OPINION

Maxaa lagu xasuusan Doonaa Daahir Riyaale ?

Maxaa lagu xasuusan Doonaa Daahir Riyaale ? 

Sida aad la wada socotaan waxaa jirta in dhib badan umadeena soo gaadhay gaar ahaan marka laga soo bilaabo April 14, 2003 (after Igal Death) marka ceeb ma aha ee waa sharaf in laga hadlo sidii wax u dhaceen, meeshii wax ka khaldameen,Waliba buugaag laga qoro aan caruurteenan barno iyo cidii kale dhibkan oo kale dhibayo .

Dhibaatooyinka maanta ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha arrimaha:- Dastuurka, siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Xuquuda insaaanka, Adeegyada bulshada, Dhul-bixinta iyo dhulka iwm waxaa si toos ah uga mas`uul ah Maamulka madaxweyne Riyaale oo ku wacad-furay ummadda halisna ku haya qaranimada iyo Madaxbanaanida Dalka.

Hadalka kor ku qoran waxaa laga dheegankaraa in ummad kasta marka ay daawato waxna ka qabanweydo maroorsi xukun qaran iyo tacadi xidhiidha ay markaas fursad hesho xukuumad xun oo horseedda dumin iyo dagaallo sokeeye, dadkuna noqdo dhibbane markaas ka mas`uul ah dhibkiisa.
Xukuumad kasta oo xun waxaa markaas jiritaankeeda ka mas`uul ah aamusnaanta ummadda ay xukunto.

Waxa kale oo la wada ogsoonaa balan qaadyo uu balan qaaday Daahir riyaale oo uu yidhi Musuqmaasuqa waan la dagaalami doonaa .   Musuq maasuq marka laga hadlaayo dhanka bulshada, gaar ahaan sida ay u arkaan, waxaa uu muuqda in bulshada Somaliland aqbashay, waayo dadka reer Somaliland Kama Mudaharaadaan.

waxa uu sameyn weyn ku leeyahay dhaqaalaha, siiba ganacsiga taas oo keenta sicirbarar iyo qiimo dhac ku yimaada lacagta iyada oo keentay in ay dadka danyarta ahi ku adkaato maceeshada iyo qutul daruurigu .

Musuq maasuq waxa kale oo u dhib weyn u geysta adeegyada cafimaadka iyo waxbarashada.Waxaynu ognahay adeeg caafimaad la’aanta Somaliland dadkeeda haysataa inay maalin walba kalifto inaanay jirin wax adeeg caafimaad ah oo loogu gurmado dadka masaakiinta ah marka ay shilal dhacaan, ha ahaadaan dab ama masiibo kale oo dabiici ah.

Musuq-maasuqa maant waxa uu is hor taagay sameynta maamul hufan iyo hirgelinta tartan cadaalad ku dhisan. Taas oo keenay dib u dhac siyaasadeed mid dhaqaale iyo bulsho.
waajib ah in la diriro musuqmaasuqa iyo maamul xumada, taas oo suura gal ka dhigaysa dakhliga dawladda oo si fiican u soo xerooda iyo tayada dawladda oo sare u kaca.
Nasiib daro may suurta galin in lala diriro musuqmaasuqa iyo maamul xumada taas oo ka dhigtay Dawlada manta jirta Dawladihii ina soo maray ta ugu liidata.

Waxa aan Dadwaynaha ku cusbayn marka aad Daahir Riyaale dhaliilaha xarumaha Dewlada ka jira u sheegtid in la toosiyo in uu umada meel kale ku jiheey halkii ay ahayd in uu wax ka bedelo maamul xumada ka muuqata Dawladii uu masuulka ka ahaa.

Waa duni agoon soo dhaceed loo durbaan tumanee
Waa duni la kala boobayoo, nala dareensiine!
Nin Ku siray nin seef kula dhacay iyo sumaca maadhiinka,
Ama tuug sanbiil ku ritay oo soof yar kugu doontay,
Iyo kuman safayn kuu galay oo sahanka kaa meershay,
Ninmba sumadda uu ku dhigtoo saaka kaa heleye
Khalil Aden Abdi
Bristol, Uk


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra