OPINION

Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa?

Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa?

Qormadani waa mid aad uga geddisan qoraalladaydii aan ku caam-baxay ee u badnaa siyaasadda Somalida, waxanan maanta siyaasaddii uga gudbayaa arrin ku saabsan mid ka mid ah muuqaallada nolosha. Sida aan kor ku xusayna bal aan akhristayaasha u soo bandhigo noocyada ragga iyo dumarka, haddii aan wax dhaafo iyo haddii aan wax ku darana waxba kama qabo in qoraalkan la naqdiyo.

Rag ayaan is weydiiyey noocyadooda, kaddibna waxa aan ku soo koobay, sidan hoos ku qoran:

1. Xoog ku nin.

Waa ninka reerkiisa iyo ehelkiisa kula nool xoog, ee dilaaga ah. Dadka qaar waxa ay u yaqaannaan budh la yuurar. ninkaasi naxariis malaha, waxana lagu tiriyaa in aanu xagga maskaxda ka caafimaad qabin. Dhibta ugu badanna waxa uu u geystaa xaaskiisa iyo carruurtiisa.

2. Qabiil ku nin.

Waa ninka qabiilkiisa ku faana, ee aan isagu lahayn karti u gaar ah, had iyo jeerna ka hadla qabiilka. Ninkaasi waxa uu ninnimadiisa ka raadiyaa ku faanista qabiilkiisa. Inta badanna waxa la isku maan dhaafaa sheekada qabiil, oo uu qabiilkiisana ammaano kuwa kalena uu hoos u dhigo.

3. Mansab ku nin.

Waa ninka nasiib u helay in uu ilaah mansab gaadhsiiyo, hase yeeshee ku tarki falay, kuna dhaqmay, eex iyo caddaalad darro. Ninkaasi mustaqalkiisu waxa uu ku dambeeyaa gooni iyo cidlo. Ubadkiisuna waxa ay bulshada kala kulmaan sharaf la’aan iyo karaamo la’aan. Markaasay dadku ku yidhaahdaan, waxa ku dhacday cuquubadii uu aabbahood dadka ka galay.

4. Qoodho ku nin.

Waa ninka guskiisa u meel dayi waayey, ee shabeel naagoodka noqday. Waa nin guur iyo galmo (wasmo) badan, oo bulshada uu la nool yahayna kaga caam baxay qoodhnimadiisa. Raganimo kale malaha. Waa godad leh. Ubad iyo oorina uma roona. Kolba ta uu la joogo ayaa uu isku macaaneeyaa, oo uu isaga dhigaa nin geesi ah. Marka uu maalinta dambe warqadda siiyana dib uguma soo noqdo iyada iyo carruurteedba.Mustaqbal fiicanna ma yeesho, ooryihiisuna waa ay ka xumaadaan. Ubadkiisuna waa noociisa oo kale.

5. Khayaamo ku nin.

Waa wiilka yidhi waxa aan aqaannaa sida dadka loo kala dabbaro, ee loo maamulo. Waxana uu sheegtaa siyaasi. Xariifna waxa uu ku yahay khayaamada, waran-waryada iyo kala dillaalka shacabka. Had iyo jeerna waxa aan ka ag dhawahay talooyinka iyo ninka xukunka haysta iyo kooxdiisa. Dadkuse waxa ay u yaqaannaan beenaale, basaas iyo wax la mid ah. Danta reerkiisana waxa uu ka door bidaa ta siyaasadda. Markaasay carruurta iyo xaaskuba ka hoos baxaan, oo waraabe u gacan galaan.

6. Magac ku nin.

Waa ninka magac ku faanka ah, ee mar walba la soo booda, miyaanad magacayga aqoon, oo aanad garanayn in aan ina hebel ahay. Kaasi waa ka ninnimadiisa ka raadiya magaca waalidkii amma ehelkiisa. Kibir iyo is qaad qaadka ayaana ku badan, waanu dareen badan yahay, had iyo jeerna mar kasta oo ay rag is galaan waxa uu tirsadaa gef in laga galay.

7. Arrin yaqaan.

Waa ninka marka arrin la leeyahay loo yeedho, ee talo laga raadsado. Ninkaasi waxa uu nin yahay marka ay arrini jirto. Waxana uu yidhi, waxa la ii baahdaa maalinta dhibi jirto. Inta kalena talada reerkayga ayaan u darbanahay.

8. Qalin ku nin.

Waa ninka waxbartay, ee ku faa’iiday, fariidnimo kalese aan yeesheen, haddii aanu wax baran.

9. Qasnaji.

Waa ninka dadku u yaqaannaan bakhaylka, ee wixiisa xafita, maalinta ay dhacdana loo cararo wax hel iyo wax waaba. Maalintaasi ayaa ay xaaskiisuna u qirtaa taladii uu xoolaha ugu ilaaliyey. Inta ka horreysana aad ayey uga cabataa.

Raggii markii aan sagaalkaa ku soo koobay ayaan haddana dumarkii is weydiiyey. Iyagana sidan ayaan u dhigay:
1. Raalliya.

Lambarka koowaad waxa gashay raalliya garaad badan. Waxa ay ka hadh hadhay ninkeeda iyo ubadkeeda. Gurigeeda waxa loogu yimaaddaa cunto, qosol, kaftan iyo farxad. Dulqaad ayey dhammaysay, oo waa gabadh samir badan. Nolosheeduna waa guul.

2. Marwo dumar.

Waa haweeney garaad badan, oo talada reekeeda ka hadh hadhay. Laakiin taladeeda badan ayaa mar mar muran keenta. Haddiise ay nin fariid ah wada nool yihiin waxba la islama diido. Qiyaas ayaanay ku socotaa, oo arrinta reekeeda iyada ayuunbaa dhammaysata. Dumarka lagu sheekaysto maaha.

3. Ma hubsto.

Waa gabadha mar walba la qaldi karo, ee war kasta oo loo sheego hubsiimo la’aan rumaysata. Haweeyeydaasi ma kala soocdo beenta iyo runta. Waxana ay caan ku tahay war badni. Kaddibna dadka ayey aad isaga hor yimaaddaan.

4. Gogol ku cuna.

Waa islaanta ku caan baxday cadho, canaan, cay. Had iyo jeerna ninkeeda la sugta gogosha, ee marka uu dhinaca saaraba dirirta bilowda. Waa dhiblay aan ninkeeda horumar u oggolayn. Maalinta uu qorshe amma shaqo galana kula talisa in uu isaga tago.

5.Habaar qabto.

Waa beenaley, iimaan la’ oo aan gurigeeda khayrkuba ku nasan. Kharash badanaa oo ninkeeda iyo carruurteeda ku hawl badanaa. Dadka kalena ku dhib badanaa. Markaasi ayaa la yidhaa taasi waa habaar qabto.

6. Wareeg badan.

Tani gurigeeda kumaba nasato, waxana ay jeceshahay in ay wareeg iyo qaraabo salaan uun ku jirto. Xilla iskama saarto hawsha reerkeeda. Culayskana waxa ay saartaa ninkeeda, carruurteeda iyo kolba ciddii la joogta.

7. Barwaaqo

Waa gabadha ku fiican dhaqaalaha, ee aan ku tarki falin xoolaha reerka. Tani waa barwaaqo ninka helaa uu nasiib saday. Doqonkuse ma kasbado.

Qaybta labaad la soco.

Ahmedweli Goth


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra