Siyaasadda Reeraysan: lafagur qoto dheer*
Siyaasadda Reeraysan: lafagur qoto dheer*
Wax badan baa laga yidhi in Kulmiye yahay badbaadiyaha Somaliland. Sidaas oo kale ayaa wax badan laga yidhi in Udub ka madhanyahay siyaasad, dhaqaale iyo qorshe horumarineed oo wax ku ool ah. Iyada oo haddaba laga yaabo in qodobka dambe ilaa xad run yahay, haddana wax badan lagama odhan caqabadaha qotada dheer ee qarqarsiga ku haya dhismaha bulshadeenna tusaale ahaan ragaadka siyaasadeed iyo habsiyaasadeedka waxtarka daran.
Qoraalkani wuxuu ku doodayaa in mawduucyada qotada dheer ee hortaagan bulshadeenna curdanka ahi ay ka horreeyeen Madaxweyne Rayaale, dhab ahaanna ka dambayn doonaan, siina socon doonaan marka uu tago. Waxa aan ku adkaysanayaa in waxyaabaha inagu habsaday saldhiggoodu ka qoto dheeryahay sida loo malaynayo iyo dhab ahaan sida ay ururrada mucaaradku inaga dhaadhicinayaan intaba.
Ma jiro dhakafaar ka culus in aad iska liqdo in Udub had iyo jeer yahay ka abuura cakirraanta. Waxa aan adeegsanayaa weedha “cakirraan” maxaa yeelay marka la eego qaska ka aloosan Geeska Afrika, dad baan oggolaynba in Somaliland dhibi ka jirto bal marka horeba. Qayb ahaan fikirkaas waan raacsanahay. Waxa jira nabad iyo degganaansho (Arrin macduun ku ah Geeska) iyo baayacmushtariga gaarka loo leeyahay oo caaddaas maraya. Laakiin inkasta oo waxyaabahaasi yihiin kuwo muhiim u ah dhiska bulshada, keligood ma taagi karaan qaran taabbagal ah. Meesha qoraalkani diiradda saarayaa waa biyadhigga siyaasadda reeraysan oo dhiskii qarankeenna fooror u rogtay.
Ka hor se inta aanan ku dhexdhicin saamaynta culus ee siyaasadda reeraysan, aan marka hore tilmaamo inay tahay maangaabnimo in lagu doodo in aan ururro bulsho oo abtirsiimo ku dhisani door ku lahayn ama ka ciyaarikarin habsiyaasadeedka Somaliland. Xilli xun iyo xilli san ba Soomaalidu waxa ay ku noolayd hab dhaqan bulsho oo hoggaanka u hayey oo ku dhisan abtirsiimo. Fekerka habka reeraysan waa lagu dagaal galay, heshiisyo nabadeedna lagu kala saxeexday. Habka reeruhu ma aha oo keli ah qayb ka mid ah dunta bulshada Soomaalidu ka samaysantahay, hiddahooda iyo dhaqan siyaasadoodkooda, ee xitaa maalmihii la dhidbay Somaliland ee horraantii 90naadkii odayadu waxa ay ka ciyaareen, welina ka ciyaaraan door asali ah oo horumarshay habkii heshiisiinta, nabadaynta iyo ilaalinta nabadgelyada. Waxtar la moodkan siyaasadda reeraysani keentay waa mid aan muran ka joogin; ‘Waxtar la mood’ waxa aan u leeyahay sababta oo ah (Sida hadhow caddaan doonta) xalka ka yimi fekerka qabiilku maaha mid muuqda. Waxa keli ah ee fekerka qabiilku xallilaa dhibaato uu markii hore isagu keenay. Yeelkeedee, kuwa loo arkay inay ku wanaagsan yihiin habdhaqanka bulshadu u dhisan tahay waa loo aqoonsaday kaalintoodii, waxa la siiyay mansabkoodii oo ah Golaha Guurtida ama Odayada. Laakiin, si kasta oo ay xaqiiqo u tahay, doorka Guurtida waxa inta badan loo adeegsaday in lagu sii jilciyo uun sharraxaadda nabadda iyo deganaanshaha reer Somaliland ku faanaan.
Sidayda ba ma soo jeedinayo in gebi ahaanba laga guuro ama la tuuro habdhiska siyaasadda reeraysan, sababta oo ah waa wax aan suurtagal ahayn, waana mid dhalinkarta inaynu u muuqanno dad hallaabay ama jaahwareersan, sow qabyaaladdu inama siiso dareen ah cid aynu nahay iyo badbaado, kollay wakhtigan la joogo uun.
Waxa se werwer igu haya adeegsiga reeraha ee si kama’ ah looga horraysiinayo mabaadiida aynu la higsanayno ummaddeena soo koraysa oo dhan. Qodobka aan doonayo in aan tilmaamaa waa in Guurtida oo loo isticimaalo xuddun habsiyaasadeedkeenna oo dhan looga dabqaataa ay tahay taloxumo. Dhismaha qaran casri ahi wuxuu u baaqayaa hab ka horumarsan kaynu wadanno, kaas oo qofku ka mudan yahay qoladiisa. Waa hab leh caadooyinkiisa iyo qiimihiisa. Waa hab leh karti waxqabad, aqoon iyo xirfado aan marnaba ku tiirsanayn abtirsiimo. Dooddaydu -inkasta oo aanan ka dhigayn inay tahay mid fudud iyo mid cusub toona- waxa weeye in ku tiirsanaanteenna aynu jidka qabiilka ka dhigaynayno muftaax dhib walba inoo fura (Ilaa dhulka la isku haysto, tan iyo dhismaha qaranka sida aan hoos ku tilmaami doono) ay tahay udubdhexaadka (Inkasta oo aanay keli ahayn) siyaasaddeenna cakiran ee aynu innagu isgelinnay.
Sideedaba u hoggaansanaanta reerka iyo curinta feker siyaasadeed waa laba arrin oo kala suntan, islamarkaana aan isqabankarin haddii la dhisayo qaran casri ah. Dhaawacyada ay siyaasadda reeraysani keentaa way ka badan yihiin wax qoraalkan koobani daboolikaro. Waxa se aan taabanayaa dhawr arrin oo an filayo inay ka fiirsasho degdeg ah u baahanyihiin.
Marka koowaad hab reereed wax lagu fushadaa wuxuu abuurikaraa arrimo damiirku diidayo, gaar ahaan marka danta muhmalka ah ee reerka ay iska horyimaaddaan danta dhabta ah ee bulshada, sida inta badan dhacda. Arrintani waxa ay dareenkooda ruxdaa kuwa danta guud ee bulshada niyadda ku haya. Halka xidhiidhka tolku is gacanqabto marka baahiyi timaaddo; ‘Tolku waa lama huraan’, waxa cad in isla tolliimadaasi khasaare xoog leh keento marka la taagayo sumad qaran oo bulshadu u dhex tahay. Siyaasadda reeraysani, sida dad badani ku doodikaraan, sideedaba waa mid wax dumisa. Waa saxal aan la dareemin oo xididada u siiba hababka qaranka dhisaya oo dhan si la mid ah sida aboorku looxa ugu baxo ee digaandigaha uga dhigo. Waxa ka sii daran, cidhib ma leh oo waxay hakisaa oo carqalad ku noqotaa inay samaysanto waddaniyad bulshada midaysaa. Waxa dhab ah in qabiilku aanu soo saarin wax san, xintanka uu abuuraa badanyahay dadkana kala qaybiyo.
Inkasta oo la fahmikaro in maanka qabiiliga ahi yahay mid dhagax ah, adag tahayna in la cidhibtiro cudur bulshada ku jira oo weliba imika ayaandarro ku aroorsan dhiska habsiyaasadeedka oo dhan heerkastaba, haddana in khatartiisa la khafiifiyaa waa suurtagal. Werwerka aan qabaa waa iyada oo maanta kaadhkii reerka si cad loola taaganyahay masraxyada siyaasadda – dhul ay ahayd in aan qabiilku shaqoba ku soo darsan. Waxa aad ii dhibaa waa innaga oo geesna doonayna inaynu samaysanno qaabsiyaasadeed heer qaran ah, dhinaca kalena u dulqaadanayna fekerkii reeraysnaa ee ay ahayd in aanu beesha xaydaankeeda soo dhaafin. Waxa aan la soo taaganahay in siyaasadda reerka ee kharriban iyo maqnaanshaha ay maqantahay sumad qaran oo la wadaagaa inagu boqongoynayso xaalad cakiran oo khatarteeda leh. Dhab ahaan haddii aynaan qabiilka ka reebin qaabka fekerkeenna siyaasadeed u abuurmo oo aynaan baran sida loo yeesho dhaqan keenikara feker xor ah, laga yaabee inay habboontahay ba inaynu iskaba illowno qarandhiska aynu ku hawoonayno.
Taariikhdeenna aan sii dheerayn waxa ka buuxa raadad badan oo muujinaya sida marka fekerka qabiilku masraxa siyaasadda kadinka uga soo galo ummadnimaduna daaqadda dambe uga dhacdo. Sida uu khabiirka ku takhasusay barashada ummada Soomaaliyeed ee I. M. Lewis ku sheegay buuggiisii Dimquraaddiyadda Reer Guuraaga cilladda ugu weyn ee fekerka qabiilinimo ku dhasha ku jirtaa waa isaga oo aan bar sugan oo loogu soo hagaago lahayn. Haddii aynu fekerkaas sii ballaadhinno waxa laga yaabaa in aynu wax ka fahmikarro sababta ina dhigtay halka aynu naal marka la eego dhinaca qarandhiska. Waa arrin murugo leh sida burburka siyaasadda reeraysani inagu haysaa uga baxsado nabdigeenna. Iyada oo laga yaabo inaynu dhammaanteen isku raacno in aan feker qabiil iyo heykal qaran casri ahi meel wada imankarin, haddana sababo dahsoon awgood waxa aynu sii adeegsanaynaa fekerkaas oo aynaan muraad ka lahayn dhibkuu innoo geysanayo.
Waxa laga yaabaa inaynu hoggaamiyayaasheenna dhakada ka saarro qaska siyaasadeed ee aynu dhexfadhinno, haddana waxa lama huraan ah in la ogaado in ay jirto guuldarro la wadaago oo inaga dhexaysa oo ina geyaysiisay in aynaan dhibaatadeenna uga fekerin qaab taariikheedkeeda saxa ah. In aad duuduub ku liqdo sharraxaadda ah in dawladda xukunka haysaa masuul ka tahay cakirraanta siyaasadeed waxa ay iigu muuqataa wax caqligu diidayo. Sababta oo ah haddii xaajadu sidaas tahay hoggaamiyayaasheenna khaladkooda farta kuma aynu fiiqneen oo keli ah ee waxa aynu boholyow u qaadi lahayn xilliyadii wacnaa ee ina soo dhaafay. Sida xaqiiqda ah waxa aynu cabanaynay intii taariikhda cusub ee Somaliland bilaabantayba 1991kii ama xitaa ilaa 1960kii. Dhibaatooyinka Somaliland haddaba, sida aan filayo, ma aha taariikhi oo keli ah sida la soo jeediyay ee waa ilaa qaabdhiska; sababta oo ah waxa ay dhibaatooyinkaasi ku arooraan qaabdhismeedka bulshada. Waxa dhab ah inaynu ku xidhannahay xabsi qabiil oo nasiibdarro habdhaqankeennu inagu xukumay, sida Lewis tilmaamay markuu sheegay ‘guulguulka isbahaysiga qabaa’ilka’.
Marka laga duulo gibisha noocaas ah ee la tilmaamay, waxa la odhankaraa shir beeleedyadii loo bogay ee Burco iyo Boorame ka dhacay bilowgii sagaashannadii ee ay madaxdhaqameedyadu nabadaynta ku gooyeen malaha waxa ay aheeyeen uun xal qabiil oo daweynaya cillad qabiil. Waxa aan uga socdaa si kasta oo ay ahmiyad ugu lahaayeen dhinaca nabadaynta, marnaba siyaasadda qabiiliga ah si qoto dheer looma eegin. Bilxaqiiqan awoodda qabyaaladi u leedahay inay ku burburiso dhiska qaran waxa lagu dul qariyay uun sharaxaad aan miisaan lahayn oo odhanaysa habdhaqaneedkeenna aynu wax ku xallillay waa inoo shaqaynaya. Ilaa xad waa ay dhicikartaa in arrintu sidaas ahayd, laakiin taasi waa inta abtirsiimo joogto uun. Si kale haddaan u dhigo waa in la hubiyo in heshiisyada beelaha kala duwan iyo jilibyadu u shaqeeyeen ilaa heer hoose. Laakiin bartaas marka la dhaafo wax macne ah oo qaabka habdhaqameedka qabiiliga ahi sheegayaa ma jirto sida dawada dhaqamiga ahiba aanay wax uga tarin cudurrada halista ah.
Uma baahnin kolkaas in lagu nuuxnuuxsado in qaabka reeraha ku dhisan ee aynu u adeegsannay dhismaha qarakeenna iyo waaxyihiisu inuu yahay cudurka meesha ku jira ee qaabsiyaasadeedkeennu la shaqayn la’yahay.
Sidaas aawadeed in badan oo siyaasaddeenna cakiran ahi waxa ay salka ku haysaa cudur qabiil keenay, kaas oo aan hortaagnayn oo keliya dhalinta waddaniyad iyo qarandhis, ee weliba soo saaraya jiil cusub oo siyaasiyiin ah oo mabda’aas ku ababay (Qoraal kale ayaan arrintan kaga hadlidoonaa).
Halkaas waxa kaaga muuqanaysa in xoogagga ragaadiyay dawladdan oo sidoo kale ragaadiyay dawlado horena, sii wadidoonaan ragaadinta dawladaha mustaqbalka haddii aan reer Somaliland lafagurin qaabka wax inoogu dhisan yihiin. Waxa hadda inoo muuqda ee aynu aragnaa waa taranka saamaynta xoogagga qabiilka ee wax uun burburiya oo ay sii xoojisay tayoxumada hoggaanku. Sidaas aawadeed cakirraanta ina haysataa waa mid aynu isbadnay ee maaha tu ku xidhan dawladda jirta ama aqoonsi la’aanta Somaliland.
Si aan u iftiimiyo doodda aan kor ku soo qeexay bal aynu tusaale ahaan isla eegno mawduuca gobollada cusub ee dhowaan la sameeyay. Iyada oo aanay jirin wax baahi ah oo muuqataa, Udub wuxuu dhowaan go’aansaday inuu dalkan yar ee soo koraya u kidfo degaanno jilib-jilib ah. Cid ka muddaharaadday arrintaasi ma jirin. Sida runtu tahay waxa dhacayba dabbaaldegyo iyo dammaanshaad lagu qaabbilay ku dhawaaqistii gobollada cusub.
Udub, waxa aan filayaa, in ay geeddi baas inoo rareen oo ku socda meel aan la garanayn. Tallaabada noocan ahi reer Somaliland ma isu soo dhowaynaysaa mise waxa ay sii xoojinaysaa qabiilaysigii oo waxa wax ku waayaysa sumaddii qarannimo?
Marka la eego qaabdhismeedka googo’an ee bulshadu tahay waxa aan hubaa in tallaabadani sii xoojinayso kala burburka bulshada. Samaynta Udub ee gobollada cusubi waxa ay tusaale cad u tahay wixii ay gumaystayaashii ina xukumi jiray inagu arkeen – inaynu bulsho ahaan si qoto dheer u qaybsannahay. Waana ta Itoobiyaanka isballaadhinta wada u fududaysay inay galaan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, xasuuqna ka geystaan oo aan cidina wax u raacin (Ilaa imika uun horta). Tallaabooyinkaas talaxumada ah waxa inoo sii dheer khatarta ah inaynu innaga oo aan filanayn ku degno habsiyaasadeed reeraysan oo ah kii casru jaahiligii.
Ururrada mucaaradka laftoodu maaha dar ka madhan siyaasadaha reeraysan. Tusaale ahaan ururka Kulmiye wuxuu dhowaan ku dhaqaaqay tallaabooyin uu ku xoojinayo awoodda dhismihiisa isaga oo guddiga golihiisa dhexe ku dooranaya qaab beeleed. Kulmiye wuxuu galay dembi ah inuu qaaday siyaasad cid u xidhan. Waa laga yaabaa inuu cod kaga helo dadka hab qabiil u fekera, laakiin waxa xaqiiqo ah inuu ku waayay kalsoonida ama fogeeyay dad badan oo uu cod ka heli lahaa. Waxa se taas ka sii daran sida Kulmiye ugu dhacay haybad sare sheegashadii uu dawladda kula xisaabtami lahaa, waxna kaga weydiin lahaa tallaabooyinka masuuliyad xumada ah ee ku dhisan ‘qaybi oo xukun’, sidaas aawadeed nasiibdarro dhankaas marka laga eego Kulmiye maaha u tartame ay ka dhab tahay inuu beddelo Udub.
Inta xaalku uu sidaas yahay shaki weyn baan ka qabaa in dalka siyaasad deggani si dhakhso ah uga dhalankarto muddooyinka dhow. Dhibaatada ku cadho gelinaysaa waa in aynaan xal u helikarin dan qabiil oo si kharbudan loo dhigay oo aan weliba nacasnimadeenna ku sii soconno in istaraatajiga noocaas ahi fulinkaro danta guud ee aynu wadaagno. Taas in la rumaystaa waa in meel lagaga dhaco qaabdhismeedka bottom-up, oo hadda aynu kula daallo wax ka qabashada mawduucyo asal ahaan aad u kala duwan: bulsho iyo dhismaha rukummada qaranka. Ummad maamulkeeda iyo dhisitaanka rukummada qaranku waxa ay u adag tahay, haddii aanay kasii adkaynba, sida loo maamulayo machad caafimaad ama machad waxbarasho. Waa wax maqluub ah oo caqligu diidayo in la yidhaahdo waa xilligii reer hebel xulan lahaayeen cidda madax ka noqonaysa Jaamacadda Hargeysa (tus).
Waxa dhicikarta in qofku ku fekero (wax muuqda awgeed) inuu labada urur siyaasiba ku canaanto inay muujiyeen dabeecado qabiil oo laga yaqyaqsoodo, laakiin se qayladhaankasta waxa lagala hor imanayaa cadaadis xoog leh sababta oo ah tallaabooyinka noocaas ahi waxa muujiyaan falceliska ka yimaadda mabda’a qabiiliga ah. Weydiinta haddaba lama huraanka ahi waxa ay tahay: Somaliland ma ka gudbikartaa siyaasadda khatarta ah ee reeraysan? Malahaygii haa. Haddii ay damiir ahaan dhab inaga tahay (dhabna way inaga tahay) waa inaynu xallillaa u debecsanaanta inaynu isku xulufaysanno abtirsiimo.
Maxamed Obsiye, London, mobsiye78@hotmail.com
*Maqaalkan oo cinwaankiisu ahaa Clanship Politics: a critical analysis waxa uu markii hore ku soo baxay af-Ingiriisi. Waxa tarjumay Cabdillahi Cawad Cige, Liverpool, UK, oo ah qoraagii buuggii LADH. Cabdillahi waxa lagala xidhiidh karaa: edleh@hotmail.com.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday