Dr Axmed Xuseen Ciise iyo Boqor Buurmadow oo xukuumadda Rayale mashruuc kaga qaatay burburinta xisbiga Kulmiye

Dr Axmed Xuseen Ciise ayaa in badan waxa uu ku hawlanaa mashruuc siyaasadeed oo uu kasoo xanbaartay dhinaca xukuumadda Md Rayale.  Md Axmed Ciise oo ah xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa waxa wararku xaqiijinayaan in uu dedaal laxaad leh ugu jiro hanashada jagada wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda Rayale. 

 

Xubin aad ugu dhun daloosha dedaalka Dr Axmed Xuseen CIise oo shebekadda Somaliland.Org u warantay ayaa sheegtay in wasiirnimada Axmed Xuseen laba caqabadood hor taagan yihiin.  Ta koowaad oo ah in Mudane Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ay isku beel kasoo jeedaan Axmed X Ciise uu isna u olalaynayo jagada Wasiirka arrimaha gudaha isla markaana dagaal u galay in Dr Axmed lasiin wasiirka arrimaha dibeda, maadama isagu jagadiisa waayayo haddii taasi dhacdo.  Ta labaad ayaa ah in Md Rayale Dr Axmed u cadeeyey in ka hor inta wasiir laga dhigin uu is cadeeyo oo Kulmiye burburkisa iyo fashilkiisa ka shaqeeyo. 

 

Isaga oo ka duulaya heshiiskan qaybtiisa labaad oo cadaymo la xidhiidha ay shebekadda Somalialnd.Org gacanta ku hayso ayaa Dr Axmed Ciise waxa uu furtay warbaahin la magac baxday waaheen taasoo ka kooban jaraa’id wadankii kazoo baxa, idaacad internetka laga dhagaysto, iyo qalab casri ah oo uu ku helay ururkiisi IPR, kaasoo oo uu u isticmaalo la dagaalanka ururka Kulmiye.

 

Lamaaneynta Boqor Buurmadow

 

Madaxweyne Rayale ayaa waxa uu mashruucas Dr Axmed Ciise ku lamaaneyey oo u hawl saaray Boqor Cismaan Buurmadow oo isna xukuumadda Rayale mashruuc kaga soo qaatay la dagaalanka xisbiga Kulmiye.  Boqor Buurmadow oo isaga ujeedada ka danbaysa dagaalkisan lagu sheegay inay tahay dhaqaale iyo lacag uu kazoo qaatay Dahir Rayale ayaa in muddo ah ku sugnaa magaaldda Gar’adag oo beesha Habar Jeclo shir uga socdo si uu shirkaas u fashiliyo.  Kadib markii shirkii laga soo eryey Boqor Buurmadow ayaa waxa uu goostay inuu bilaabo qorshe kale oo uu ku fashilinayo shirkaas, oo sida uu istusay, hadii uu guulaysto guul u ah Somaliland iyo xisbiga Kulmiye labadaba. 

 

Qorshahaas kale ayaa ah mar haddii shirka uu dhexdiisa ka burburin kari waayay, sida Dr Axmed Ciise Kulmiye gudahiisa uu rabo inuu u burburiyo; inuu qoorshe kale oo uu ku kala daadiyo beeshaas shiraysa bilaabo, taasoo uu u adeegsanayo Dr Axmed Ciise iyo warbaahinta ama saxaafadda uu ugu adeego xukuumadda Rayale iyo danahiisa.   Waxana manta ay warbaahinta Dr Axmed CIise far waaweyn gude iyo dibad ku iclaamisay in shirkii gar’adag fashilmay, iyada oo ka naxday in Buurmadow fashilmay oo laga soo eryey shirkii.

 

Dhinaca kale, waxa jirtay dhacdooyin hore oo Dr Axmed CIise iyo saxaafadiisu ay door laxaad leh ka qaateen, kuwas oo ka dhacay magaaladda caasimadda ee Hargeysa wakhtigaas oo beesha Habarjeclo lidaacadaha iyo telefishanada ay cuqaal iyo madax dhaqameed xukuumadu soo abaabushay ku dhowaaqen in ay ka baxaan magaagaladda Hargeysa,  Wararku waxay sheegayan in abaabulka xukuumadda iyo UDUB ee arrintaas  uu ka dhinac socday abaabul beelaysan oo ay wadeen shakhsiyaad uu ka mid yahay Dr Axmed Ciise. 

 

Taxane ay la socdaan cadaymo qoraal iyo muuqalba leh oo la xidhiidha iskaashiga UDUB ama Rayale eek u wajahan Dr Axmed Ciise iyo Boqor Buurmadow kala soco boggan.


TOP