Qaar Kamida Taageerayaashii UDUB Oo Walaac Ka Muujinaya Qabsoomida Shirweynihii Labaad Ee UDUB.

Waxaa isa soo taraya walaaca ay xubno kamida taageerayaasha UDUB ka qabaan in uu dhaco Shirweynihii labaad ee UDUB.

 

Shirweynihii koowaad ee ururka UDUB oo ka dhacay xarunta guddiga shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa 30 June - 7 July, 2001, wuxuu ahaa shirweyne leh muuqaalkiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed ee guud ahaan. Waxaana dad badina ku xusuustaan shirkaa sidii Xog hayihii xisbiga UDUB ee wakhtigaa Dr Abdi Aw-Dahir looga eryay Xisbiga iyo xilkii uu markaa hayay, ka dib markii uu damcay in uu isla soo sharaxo Dahir Riyaale Kaahin.

 

“Marka la eego sida dimuqraadiyada iyo habsamida leh ee uu dhacay Shirweynihii labaad Kulmiye, waxa ugu yare e nalaga filayaa hadii aanu nahayd Xisbul Xaakimka UDUB, waa  hirgalinta Shirweynihii labaad ee UDUB oo aanu u hirgalino si ka sareysa mistawihii ay Xisbiga Kulmiye ku qabsadee. Hadiise aan eego sida ilaa iminka wax u socdaan, waxa ay u egtahay in ilaa iminaka hadii aany nahay Xisbiga UDUB aanan dhabaheeda hayn sidii aanu ku fulin  lahayn arintaa”. Sidaa waxaa yidhi mar aan wax ka waydiiday sababta ilaa iminka UDUB aanay shirkeedii u qabsan, Cabdi Faarax oo isagu ah xubin kamida golaha dhexe ee UDUB.

 

Abdullahi Iiman Darewal oo isagu hore uga qabtay xilal Wasiirnimo oo kala duwan Xukumadii hore ee Cigaal iyo tan iminka ee Riyaale, ayaa lagu wadaa in uu jagada Madaxweynanimo isula soo sharaxo Madaxweyne Riyaale, marka la isugu yimaada shiwrweynaha labaad ee UDUB. Waxaana dad badani ku macneeyeen sababta ilaa iminka loo qaban la yahay shirka in ay ugu weyn tahay cabsida Madaxweyne Riyaale ka qabo in Abdilahi Darewal kula baratamo musharaxnimada Madaxweynanimo ee xisbiga UDUB.

 

Ilaa iminka ma jirto wakhti go’ana oo loo cayimay qabsoomida shirka,  taas oo xeerka xisbigu dhigayo in shantii sanaba mar la qabto shirweynahaa. Waxaana ay ku ekayd wakhtigaasi July 1 2006, oo iminka kasoo wareegtay labo sano iyo bil.

 

Mid kamida siyaasiyiinta ugu dhow dhow madaxweyne Riyaale, oo aan arintan kala hadlay ayaa ii sheegay in Madaxweynaha aanay qorshaha ugu jirin hirgalinta shir balaadhan oo UDUB taageerayaashisu isugu yimaadaan. Balse rajaynayo in madaxweynahu isugu yeedho hogaanka sare iyo madaxda gobalada ee UDUB, kuwaas oo iyagu soo dooran doona musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen ee Xibiga UDUB matali doona sanadaka 2009.

 

Sidaas darteed ma la odhan karaa marka aad eegto sida habsamida leh ee ilaa iminka Xibig Kulmiye u wato Shirarkiisa,  iyo sida UDUB u kala daad san yahay, in arinkani fasiraad ay ku qiimeeyaan ugu filan tahay mujtamaca Somaliland, ee iyagu kala dooran doona musharixiinta ka soo dhex bixi doona labadan Xisbi.

 

Somaliland.Org

Hargeisa, Somaliland

 

 

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra