Boqor Buurmadaw Muxuu SHirka Gar-adag Uga soo Cararay?
Sida aynu ka wada warqabno waxa beryahan danbe shir ka socday degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, shirkan oo ay qabsadeen beesha Bariga Burco waxa soo qaban-qaabiyey xildhibaanada, wax garadka iyo qurbo jooga beeshaa. sidoo kale shirkan oo dhowaan ka furmay degmada Gar-adag waxa ka qayb galay ergo tiro badan iyo madax dhaqameedyada beeshaa, xukuumadda madaxweyne Rayaale ayaa dedaal balaadhan u gashay sidii ay shirkaa u fashilan lahayd balse kuma ay guulaysan. ragga madaxweyne Rayaale u xilsaaray bur-burinta shirkaa waxa ka mid ahaa Boqor Cismaan [Buur-madaw] oo ka mid ah madax dhaqameedyada beesha shirka qabsaday. dhowaan ayuu Buurmadaw tegey madasha shirku ka socdo ee Gar-dag, isaga oo Hargeysa ka sii horka cay koox dhalinyaro badan iyo xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi markii uu shirka tegey Buurmadaw waxa uu bilaabay olole ballaadhan oo uu ku doonayey in uu shirku burburo. markii ay u suurtoobi-weydey in uu shirku fashilmo ayuu Buurmadaw uruursaday dhalinyaro iyo odayaal qaarkood u bahaysanyihiin. kuwaasoo uu ka soo uruursaday Ceel-afweyn iyo meelo kale. ka dibna markii Buurmadaw loo yeedhay ee wax garadkii shirka ay ku yidhaahdeen Maxaad rabtaa? Buurmadaw waxa uu codsaday in ergada shirka la kordhiyo, ka dibna waxa lagu yidhi” Buurmadaw toban caaqil keenso iyada oo ay awelba beeshiisa la siiyey qaybtii ay ka heleen ergada. hadaba waxa isweydiinleh su’aasha ah haddii Boqorka la siiyey wixii uu codsaday maxaa maanta shirka ka soo baacsaday? halkii laga filayey in Boqorku keensado cuqaashii ayuu keenay dhalinyaro kuwaasoo u cuntami-waayey shirgoonkii iyo ergadiiba. waxa iyana is weydiinleh su’aasha ah maxay ahayd u jeedada awelba Buurmadaw uu shirka u tegey? Buurmadaw awelkii horeba waxa uu lacag kaga qaaday madaxweyne Rayaale in uu shirka carqaladeeyo, ujeedadiisuna waxay ahayd in uu lacag ka qaado Rayaale waana ta sababtay in shirkii oo geba-gebo ku dhow in uu ka soo cararo, isaga iyo koox uu wataa. waxana uu doonayaa in uu qodobada ka soo baxa shirka uu yidhaahdo looma dhamma, ama uu yidhaahdo shirka waa lagu kala qaybsamay oo wuu fashilmay. si kastaba ha’aatee waxa la sheekayaa in Buurmadaw doonayo in uu shir kale ku qabto degmada Caynaba. Buurmadaw waxa Boqortinimada loo caleemo saaray sanadkii 2001 waxana lacag faro-badan ku qarash garaysay xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo xilligaa ujeedooyin siyaasadeed ka lahayd waxa lagu caleemo-saaray degmada Ceel-afweyn isla markiiba Buurmadaw waxa uu ku guulaystey in uu heshiisiiyo C/laahi Yuusuf Axmed oo xilligaa ahaa madaxweynaha maamul Goboleedka Putland iyo jabhaddii ka soo horjeedey ee uu Hoggaaminayey Cadde Muuse. ka dibna Buurmadaw waxa uu noqday nin caan ah ah, wuxuna ka horyimi xukuumaddii Rayaale ee iyadu caleemo-saartay isaga oo isu qaaday nin haruu tallaabsaday, waxanu si qaawan warbaahinta gudaha ugu weeraray madaxweyne Rayaale. markii ay xukuumadda Rayaale u adkaysan weydey weeraradiisa ayaa habeen madaw xabsiga loo taxaabay dhammaadkii sanadkii 2003-dii muddo dheer ayuu jeelka Hargeysa ka jiiqlahaa Buurmadaw, aakhirkiina waa la siidaayey. intaa wixii ka danbeeyey Buurmadaw waxa uu ku noolaa qurbaha gaar ahaanna imaaraadka carabta. dhowaan markii uu dalka ku soo laabtay ayuu Buurmadaw u tafo-xaydey in uu shirkaa ka hortago isaga oo la soo saftay xukuumaddii cimaamada ka qaatay ee sharaftiisa iyo karaamadiisa dishey. isaga oo Boqorku ku dhex milmay siyaasadda, imikana la kala qaran la yahay in uu siyaasi yahay iyo in uu madax dhaqameed yahay.
C/laahi Axmed Caarshe, Freelance Journaliste
daauus70@hotmail.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday