Qofnimo-Bax Waa Qormadii Xasan C Madar

QOFNIMO-BAX

 

Xasan C. Madar

 

Maalintii uu qofnimo baxay ama la qofnimo saaray ee u horraysay waxa loo magacaabay jago wasaaradeed ama wakaaladeed mid ay ahayd  aad u ma xasuustee.  Beenta muu aqoon, dadkana wuxu ugu necbaa qofka been sheega. Markuu maqlo qof been sheegay maxaa ku xaqsaday buu odhan jiray. Maalintan wuxu khudbadiisa ku bilaabay anigoo ku hadlaya afka hebel… waxan is idhi sow ka af leh sidee buu af nin kale ugu hadli karaa?  Ma qof baa ku hadli kara af aan afkiisa ahayn? Sowta la yidhaa illayn af aanad lahayn lama qabto. Haddana wuxu ku xijiyey  anigoo ku hadlayaa helaayo afkeeda, ma isagaa codkeediiba leh, sow ka nin ah ma af dumar buu ku hadli karaa, golxabkii mee? Wuxun Alle ku saar.

 

Waad ka garanaysay codkiisa inuu gargariirayey oo uu naftiisa ku qasbayey inay tidhaahdo wax aanay doonayn inay tidhaahdo. Beenta muu aqoon, xorriyad taam ah buu haystay, cidna umuu afduubnayn, ereyga xaqa ah si cad buu u odhan jiray, maantase waa maalin kale.

 

 Jagadani waabay uga dartay, waxay bartay wax uu ka xishoon jiray, wax uu ka xarragoon jiray. Immika isagaaba cid walba ka sii horreeya, cayda iyo xishood la’aantu waa wax uu ku faano. Neefka marka la gawraco ayaa haragga laga siibaa isagase isagoo nool baa haraggii laga siibay, haraggii qofnimada, waa kaa oo wuu qaawan yahay-mudh iyo gacan- maryahan uu xidhan yahay, suudhka iyo qoor xidhku asturaad uma aha, isagoo labbis quruxsan xidhan baa cawradiisa la daawanayaa, carruur iyo cirrooleba daawanayaan. Maalmihii hore wuu dreensanaa in wax ka maqan yahay laakiin hadda maba dareensana inuu qaawan yahay, wuxu qabaa haddaan la isqaawin inaan la qaxwaynayn, waxba la iska celin karin, haddaan dadnimada meel la dhigan, haddaan ragannimada guriga lagaga iman… sidaas bay la tahay sida maal , magac iyo maamuus lagu helaa.

 

Haddana waa kan Telefiishanka hor taagan, habeen walba hor taagan laakiin isma oga inuu qaawan yahay oo qaawanaantiisa laga daawanayo dal iyo dibedba, wuu isla quman yahay oo wuxu u haystaa in beenta uu sheegayo dadku rumaysanayo, taasi xaq buu u leeyahay, haddaa mar kasta oo uu fagaare ka hadlayo, uu been iyo belaayo sheego maxaa loogu sacab tumaa?

 

Marmar buu ka maqlaa xantiisa dadka iyagoo leh alla nin wanaagsan buu ahaa, miskiin buu ahaa been muu aqoon,laaluush muu aqoon, xaaraan muu aqoon, way luggooyeen, alla yaa hugii dadnimada ku soo celiya… Dadku waalanaa ma madaxnimadaa qaawanaan ah, ma siyaasinimadaa been ah, ma in la shaqaystaa xaaraan ah?, miyaanay iyagu kuwa laaluushka siiya ahayn, miyaanay ahayn kuwii ninkii ka horreeyey nacas ku sheegayey markuu xoolo ka urursan waayey intuu xilka hayey?, maxay u arki laayihiin inuu immika ka wanaagsan yahay siduu markii hore ahaa…maxay beenta ugu haystaan iyagaa ku jecele, sow kuwa ku ammaana ee ugu sacab tuma, hadduu dagaal geliyo ku raaca, hadduu raadyowga ka caytama yidhaa ka caytama, maxay ku haystaan, ma iyaga laftoodaa qofnimo baxay?. Hadduu qofnimo baxay sow iyagu may qofnimo saarin? maxay qofnimo uga sugayaan, oo haddaa ma iyagaa qofnimo ku hadhay?

 

Awal nin aamusan oo xishood badan buu ahaa, wuu yaqaannay kelmadda afkiisa ka soo baxaysa, kelmad aanu ogayn kamay soo baxayn. Laakiin immika wuxu arkaa hadalkiisii oo ka sii horreeya isagoon ka fikirin, wuxu garan waayaa goor uu ku hadlay,  berigii hore isagoon wax dhegaysan oon dhinaca kale fahmin muu hadli jirin maantase cidna ma sugo,  afkaba iskuma daro, malaha xajiyihii baa go’ay, shaki baa ku jira in afkani kiisii yahay,  wuxu u haystaa in sida loo kala tororgo badan yahay loo kala aqoon badan yahay.

 

Wuxu xasuustay sheekadii inantii indhaha la’ay ee cuqdadda ka qaadday indho la’aanteeda ee dad oo dhan la collowday marka laga reebo wiil ay la sheekaysan jirtay. Wiilkaasi ayey dad ugu jeclayd, waxay jeclayd inay mar uun aragto sida uu u egyahay, waxay ku hammiyi jirtay inay isguursadaan. Maalintii dambe ayaa qof indhihiisii u saaray inantii kolkaasay wax aragtay, wixii u horreeyey ee ay aragtay wuxu noqday wiilkii ay jeclayd oo hortaagan, mise waabu indho laayahay, yaab iyo fajac… waxay tidhi…hayyaaaay!!! kuma jecli sababtoo ah waad indho laadahay. Wuxu ugu jawaabay nabadgelyo laakiin indhayga ii ilaali. Iyadu mabay ogayn inuu yahay qofka indhihiisa u saaray. Waa aadane iyo abaalkii.

 

Lama oga in xusuustii sheekadani qofnimadiisii soo celisay, oo qofnimadu maxay tartaa immisaa hortii qofnimo baxay, maxay qaawanaantu dhib leedahay haddaan la iskula yaabayn, haddii xoolo lagu helayo, wuxu arkayaa qaar kale oo isa soo qaawinaya oo u soo qofnimo baxaya siday booska ugala bixi lahaayeen, hadda waa kuwii isaga qofnimo saaray.

 

Markuu halkaa marayo ayuu maqlay dhawaaq aanu garanayn gees uu uga baxayo. Waaba maanso uu beri hore maqli jiray. Waa cod abwaan, wuxu leeyahay:

 

Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn

Dabar kaa ceshaa jirin

Dadku waa belaayee

 

In dameerka aadmigu

Derejada ka hoos maro

Ama dawladaha qaar

Xayawaanka duurkiyo

Dugaaggii ka liitaan

Kumay jirin duruustee

Diiwaanka waayaha

Dib ma loogu qorayaa?


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra