Maxaa ka jira is-casilaada Warancade? Wacdarihii Madaxweyne ku xigeenka iyo shirkii shalay ee Golaha Wasiirada

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay shir ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland,   kaasoo daba socday shir aan caadi ahayn oo Wasiiradu 20-kii bishan yeesheen.

Shirkan Golaha Wasiirada oo uu gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa la sheegay in Goluhu si weyn ugaga dooday Xaalada dalku marayo wakhtigan, hase ahaatee, khilaafka ka taagan dhoofka Xoolaha oo warar hore u soo duulay ay sheegayeen in xukuumadu si weyn uga qaybsan-tahay, Islamarkaana lix ka mid ah Golaha Wasiirada iyo  Madaxweynuhu ay difaacayaan   ayaa la sheegay in kulanka shalay Madaxweyne ku xigeenku ka badheedhay, Islamarkaana uu si toos ah u difaacay go’aanka xukuumadu kootada ugu xidhay Ganacsade Al-jabiri. Ilahaa aanu soo xiganay waxay intaa ku dareen in Dhawr wasiir oo isku dayay in ay miiska keenaan muranka ka oogan dhoofka Xoolaha Madaxweyne ku xigeenku ka hor joogsaday, Islamarkaana uu ka dalbaday in la raaco go’aanka Xukuumadu arrinkaa hore uga qaadatay, taasoo keentay in halkaa lagu dhaafo. Iyadoo dibna loogu balamay in kulan danbe la isugu soo noqdo.

Warar la xidhiidhka khilaafkan arrinta xooluhu ka dhex kicisay Golaha Wasiirada oo shalay gelinkii danbe la isla dhexmarayay ayaa sheegay in Wasiirka Duulista iyo hawada Cali Maxamed Waran-cade oo ka mid ahaa Masuuliyiintii sida weyn dejinta arrintan uga hawl-galay, Iskuna jiidayay Xukuumada iyo ganacsatadu uu iska casilayo Xilka Wasiirnimo ee uu ka hayo Xukuumada Madaxweyne Rayaale, hase ahaatee, ma jirto cid xaqiijisay arintaasi. Dhawr jeer oo aanu isku daynay inaanu Wasiirka wax ka weydiinana ma ay suurta-gelin inuu naga Qabto Telefoonka.

Dhinaca kale, afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa kulanka shalay ee Golaha Wasiirada kaga waramay warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeedkaasina waxaa uu u dhignaa sidan: “Shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay xarunta Madaxtooyada Maanta (Shalay) oo Axada oo taariikhdu tahay 27/07/2008, shirkaas oo uu gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , oo sii ambo qaaday shirkii hore ee Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Madaxtooyada 20-kii Bishan.
Shirkaasi Golaha Wasiirada waxa lagaga dooday xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadeed ee inagu xeeran.

Waxa shirkaasi Wasiiradu ay si qoto dheer u lafa gureen arrimo ay ka mid yihiin:
Adkaynta Nabad gelyada , Fulinta Maamulka adeegyada gobollada  iyo ka hor taga Budhcad badeedka.

Waxa kale oo shirkaasi uu si balaadhan uga dooday sidii loogu tabaabushaysan lahaa xaalada roob yaraantii gu’ga oo keeni karta abaaro.

Haddaba shirkaa Wasiirada ee Maanta qabsoomay , waxa uu daba socdaa go’aankii ay Golaha Wasiiradu ku gaadheen in ay isugu yimaadaan fadhi gelinka dambe toddobaadkiiba Maalin, si ay u laban laabaan hawshii ay Qaranka u hayeen, waxana fadhigani uu noqon doonaa mid aan saamayn ku yeelan fadhigii caadiga ahaa ee golaha Wasiiradu ay isugu iman jireen maalin kasta oo Isniin ah oo sidiisii aan waxba iska bedelin.”

Source Ogaal


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra