OPINION

Dilalnimo iyo madaxnimo mawada shaqeyn karaan reer uduboow

Dilalnimo iyo madaxnimo mawada shaqeyn karaan reer uduboow

 

Anigu waan fahmi waayey waxan reer udub ay wadaan nimankani horta waxa ay samaynayaan miyayna ufiirsan qaskan ay habeen iyo maalin wadaan  marka cid laga soo daayo ee mushkilad dhamaato tu kale ayey bilaabayaan imika waxan ay la yimaaden ayaaba ugu daran oo xoolihii yara ay hawada kusoo dilaalen hadab nimankani waa duni doon. waxay doonayaan inay maalin ku taajiran ,

 

Bal side bay u dhacdaa in xoolaha Somaliland inan yar oo caraba loo xidho muxuu yahay Al jabir maxaynu unoqonaynaase intii horaba sucuudigu waa kii xoolaha inaga xidhay hadana tijaarteena ayuun baa xoolaha dhoofinaysay in qiimo loogoyo waa khalad iyo in shiriikad looxidho dalka khayraadkiisa waxaasina waxay kasoo hor jeedan dumuqraadiyada iyo distoorkeena nimankan reer udub Ictiraafka ayey kasoo horjeedan waana niman aduunyadu madax martay waxaad ogaatan in Somaliland aan la ICtiraafayn inta ay qas kujirto iyaguna waxay doonayaan in mashaakil dhaco oo ayna qabsoomin doorasho hadii ay taasi dhacdana ICTIRAAFKII cirka kadaya oo waa carqalad waxaa yidhi  ururada udooda somaaliland  ICTIRAAFKEEDA sida ururka loo yaqaan (independent diplomat)ee uu madaxda ka yahay mr carne ross waa ururkii caawiyay Kosovo inay hesho ictiraaf waxay u diyaar yihiin inay caawiyan Somaliland waa bayna bilaabeen arintaas laakin shuruud ayaa ku xidhan oo waa in dumuqraadiyad buuxda laga helo reer udub hadaba madax weyne riyaale iyo jamaacdiisu wax maka dhageysanayaan aduun waynaha bal bilkale eega qofkale ayey soo xidhaayan nimankani waa bila maskax dalaaliin ah oo duunyo doon ah siyaasada waxaa loo gala sidii aad umadada wax ugu qaban laheyd ee xoolo loma galo balse nasiib daro inka waaba baayac mushtar iyo xoola doonimo wasiiradiisu waxay ku hadlaan waxay doonan shaqo ayna lahayna way qabtaan bal miyaanu wasiirka xooluh ismaqleyn markii uu kalahaa idaacada BBC qofkastaba wuxuu doono ha dhoofiyo isla usbuucina laxidhay hogaamiyihii ganacsatada xoolaha bilaa danbi lagana qaaday xoriyadiisii iyo sharftii u lahaa.

 

Waxaa weyaan marka hore Idiris shaqadiisa maha wixii wax kala iibsanaya isagu waa inuu xolaha dayac tiro horumariyo usameeyo meelo laga daweeyo. takale IDris miyuu ilaabay inuu mushaharkiisa ka qaato cashuurta reer Somaliland ee uu siduu dono ula hadlayo miyuu ilaabay in ay Somaliland madax kadhigtay oo uu ingiriiska qaxoonti ku joogilahaa waadigii xejisan waayey dhibaatadii qaxoontinimad ee markii ay Somaliland cirka ku gaysay ha ku kibrin walal .ogow waa in ay reer yurub kugu aamini wayen aydooda shaqada ugu sharafta badan eed qaban lahaydna ay tahay inaad islaamaha u turjunto ama waashman iyo xamaal hadab bal cajalad dib uyara rog oo xasuuso noloshadii Cardiff iyo tan maanta aad ku noolshay wali asxaabtadii mafrishyadii ayey fadhiyaan hadaba ha ku wacad furin Somaliland ee dalka wax u qabo ogawna dadkaagu inay ku nool yihiin nolol adag oon guryaha qaar badan laga shidin dabka gaajona loogu macaluulayo wadankeena aad adiga iyo reer udub raqaysaan xoolahooda ictiraafkana kahor joogtan oo maalin walba samaynaysaan sidii umada wada dhalatay las iskaga hor keeni lahaa reer udub iyo riyaaale waa abaal lawayaal .

 

Diblomaasi madax buu ahaa

Waayadii hore manan iyo

Dilal bay noqden madaxdii

Reer udub malab iyo macaan

Bay rabaan midho aduunyad

Meelshii macaash jiro

Iyagu waw maleegtane

Maanta Idris baa horsocda

Meesha Xasanoow muruq

Iyo tab bay malayaan

Maandhe Axmadoow

Maalkeni bay siinayan

Ninkale mudane xaashow

Murugada maseexdee anigu

Waan layaabaye mashoqo iyo

Dhibay mosayaan geesi Cabdiyow

Miyirkiyo wanaaga waxtara

Oo la mahadshaaye miyaan

Muran kunolanaynaa tan

Iyo maal mihii horaba

Ma mawlaa inoo qoray

Inaka manshe gaajadana

Mise ina riyaala watiyo

Maamul reer UDUB

Macno male aduunye

Miyay ummada dhawraan

Musuqiyo xumaantiyo

Xadhiga miyay manta jojan.

 

Raga magac yadoodu ku jiro gabayga waa

1)mujaahid Xasan ciise jaamac

2)mujaahim Axmed maxamed siiranyo

 3)mujaahid cabdi raxmaan aw cali

 4)mujahid ENG maxamed xaashi

5) Idris wasiirka xoolaha Somaliland

 

Nasir xaaji ciise (ina geeljire )

Cardiff uk

 nasir_issa@hotmail.co.uk


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra