OPINION

Mudanayaal, Madaxweyne aan Mandate haysan muumuus ka xayuubin Micno ma Samaynayso

Mudanayaal, Madaxweyne aan Mandate haysan muumuus ka xayuubin Micno ma Samaynayso

 

Wararkii shalay ka imanayey waxaa ku soo baxay baaq ka soo yeedhay koox ka tirsan Wakiilada Somalailand

 

Mudanayaasha doodda shalay ka qaybgalay oo tiradoodu ahayd 8 xildhibaan, ayaa waxa ay isku waafaqeen in Madaxweyne Rayaale yahay dambiile qaran, sidaa darteedna ay waajib distooriya tahay in maamuuska laga xayuubiyo, lagana qaado xilka uu ummadda u hayo, isla markaana lagu soo oogo dembiyo isugu jira dastuur-jebin iyo khiyaamo qaran.

 

8-da Xildhibaan ee isku waafaqay mooshinkan miyaanay dalka hore u joogin, eedaynta ay Madaxweynaha maanta u soo jeedinayaan ma wax cusub baa? Xagay ku maqnaayeen mudadii dheerayd ee Madaxweyanaha Somaliland dastuurka wadanka ku tmanayey.

 

Dhacdooyin badan oo tiro iyo xisaab beelay oo intooda badan qayrul dastuur ahaa ayaa ka dhacay wadanka. Muranno badan oo mar walba xaallad adag galla ayaa si isdaba joog ah uga dhacaayey wadanka.

 

Malaa waa ilowdeen dhacdooyinkan ee aan idin xasuusiyo qar a mid ah.

 

1.      Miisaaniyadii Wadanka wuu laalay oo laguma shaqeeyo.

2.      Commissionkii doorashooyinka ee khibrada lahaa ayuu eryey.

3.      Heshiisyada ay xukuumadu gasho oo aan wakiilada laga ansixin.

4.      Xukuumada oo aan qorsheheeda marnaba qeexin cidna kala tashan.

5.      Heshiiyada Muranada adag laga gaadho oo marwalba xukuumadu ka baxdo.

6.      Hanjabaadiyo xadhig lagula kaco shakhsiyaadka wadanka haybada ku leh.

7.      Awood xad dhaaf ah oo lagu isticmaalo shacabka, tusaale ahaan, tiknikadii dhakhtarka gashay, Mudaharaadkii Riiga, Qaraxyadii Hargeisa IWM.

8.      Xoolihii oo loo xidhay Nin keliya, Xisaab celisna laga ogolayn.

9.      Shidaalkii oo loo xidhay Total, Xisaab celisna laga ogolayn.

10.  Kaluunkii oo loo xidhay maraakiib ajnabi, Xisaab celisna laga ogolayn.

11.  Dekeda Berbera oo gebi ahaanba baayacmushtarkii uga wareegay Bosaso.

12.  Lacagta Togdheer oo marwalba bedelkeeda miisaaniyada lagu hadan laalan.

13.  Ciidamada Dalka oo aan wax derajo ah la siinin.

14.  Shaqalaha Dawlada oo aan Tiradooda iyo musharkoodu xisaab lahayn.

15.  Iyo dhacdooyin fara badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin.

 

 

Iyada oo aynu dhacdooyinkan oo dhan u soo joognay, nin beenin karaana aanu jirin, hadaba suaashu waxay tahay.

 

Yaa ka masuul ah in ay xukuumada la xisaabtanto oo dabarto?

 

Waxaa ka masuul ah in ay xukuumada la xisaabtanto Waajib qarann ka saran yahay.

 

·        Wakiilada Somaliland.

·        Xisbiyada mucaaridka ah.

 

Sidoo kale masuuliyad ayaa ka saran Shacabka Somaliland in ay ka biyo diidaan oo ka dhiidhiyaan falalka ay xukuumadu ku kacdo ee qayrul dastuuriga ah. Sahacabku waxay xaq u leeyihiin in ay ka mudaaharaadaan dhibaatada xukuumadu ku hayso iyaga oo aan nabada gelyada iyo amaanka wax yeelayn.

 

Xukuumadu waxay si fiican u deristay dhaqanka Shacabka, Wakiilada, iyo Axsaabta mucaaridka, waxay ogaatay in aanay sadexda group midna lahayn awood wax yeeli karta xukuumada isla markaana waxay go’aan ku gaartay in ay xukuumadu maroorsato awoodihii dalka oo dhan.

 

Hadaba sida aan ku bilaabay qoraalkayga Maanta oo Madaxweynaha mudadii xilka loo dhaariyey ka dhamaatay isla markaana aanu haysanin mandate madaxweynenimo, laakiin aynu qadarinayno heshiiskii ay wada gaadheen Mucaardka iyo Xukuumadu ee ahaa  in uu maamulka sii hayo ilaa March 2009, ka dibna doorasho dhacdo mudanayaal miyey haboon tahay in aad  soo hanbaabartaan saq dhexe oo wax waliba wakhtigiisii dhamaaday kuna hadaqdaan Aynu madaxweynaha xilka ka xayuubinno waa danbiile qaranne.

 

Waxaan idinkula talin lahaa xilkiinii kamaydun soo bixine ha is fadeexadynina ee iska aamusnaada inta la dooranyo.

 

  • Madaxweyne iyo xukuumad xalaal ah oo shacabku hwshooda u igmado.
  • Dawlad hoose, xalaal ah oo shacabku hwshooda u igmado.

 

Mudanayaal Mudada xilka idiinka hadhay dib isugu noqda oo qorshe aad ku shaqaysaan oo dastuuri la kaalaya.

 

 

Mahadsanidin

 

Abdirisaq Haji Hussein

London, UK

abdirisaqnur@gmail.com

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra