Maxaa Ka Jira Colaada Somaliland Iyo Jabuuti.
Maxaa Ka Jira Colaada Somaliland Iyo Jabuuti.
Nin aan saaxibo nahay oo aan ka wada sheekaysanay qoraalkaygi hore ee aan u hibeeyay Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu u qaatay inaan ku khaldamay taageerida Soomaalinimo ee aan taageeray Jamhuuriyada Jabuuti, maadama aan qoraalkaygaas hore dhawr goor mahad u jeediyay Jabuuti, anigoo ula jeeday dadaalka dheer ee ay u gashay sidii ay u badbaadin lahayd Soomaalida.
Waxaan marka jeclaystay inaan isaga iyo inta kale ee aanaan Telefon isku heli karin iyo laba nin oo aan qoraalo ka helayba oo kala ah Sid Artan iyo nin la yidhaah Kayse Abdi, inaan ugaga wada jawaab celiyo aniga oo ka faa,ideysanaya fursada qoraalkan.
Xitaa dad kale oo badan oo aanu meel ka wada shaqayno ayaa igu yidhi ( Ninyahaw adoo u dhashay Somaliland, ayaanad hadana garanayn cadawga wadankaaga iyo saaxibkaaga midna toona). Runtii dadkaas aad ayaan ula yaabay.
Mid doqon ah oo aan la yaabay garasho xumadiisa ayaa meelahas wuxuu kusoo qoray ( Madaxweyne Geele wuxuu laaluush siiya BBC-Somali, Jabuuti iyo Somaliland colaad ayaa ka dhaxaysa).
Ninkaasi waa mid ay hayso xanuunka la dhaho (naivete), oo aan ogayn saaka wuxuu ku quraacday.
War goorma ayeey Jabuuti iyo Somaliland colaad isu qaadeen, goormu Ismaaciil Cumar Geele laaluush siiyay BBCda, bal waxaad noogu sheekaynayso maqal, maskax caafimaad qabta isma waydiiso su,aalahaas oo kale.
Marka hore anigu ma qabo in Jabuuti iyo Somaliland ay dhibaato, colaad, iyo cadawtinimo ka dhaxayso, waxaan qabaa in ay yihiin laba wadan oo Soomaaliyeed oo walaalo ah, darisna ah.
Ismaaciil Cumar Geele waagi la dooranayay, reer Somaliland runtii aad ayeey u taageereen ninkaas isaga ah, balse Geele sanadkii 2007 wuxuu ku gacan saydhay inuu kulamo la qaato laba xubnood oo ka kala tirsan xukuumada Somaliland oo kalaa ahaa, Edna Aadan oo ahaan jirtay Wasiirada arrimaha dibada, iyo nin kale oo isna la odhan jiray Cawil, xatal aana ah Wasiirka Maaliyada ee Somaliland.
Sidoo kale sanadkii 2000, Xukuumadda Jabuuti ayaa albaabada u xidhay xafiiskii diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku lahayd dalka Jabuuti, isla markaana ku amartay wakiilka Hargeisa u joogay Jabuuti iyo shaqaalihii kale ee xafiiska in ay muddo saddex maalmood ah kaga baxaan dalkooda, hase yeeshee, sannadkii 2003dii ayey markale xukuumadda Jabuuti ogolaatay in Somaliland dib u furato xafiiskii ay ku lahayd dalkeeda.
Ninkan hooyadii u bixisay Ismaaciil Cumar Geele, waa nin aad u jecel in ay Soomaalidu midnimo hesho, dagaaladii sokeeye ka dib, wuxuu dhawr jeer u qabtay Soomaalida shirar ay ku heshiinayaan, balse reer Somaliland kama soo qayb galin shirkaas, waayo waxay ku dhawaaqday goosasho.
Mr. Geele ma jecla in Jabuuti ay ka mid noqoto midnimada ummada Soomaaliyeed, arrintaasna wuu ku saxsanyahay, oo muxuu Soomaali ku falaa! Soomaalidu ma dadkan uray ee dhintay! Ee fahmi la,a midnimo yeesha, ee 20 sano iyo ka badanba colaadi kala kaxaysay, iyo Koonfurtan ku galgalatay Dawladnimadii ummada Soomaaliyeed.
Waxaa jiray Gabay uu tiriyay nin la odhan jiray Qaasim, Gabaygaas oo loogu magac daray (Abaal Ciise), wuxuu u tiriyay reerka Soomaaliyeed ee Ciise la yidhaah oo taageero wayn u fidiyay Jabhadii SNM-ta ee ka dagaalami jirtay Woqooyiga Somaliya wuxuuna yidhi:
Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasidee
Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene
Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye
Erayo sidaas ah ayuu u soo tiriyay, marka, dadka iska dhaadhiciyay in ay colaadi ka dhaxayso Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu leenahay NO! NO! NO! NEVER!
Waxaa dhici karta in Jabuuti ayna marnaba ogolayn in Somaliland la aqoonsado, waayo hadii la aqoonsado, dhaqaalaha Jabuuti ayaa dhulka galaya, arrintaas ayaana ugu wayn arrimaha ay ka baqayaan hadii la aqoonsado Somaliland.
Laakiin shacab ahaan, mise siyaasad ahaan, anigu waxaan qabaa in ay labada shacab is jecelyihiin, xitaa reerka Isaaq la yidhaah %33 uu degan yahay Jabuuti, sidoo kale Wasiiro ku leh Jabuuti, iyo xubno kaleba, laakiin siyaasad ayeey labada wadan ku kala tageen, oo waxay isla fahmi la,ayihiin sidii loo dardar galin lahaa xidhiidhkooda ganacsi.
Ninkan Faysal Cali Waraabe la yidhaah, in badana ayuu Madaxweyne Geele canbaarayn iyo dhalecayn usoo jeediyay, riyadu way kala xuntahay oo Ina Waraabe tiisu waa (day dreaming). Shahaado uu wato oo uu ugu talo galay inuu ummada reer Somaliland ku xukumo ma ay jirto, shacabka reer Somaliland waxaa taageersan %14, wuxuu ahaa oo kaliyah nin iska qurbo joog ah kuna noolaan jiray Finland, xitaa SNMtii magac sidaas u wayn kumuu lahayn, bal marka, sidee ayuu Madaxweyne isugu sharixi karaa, sidee ayuu Madaxweyne kale u aflaagaadayn karaa!
Gunaanad.
Qof kasta oo Soomaali ah waxaa maanta la gudboon inuu ka shaqeeyo sideynu dib ula soo noqon lahayn cisadii & sharafteeni oo maanta heer hoosaad haahabaysa.
Reer Somaliland maanta waxay haystaan nabad aan Somaliya inteeda kale ka jirin. Ilaahay ha u siyaadiyo nabada, dhamaan Somaliyana nabad haka dhigo, nimankaas reer Woqooyiga oo aan ka mid ahay, kubadu iyaga ayeey maanta dhinacooda taala.
Nimankaas waxaa la gudboon inay maanta u hiiliyaan Somaliya iyo sumcadeedi, arrimaha Koonfurna waxii ay ka qaban karaan ka qabtaan, maadama ay ku xeel dheeryihiin sida dagaalada sokeeye iyo colaada loo xaliyo.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockholm




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday