OPINION

Sheeko: Hanad iya Dayro

Sida aad ogtihiin dhaqankeennu wuxuu ku salaysnaa miyi. Waxaa soo raacay beeraley. Reer miyigu wuxuu ahaa xoolo dhaqato, magaaladana waxay ka bilaabay beeralayda. Qoys kasta oo xoolo dhaqato ah carruurtoodu marka ay hana qaadaan Waxay ku eegi jireen qof kastaa inuu barto raacista xoolaha iyo waraabinto xoolaha iyo sahaminta qoysnimo iyo soo ilaalinta meel tayo leh oon dulin lahayn, dulinkaas oo ahaa cayayaan cuna dad iyo duunyaba..Markaa wiilkii ku fillaada arrimahaas aan soo sheegnay waxaa la odhanjiray Hanad waliba waxaa u dheeraa ninkaa Hanad inuu barto dhaqamada beelaha oo dhan iyo xeer hoosaaddada qabiilooyinka iyo inuu tago geedka taladu taallo ee looga arriminayo qabiilkooda. Markaa kolkuu ka adkaado intaas oo arrimood wuxuu la magac baxaa Hanad, ninkaas baana hanta talo iyo duunyadii miyiga.

Waxaa intaa soo raaca wiil ay hanad walaalo yihiin oo ka soo bixi waaya intaa aynu soo sheegnay. Wuxuuna la magac baxaa Dayro oo waa la dayriyaa ama la eryaa. Markaa la eryo ama la dayriyo wuu ka tagaa beeshii, wuxuuna u sodcaalaa meeshii uu safarkoodu tagi jiray oo ahayd beeralaydii ay xoolaha kaga soo beddelan jireen raashinka oo loogu yeedhay magaalo. Marka uu tago meeshaas magaalada la yidhaahdo wuxuu sii qaataa xadhig iyo budh ama geed la qoray, wuxuu ka tagaa meel magaalada ku taal oo la yidhaahdo saylad ama meeshii wax laysku dhaafsan jiray. Markaa wuxuu wax u kala faasaxaa ama u kala iibiyaa safarradii ka yimi miyiga ee wadey xoolaha nool, doonayeyna raashinka u baxay beeralayda. Markaa ninkaa la magac baxay Dayro ee laga soo eryey miyigii wuxuu ku ilbaxaa sayladdii ama ku can baxaa sayladdaa, wuxuuna noqdaa nin u dhexeeya reer miyigii iyo beeralaydii. waqtigaa ay bilaabmaysay magaaladu ayuu la jaan qaaday ninkii la odhan jiray Dayro. Waxaa markaas la bilaabay in beeralaydii xoolihii dibadda u dhoofiso, si ay u heelaan ascaar ka badan intay ka helayeen beerahooda. Markaa waxaa u furmay suuq ninkii Dayro la odhay jiray ee laga soo dayriyey miyigii.

 

Dayro wuxuu noqday nin degaan ku ah magaalo oo laga barto. Dabadeed wuu ka guursaday, wuxuuna ku dhalay carruur badan. Dayro iyo carruurtiisuba waxa ay gaystaan waxaa loo tagaa ama loo doontaa Hanad oo walaalkii ah, kuna nool miyigii.

Dayro waxaa looga taliyaa miyiga. Dayro carruurtiisii wax bay wada barteen. Halka Hanad iyo carruurtiisii ay bartaan dhaqanka iyo sida xoolaha nool loo raaco. Dayro carruurtiisii waxay heleen fursad ay u tagaan jaamacado dibada ah oo laga yaabo in gumaysiguba uu wax ka dhigayey iskuulladaa ay ku jireen, una qaaday dibad. Markay ka soo qalin jabiyeen jaamacad waxay ku soo noqdeen waddanka oo uu dadku u kala soocmeen miyi iyo magalo.

 

 

Waxay yidhaahdeen Dayro carruurtiisii markay ka soo noqdeen dibadda, waxna soo barteen, aabbo annagu wax baannu soo barannay, laakiin ma naqaanno dhaqankeenna oo adaa yaqaan, annaguna aannu samayno wax la yidhanahdo dawlad. Balse haddaba Dayro ma yaqaanno dhaqan, mana soo fadhiisan geed, lamana yaqaanno oo waatii miyigana waa laga soo erey ee laga dayriyey. Si kastaba ha’ahaatee taladii Hanad hayey ee miyiga taallay waxay u soo wareegtay magaalo. Wuxu la talo noqday Dayro iyo carruurtiisii, dabadeed waxaa cayn wareegay hanashadii iyo xejintii xoolaha iyo talada iyo dhaqankii miyiga, sidaa darteed Soomaalidu waxaa ka lumay dhaqakii iyo taladii soo jireenka ahayd ee miyiga, waxaana u raacay adduunyada oo gabaabsi ah, mana laha beero ku filan iyo badrool iyo wax ay dhulka kala soo baxaan sida macdan iwm. Waxayna noqotay iska dabo wareeg aan madax minjo lahayn, waxaana hanaddada ka hadhay caaqillo iyo suldaanno iyo boqorro kuwo la magac baxay oo aan dadka iyo dhaqankiisa ku xidhnayn oo haddana wax la waydiiyo ama talada haya, wax hagaagayaana ma jiraan ilaa intay talinayaan Dayro iyo carruurtisu, Hanad iyo carruurtiisana aan waxba la waydiinayn, kamana wada talin karaan laba maamul waddan, labadaas oo ah dhaqanka soo jireenka ahaa ee lahaa xeerarka ama sharciga Soomaliyeed iyo dawlad sharci kale leh oo ay hoggaaminayaan dad dhaqammo dibadeed iyo shuruuc kale wataa.

Qalinkii Cabdirisaaq Harraadane

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra