OPINION

Reer Sheekh Isaxaqow Aayahina Ka Tashada

 

REER

SHEEKH ISAXAAQAW AAYIHIINNA

KA TASHADA

Anigoo ka damqanaya arrimahan dadkeygii iyo dalkeygii ku habsaday, sida:

-Dhallinyarada dhagta dhiigga loo daray ee ku naf waayey
-Cuna qabtaynta dhaqaale ee shacbiga lagu hayo
-Xadhiga xaq darrada ee muwaadiniinta loo geysto
-Boobka hantida umadda ee sidii la doono loogu tagri falayo
-Magacii SNM ee Somaliland dhalay oo la tirtirayo
-Mujaahidiintii SNM ee halgankii ku naafoobay oon la daryeelin
-Agoontii mujaahidiintii shahiiday oo agtiina ku gaajoonaya
-Kuwii idin xasuuqay ood ka dhawaysateen Mujahidkii soo halgamay
-Idinkoo dhexdiina layska hor keenayo laysuna adeegsanayo
-Qabyaaladda , nin jeclaysiga , necaybka dhexdiina laga abuuray iyo arrimo runtii naxdin iyo sharf darrabo leh oonan rabin Inaan halkan kaga faalloodo.Waxaan Reer Sheekh Isaxaaq meel walba ooy joogaanba gudaha iyo dibadaba u soo Jeedinayaa, codsi walaalnimo iyo wada dhalasho Intaba ah , oon leeyahay Reer Sheekh Isaxaaqaw Tashada.

Xaqiiqada marka laga hadlo, Umadda Reer Sheekh Isaxaaq waa ummad aad u balladhan, kana dhasheen :-Geesiyaal magac weyn ku leh dalka iyo dakaba
-Aqoon yahanno aan tiro lahayn oo cilmi nooc walba heer ka gaadhay
-Maal qabeeno waaweyn oo adduunyada meel walba ku sugan
-Culima u diin waaweyn iyo musheekh
-Suldaanno, boqorro & odayaal taliya

Ummad tiro lagu qiyaasana ma nihin oo ilaahay mahadi ha ka gaadhee, tafiirteenii Ilaahay wuu badiyey. Haddaba Intaas oo nimco ah,oo Ilaahay Inna siiyey, miyeyna ayaan darro iyo wax laga damqado ahayn xaaladda ay ku sugan yihiin shacabkii soo jihaaday ee qaxootinimo , xasuuq , burbur, kufsi , dil ,rafaad,u soo dhammaaday, naf iyo maalna u soo huray dalkan.

Akhristaw bal mid kalana aan ku ogeysiiyee ,jiritaanka ,aqoonsiga , karaamada iyo sharafta Somaliland cid dan iyo muraad ka leh ma Jirto reer sheekh Isaxaaq mooyaane .Taasina waa mid Iska cad oo ninkii In uun caqli lihi wuu la socdaa halka arrin marayo. Mid kalana ku darsoo, yaa umaddan u soo gurmaday markii la rabay In Isirkooda la tir tiro.Jawaabtu waa Ilaahay mooyaane cid Reer Sheekh Isaxaaq u soo gurmatay ma jirin.

Haddaba waxaan u soo Jeedinayaa, umadda reer sheekh Isaxaaq, saddexda xisbi qaran ee dalka ka Jira , UDUB, UCID iyo KULMIYE, In ay dhexdooda tashadaan, oo qabyaalada ka fogaadaan, oo Lix Nin oo reer sheekh Isaxaaqa , cilmi leh, karti leh , caadilo ah , oon gobol hebel iyo reer hebel loo eegin , u soo xulaan jagada madax weynaha iyo madax weyne ku xigeenka.Ka dibna umaddu doorato labada qof iyo xisbiga ay hogaanka dalka ku aamini karayaan ee dalkan iyo dadkan ka bad baadin kara dhibaatada ku keli yaysatay. Haddii aan taa yeeli weyno, oon

dhexdeenna tashan weyno, Somaliland danbe waa la Is weydiin, dulmi iyo xasuuq baanan qacmaheenna ku dooranaynaa !!!

Anigu waxa goaan kaygu yahay , ninka reer sheekh Isaxaaq ee dulmi iyo xasuuq loo geysto, Inaan loo arag gobolkuu yahay iyo yuu reer hebel ka sii yahay , ee waa In loo gurmado ooy noqoto dakhar reer sheekh Isaxaaq oo dhan gaadhay.

Waxaan ka damqanayaana waa Waar Indhihiinna iyo caqligiina ka shaqaysiiya oo garta halka la idinku wado intay goori goor tahay.Midda kale een rabo Inaan tilmaamo waxay tahay, waar qabyaaladda dhexdiina lagu kala fogeynayo, nin jeclaysiga, kana Ina qudhac,kanaa In galoola,kanaa In dhaameel ah, ka waantooba , oo magaca Reer Sheekh Isaxaaq wax ku goosata, sharaftiisana kor u qaadaMidna xasuusnow , oo hore ayaa loo yidhi:

” GUN NIMO DHEREG LEH , GAAJO GOBANIMO LEH BAA DHAANTA “.
Akristow , waa kugu waajib Inaad fariintan gaadhsiiyo guud ahaan umadda Reer Sheekh Isaxaaq , saxaafadda qaranaka, saxaafadda madaxa bannaan, xisbiyada qaranka madaxdooda iyo golayaashooda dhexe Intaba. Waxaanan ku soo gunaanadayaa qoraalkan,Umadda Reer Sheekh Isaxaaq Ha Tashato.Waxaan kaloon kaa codsanayaa akhristaw, Gabaygan oo Ilaahay Janno fardawsa ha ka waraabiyee,uu tiriyay gabayaagii weynaa ee Somaliland ,Cabdillahi Suldaan Timacade, oo uu ka gabyayey dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay If iyo aakhiraba, Inaad ila dhageysato , aadna u dhuuxdo , waxna ka kororsato

Ilaahay waxaan weydiisanyaa In Ilaahay talada noo roon na wafaajiyo, oo dadkayga iyo dalkayguba cisi, sharaf, aqoonsi caalami ah iyo horumar gaadho.

Source:Mujaahid Maxamed cali , Longlivesomaliland.com

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra