Gabay: Dahabshil Dushasare Kunolow
Mansadan Lamagac baxday,DAHABSHIL DUSHASARE KUNOLOW,oo sobaxday 7/20/08 waxana sabab u ah goor galab ah oo aan safar ka imi ayan Interneydka Boga HADHWANAAG Yara furey warka igaga soo baxay oo ahaa Dahabshiil oo Deeq rashina dalkii iyo Dadkiiba gaadhsiiyey,iyadoo wakhtiguna aad iyo aad u adkaa macishaduna gababsi noqotay dunidoodhan sixirbararna afeeyey werwerbada jiro meel walba..
Dahabshil Dushasare kunolow
Somalo Dayacano
Matadu Darjiiftahay
Dayradhaafka jiilaal
Dockastaba haratiyey
Duunyada laracaa
Sii Dabar go,ayaan
Siyasiguna Dardaarwerin
Deelqaf kusii darey
Deeq bixiyayasha
Dawladaha Aduunka
Darajada lahanjirey
Dirqibay ku kenan
Inta Danka loocuno
Dayinka waxbixiyee
Darajada ilaahay
Iska Doonis mahee
Wa ciduu Udoortaa
Ducaqabe ladoorto
DAHABSHIIL labaxayo
Dirano Layablaa
Dunida intuu Xuley
Daqiiq iyo Bariis badan
Dahabshiil Kuqoran yahay
Dushoodii intuu raray
Marakiibtu Doonyaha
Damashad sidoodii
Sii wada dabasheen
Dekedaha intuu dhigey
Direy danabyadisii
Door ronayashii
Kuwii Dacada ahaa
Danyar Iyo Masakin
Deeqsiya Wadayidhi
Doorba waa haldoore
Daladii Islamkiyo
Diintay Kutalaa
Diridhabana so weri
Doorkii Asxabta
Dihaalku dheraa
Cismankii Ladoortay
Ducadii ajiibyo
Deeqsiyay Matada
Dacadan Kudhartee
Dadku wa Usimanyahay
Mayaqan Dirsocoo
Dadkisaad ka Garataa
Dankastoo Timadana
Duufaan Abaraha
Deeq buu Ku bixiyaa
Debeda iyo Gudahaba
Danyartii kunooleyd
Wey kuu duceyeen
Dariqi Rasulkiyo
Dawgii Asxabtaad
Darajada Ku Gaadhe
Wanu Ku Duceynee
DAHABSHIIL Kunolow
Ana gabeyga Dahabshiil
Darajana Kamanrabin
Cisman Dakirban ahay
Daljirweye Mansado
Doorba waxan amana
Kii Dacada udhow
By.Osman Mahamoud x abdi
Columbus ohio




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday