Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Meelmariyey Go’aan Xaaraantinimaynaya Heshiiska Al-jabiri

‘Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan’  Go’aanka Golaha

 

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay go’aan ka soo saaray muranka ganacsiga dhoofka xoolaha nool, kaas oo ay ku sheegeen in sida ku cad dastuurka dalka ganacisga xooluhu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, isla markaana aanay xukuumaddu ku dhaqmi Karin heshiis aan waafaqsanayn dastuurka.

 

Go’aanka Golaha Wakiilladu ka soo saaray khilaafka ba’an ee ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha oo ka kooban afar qodob, waxa uu ka dambeeyey dood kulul oo mudanayaashu ka yeesheen arrintan oo muddo laba maalmood ah socotay, isla markaana ay ka qaybqaateen 21 mudane oo intooda badani si weyn xukuumadda ugu dhaleeceeyey masuuliyadda khilaafka ba’an ee ka taagan xoolaha. Qodobadda goluhu go’aamiyey waxa ka mid ah in dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay la horkeeno Golaha Wakiillada si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

 

Fadhiga shalay oo uu hagayey Guddoomiyaha Goluhu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in doodii mudanayaashu ka yeesheen muranka dhoofka xoolaha ay afar qodob ka soo saareen, balse ay jireen soo jeedimo kale oo qaar ka mid ah xildhibaanadu ku doodeen, kuwaas oo uu xusay in aan weli la gaadhin ama aanay dooduba khusayn.

 

Guddoomiyuhu waxa uu mudanayaasha ka dalbay inay u codeeyaan qodobada ay soo saareen, si ay u noqdaan go’aan gole, waxaana fadhiga oo ay joogeen 46 mudane qodobadaas ogolaaday 44 mudane, cid diidayna may jirin, hal mudanena wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay go’aankaasi.

 

Qodobada go’aanka goluhu ansiyey oo faahfaahsanina waxay u qornaayeen sidan:

 

“Waxay dooddu bilaabantay 27/07/2008, waxaanay dhammaatay 28/07/2008. Dooddan waxa ka qaybqaatay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada. Mudanayaashu waxay dooddaada u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku aroorinayeen sharciyada, maadaama oo ay yihiin Gole Sharci Dejineed, isla markaana waajib ay ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mudanayaashu waxay isdul-taageen carrabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1aad ee ummaddan nolosheedu ku tirsan tahay.

 

Haddaba, doodad mudanayaashu waxa nuxurkeedu isugu soo biyo shubtay kuna gabagaboy qoddobadan:-

 

1. In ganacisga dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad Qodobka 11aad ee Dastuurka dalka. Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan.

 

2. In dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay ee leh sifada ku cad Qodobka 53aad faqradiisa 3aad la horkeeno Golaha Wakiillada, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

 

3. In loo yeedho cid kasta oo ku lug leh ama ay khusayso arrinta ganacsiga adhiga, si loo helo xogta iyo xaqiiqda ku xeeran Ganacsiga Adhiga sida Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Adhiga.

 

4. In Goluhu u saaro guddi gaar ah (Adhoc Committee) dhibaatada dhoofka xoolaha.”

 

 

 

 
Jamhuuriya


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra