Gabay ku socda Boqor Buurmadow
Dhambaalkan hoose wuxuu ku socdaa ninka loo yaqaan Boqor Buurmadow, waxaan aad uga xumahay in boqorka oo aniga iyo in badan oo ila mid ah oo uu metelo oo hadana dooran una dhiiban wax wilaayad ah oo uu nagu meteli karo ayuu nagu metelaa boqolaal go’aan oo aanan marna ka raali ahayn .
Gabaygan waxaa iga keenay cadho aan aad uga cadhooday boqorka oo haba yaraatee ka xishoon masuuliyiinta kuna isticmaala luqada uu doono , waxaan u sheegayaa boqorka inuu barto xishoodka hadii uu doonayo in laga xishoodo waxaanan hadiyad uga dhigayaa gabaygan oo ah gabay ku socda boqorka .
Boqoryohow buraamaynayee, baal kastaba eegay
Boqoryohow martabadii billayd , bidix ku laadlaadshey
Insi kuma bilaaline jinbaa , buugag kuu dhigaye
Iblays baa xumaan kuu baraxay, beena kuu qoraye
Kugu yidhi burjaad leedihiyo, baabab gooniyahe
Nin is biday naftiisana aan baran, baaban baad tahaye
Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii Togdheer iyo burciyo bari ha geeyeene
Buulka madaxa kuu saaran iyo derejo beenaadku
Waa buqul wax lagu baayacayood , biic u sidataaye
Bugta iyo waxaa kuugu jira , shaambad baal go’an
Waxa lagu balaadhshaa halkii , bini ka muuqdaaye
Marna waa bidhaan eegto iyo , diirad baaracahe
Boon iyo hadii qiiq kaaga baxo, Paris iyo China
Bu’da waxaad u saartaa halkii , tuhuku buuraaye
Nin hungurigu uu baahanyoo baaban baad tahay
Aan bayimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii Sanaag iyo burciyo , bari ha geeyeene
Inaad baro madow leedahiyo, burada shaydaanka
Belo saadis aad abid ahayd , baaska ku yabooha
Marna aad baroon iyo lahayd , beebbe iyo kaare
Booliga bar lagu xoojiyiyoo, baadda lagu qaado
Baadilkana aad jeceshihiyo , boobka iyo xoogga
Ood juujuule beri baadhaataan , cidina beenayne
Bilyan maraga baan kuu hayaa, waa hal baaqiyahe
Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii sanaag iyo Burciyo , bari ha geeyeene
Nin Riyaale beertawgu xidhan , Booli lagu sooro
Xaaraantu beerkiisa iyio , bedenka xaydhaysay
Biishada xisaab boob ku timi, baadil iyo tuugo
Buuxsamay sidii booyad raran, uurku balaxoobay
Bakhtiyahan Ilaah aan ka baqan , berrina xaalaynin
Iyo buun nin kale leeyahoo , hebel ka buuqaayo
Oo baaqyo laga soo fushiyo, hebel bayaankiisa
Aan tiisa abid soo bandhigin , biica ah baad tahay
Aan beyimiyo xaalkaagu waa , mawjadaa baxare
Beledkii sanaag iyo burciyo bari ha geeyeene
Bulsho weynta reerkaagu way , kaa bogsoontahay
Biiggay ku raacsheen markaad, noqotay baaqdaaye
Aduunyada adoo baaqiyey , samir u baydheen
Iilkay barkimo kuu dhigeen, beden xabaaleede
Iska bogo boobkaaga wado, qaado biniyaadka
La basleel fariimaha bahdilan, buunyow la afuufo
Boy Ina Riyaale u ahow , xumaha baandheeya
Waxaa Tiriyey noona soo gudbiyey
Samiya Ali Madar (Samiya Mire)




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday