maaha kan inoo qoran ee soodaanigu xarxariiqay ee waa mid kale oo istaahilna dhaafay oo maraa waaxid shubay oo yaqaana habka madaxda kursiga loo adkeeyo hadiiba aay liiliijiyaan xoogag mucaarad ah iyo kacdoono bulsho.bal akhri waa kane, adba waad u qushuuci. 

Distoorkaan qoranay mid kaloo ka duwan oo

Dadka aan ka qarsho, ayaa ii degemsan .

Adna daashaye heedhe, dimuqraadiyad aan

Dunideenaba oolin, dadka uun lagu waalaa

Dibnahaagu barteenoo, doon doon keed aad ku wareertay. 

Daacadoow horta heedhe

Dikreetooyin dalaal ah

Dabran oo af xidhan

Dana gaara aan ka wato

Wax daliil lahayn

Dudsiyaaya  xuquuqda

Danaha beesha xidhaaya

Dawladeena habsaan shay oo

Dulayeey dadkeena

Dafiraayaa dan oo dhan

Dalkaba baaba’a ka yeelay

Distoorkaygu waa midhadh kaas iyo

Dar kaloo ka daran oo hadii aan ku dareensho

Daaha kaaga yar qaado aad dawakhaysid adeere

Danahaaga ku foofo ha is daalin ninyoow ( kulmiyoow ). 

Qaab ka maamulkaygu u shaqeeyo:-

Meeshu waa afrika oo mar walayba siyaasad macnaheed ma taqaan

Ana manta hadaad marti ii noqoteen oo bulshadii

Maamul wanaagsan oo murwaadkiisa la yaabo

Maanka aay ku hayaan aay maluugtooda gashay

Midhkaasi waa ma jiraan iyo waxaan meshaba oolin 

Maamulkayga adeer, midhadh kan baa u sala

Horta mood iyo nool, wixii maalka aduunyo

midigtaydu haleesho waa in aan

meelaystaa oo si mug wayn u mirtaa. 

Maamulkaygu adeer, madhxintan aad ka hadlayso

uma yeesho muraade waxa uu makalaa oo

maraqooda cabaa mudanayaashii u dedaalay iyo

kuwii meeshaba keenay. 

Maamulkaygu adeer, madadaaliyo been macne aadan fahmayn

Buu ku wadaa moodhi kaarka

Rakaabku waa ka mabsuud ,dadkuna waw rixiyeen oo raali bay ka yihiin. 

Maamulkaygu adeer, waxooga fara guuda iyo doolar buu faraqaa 

Dadkana uu ku falaayoo ku fushaa arinkiisa

Maan gaabka aan waxa arkayn iyo miskiinkuu la faqaa oo marxabuu ku dhahaa.

Inta aan hal marduuf, waxoogaa money ah

Midigtaa uga dhiibo oo magac aanu mutaysan iyo

Maamuus aan ku ladhaan u marshaa midhahan

Umadaan ku diraa, dadka soo qabqabo

Dawladayda adkee diric baad tahaye 

Dacawadaasaan baraayoo duruustaas baan u dhigaa. 

Marka aan wax dareemo ee dirqi lay geliyo daawadii u darayd ee

Dadkaba uu ku falaayay baan door ismood ku duraa

Markaasuu dawakhaayoo dan yartii bulshadeena

Nin doorkii la yaqanay dadkaba uu ku tuntaa. 

Marka uu dibiree dafahaa marayo ee dry jiin layaqaan

Iyo dar kaloo ka daran aay dareenkiisa lunshaan

Door ismood waa belee markaasuu daawlad amaan

Distoorkiiba la sugay, danyartiiba la hagaajay

Agoomihiiba la daryeelay, dalkiiba noo hagaagay

Dugsiyadiibaa la badshay, dariiqyaa la dhisay

Dibnihiisa soo mariyaa oo door ismood waa

Belee ducada ii badiyaa. 

La soco qaybta dambe (guurrtida iyo riyaale ,qaab wada shaqayn tooda )

Maxamed jaamac cali (faroole)

abudhabi


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra