OPINION

Iska Horqaada Mooryaanka Iyo Isbaarada

ISKA HOR QAADA MOORYAANKA IYO ISBAARADA UU ADHIGA U DHIGTAY

Waxaaan halkan si cad ugu sheegaya, Mooryaankan kibray ee Reer Awdal ee xaaraan-ku-naaxa ahi ee hore iyo hadaba dhagar qabaha u ahi ee dulmiga iyo khaakhuulka dhinacyada badan iyo shirqoolada kala gedisan ee joogtada ahi kula dhex jira ummada iyo dalka Somaliland ee markiisii horena, eexashada iyo xaaraanta kursiga ku yimi haatana uu xiligiisu dhamaaday ee sifaha qayral dastuuriga iyo sharci darada xilka ku sii jooga, in horta, Xolahan nool ee ma yeedhaanka ah ee banaanka wadhan’e haraadan ee xitaa booyadihii biyaha loogu dhaaminayeyna uu qash-qashaada ku hayo iyadoo lagu jiro xiligii xagaaga ee uu sida arxan darada ah ee ka baxsan aadnimada uu u rafaadinayo, inay ishoodu iyo cuqubadoodu ku dhici doonto isaga iyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo cidii kale ee ku raacsan ama ku garab taagtan dulmigan baaxada weyn lehi ee qabyaalada sumeysan, nacabnimada qaawan, iyo hunguriga dheer ee gunnimada xambaarsan.

 

Waxa kale oo aan Mooryaankan warmoogaha ahi u sheegaya, in Xoolahan Nool ee uu ISBAARADA hor dhigtay dhacina rabo, aaney SNM iyo Mujaahidiinteedina lahayn, Xisbiga KULMIYE-na aanu lahayn, Haji Ahmed Silanyo-na aanu laheyn, Habar Jeclo-na aaney laheyn, Habar Yoonis-na aaney lahayn, Reer Sheikh Isxaaq-na aaney lahayn, Reer Burco-na aaney lahayn, Reer Togdheer-na aaney lahayn, Reer Bari-na aaney lahayn ee ay yihiin xoolo silsilad ah oo Reer Geeska Afrika, ay iska leeyihiin kuwaasoo hab ganacsigoodii iyo hab suuqgeyntoodii soo jireenka ah soo maray oo Sayladoodii Burco ee qadiimiga ahaydna ku soo dhacay halkaasoo, ay sidii u caadada ahayd uga dhaadhicaan kana dhoofaan Dekeda Berbera ee qadiimiga ah xoolahaasoo ku caan baxay magaca, “Berberaawi” ee u soo jiida suuqa iyo qiimaha wanaagsan.

 

Sidaas daraadeed, waxaan u sheegaya Mooryaankan dhaca ummada tabaaleysan iyo hantida qaranka ku talax tegay ee budhcadnimada badheedhka ah wada, in Seylada Burco, ay tahay Salada Xoolaha ee Xoolo Dhaqatada Geyigan Geeska Afrika, Dekeda Berbera-na, ay tahay Dekadoodii, ay weligood xoolahooda si xor ah uga dhoofsan jireen labadaasina ma’aha kuwo uu khaayinul wadan isaga oo kale ahi uu ISBAARO xun hor dhigan karo ee yaa u sheega, Jaalle, meesha ha ku haligmine ka hor baydh.

 

Dhinaca kale, waxaan u sheegaya Mooryaankan diciifka ah ee haboowsan, in isaga iyo cadowga shisheeye ee sida bahdilan ugu adeegsanaya una soo dhiibay mashruucan shirqooladan, abuurida habka keli talisnimada, ragaadinta geedi socodka dimoqraadiyeed, minjoxaabinta ictiraaf raadinta, hurinta qabyaalada iyo colaad abuurka, hagardaameynta midnimada ummada, ku tumashada Dastuurka iyo Shuruucda u yaala dalka u yaala, cadaalad darada, dulmiga, xatooyada hantida ummada iyo qaranka, boobka qayraadka dabiiciga ah ee wadanka, khiyaamada qaran, iyo qaran dumiska ahi ee la is moodsiiyey, in ku dhaqankoodu lagu burburin karo xoriyada, qadyada, iyo jiritaanka Somaliland, uu si cad ugu hungoobi doono, gacantana si fudud loogu dhigi karo maxkamadna la soo taagi karo laguna qaadi karo ciqaab adag oo bilaa naxariis ah maadama uu cadeystay loona wada arko inuu yahay cadowga ummada iyo dalka JSL.

 

Hadaba, waxaan ku leeyahay Mooryaankan, waanu ku aragnaa inaad awood aadan lahayn is biday oo aad si khalad ah u adeegsan rabto Ciidankii Qaranka oo aad tawaangi iyo madaafiicda goobtaba ama tikniko farabadan aad soo dhoobtay magaalada Berbera oo aad weliba marinkii ama iridii dekeda ummada iyo dalka aad ku hor goysay kooteenaro oo aad dagaal iyo dhiig si xaq daro u daata aad doon doonayso, hase yeeshee, bal, aanu aragno, ciidanka kuu dagaalami doona cida ay yihiin, iyo inaad heshiis ku sheegan kuu gaarka ah ee aan Golaha Wakiilada la horkeenin lagana ansaxin ee qayral dastuuriga ah ee sharci darada iyo xaaranta ah ee aad kooto ugu xidhayso nin Carbeed oo shisheeye ah laf dhabarkii dhaqaalaha ee dalka Somaliland, inaad dhiig ku daadin doonto iyo inaad si nabad ah dadka iyo adhiga uuga hor dhaqaaqi doonto, iyo in kale.

 

Ugu dambeyn, waxaan halkan uga baaqaya shacbiga samirka badan ee geesiga iyo gobta ahi ee Somaliland gaar ahaan Reer Sheikh Isxaaq ee caloosha furan ee lagu yaqaan wax wada cunka, Aadnimada, Islaamnimada, iyo dhaqanka iyo caadooyinka suuban ee weliba xoriyada, nabada, cadaalada, iyo horumarka jecel ee hadh iyo habeen uu abaallaawahan khaayinka ahi iyo xulufadiisa iimaanlaaweyaasha ahi ee la midka ah aboorka iyo ayaxa ma dhergeyaasha ahi ee sida ba’an ugu haya cunaqabateynta dhaqaale si badheedh ahna isaga toogta caruurtooda gadooda ee sida cad ugu tumanayaan aayahooda, inaay si deg deg ah isaga qabtaan Mooryaankan cadeystay ee wax maxeeriyaha ahi ee lagu soo habaaray isagana qaadaan ISABAARADA xun ee uu hor dhigtay neefkoodii adhiga ahaa.

 

F.G.: Haddii hada talaabo adag oo kama dambeys ah laga qaadi waayo Mooryaankan xadhkaha goostay, wallee, waxaanu isaga iyo xulufadiisu iyo beeshiisha wada aamusan ee ficiladoodu u muuqdaan inay ku raacsan yihiin khiyaamadan iyo qaran dumisnimadan sida cad looga gelaayo ummada iyo dalka, aaney beri idinku noqon doonin sida ardaagan yar ee Majeerteen uu ku noqday Beel Weynta Hawiye kuna soo hogaamiyey cadowga shisheeye ee soo jreenka ahi. Taasi, waa mida lagu hawlanaa mudo dheer ee lala idinla doonayo halka, aad idinkuna is dhigateen idinkoo aan ka midho dhalin qadyadiinii oo weliba la idin sii kala guraayo lana iska kiin hor keeni rabo iyadoo la adeegsanayo magaacabis gobolo cusub oo hab beeleed ku dhisan oo si guracan loo adeegsan rabo kuna saleysan kala qoqobid qabyaaladeed iyo mid degaaneed iyo habka nidaamka xisbiyada badan ee hada la majaro habaabiyey sida UDUB, KULMIYE, iyo UCID kuwaasoo la idinku sii qoqobayo lana idinku hoosaasiyo yooyootan la xidhiidha iyo xaalad abuur aan dhamaad lahayn, hoostaana la idinka jafaayo. Run ahaantii, waxay cadowga gudaha iyo cadowga shisheeye ku hawlan yihiin sidii aakhirkii, ay hab dowladeedkeena loo minjo xaabin lahaa dabeeta, ay ummada ku kelifto, inay miciin iyo ciirsiba ka dhigtaan isku xukumida Diinta iyo Shareecada Islaamka si looga badbaado fawdo iyo dagaalo sokeeye taasoo u suuro gelin doonta, in Ethiopia iyo xulufadeeda masiixiyiinta ahi, ay inala mid dhigaan waxa ka taagan Somalia sidaasna la inoogu wada shaabadeeyo “argagixiso” oo marna, ciidan ku dul keenaan marna, hawada sare diyaarado kaaga duqeeyaan—Eebe kama dhigo’e, waana sida keliya ee danta uu cadowga shisheeye ka leeyahay dhulalka Soomaaliyeed iyo geyigan Geeska Afrika, ay is moodsiiyeen inay ku gaadhi karaan, haddii kale, dee, waa hore, ayaa la ina aqoonsan lahaaye indhaha kala fura oo is badbaadiya.

 

Farah Ali Jama, Ottawa, Canada. (Farah.jama@alumni.uottawa.ca).


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra