Ha la aqoonsado Somali-land
Afduubkii ninkii iswidhishka ahaa Ulf Flink ayaa dad badan indhaha ku kala qaadeen cadaabta ka jirta Somalia. Qaramada midoobay (UN) waxay tilmaantay xaalka Somalia inuu ka daran yahay Darfur (Sudan). Dagaalka Somalia wuxuu socday mudo ku dhow 20 sanadood. Waa cadaab aan dunidu dan ka lahayn. Dhowaan waxaanu booqanay waqooyi galbeedka Somalia, Waa qayb ka go´day wadanka intiisa kale oo ah Somaliland.Dadka reer Somaliland iyaga oo ka soo daalay dagaal iyo rafaad ayay go´aansadeen inay ku dhawaaqaan madax banaani 1991 ka dib markii dawaladii Somalia burburtay.
Weli Somaliland wadana aqoonsi muu siinin. Taasina waxay keentay inuusan wadanku helin cid maal gelisa inkasta oo wadanku leeyahay macdan iyo khayraad badan. Dhalinyarada reer Somaliland wax mustaqbal ah uma muuqdo. Wadanka way ka qaxaan, kumanaan kun waxay ooda jeexaan saaxarada iyaga oo u jeeda xeebta Libiya. Inta aan nafta ku beelin saxaaraha waxay naftooda ku biimeeyaan mukhalisiin iyaga oo ku guraya qaxootiga doonyo aan ku filnayn oo ku jiheeyaan yurub – badidoodu naf kuma soo gudbaan ee meesha ayay ku dhintaan. Somaliland waxay leedahay dad badan oo dibeda ku baahsan (qurbojoog) oo cilmi sare leh oo doonaya inay dalkooda hooyo dhisaan.
dhowr doorasho kuwaas oo ajinabiga goobta joogay ku tilmaameen inay doorashooyinkaasi ahaayeen qaar dimuqraadi ah. Ururka isbahaysiga Afrika waxay xaqiijinayaan inay Somaliland buuxinayso shuruudaha madaxbanaanida. Dhowr wadan oo ka mid ah ururka isbahaysiga Afrika, oo iyagu ah diktatooriyiin, ma doonayaan inay arintaas wax ka maqlaan iyaga oo ka baqaya in dhibaato wadamadooda kaga furanto. Siyaasada cusub ee Iswidhan ee wajahda Afrika waxay ka ambaqaadaa in dimuqraadinimada, maal gelinta iyo xidhiidhka ganacsiga intuba ay lagama maarmaan u yihiiin horumarka.
inay taageeraan dimuqraadinimada, xuquuqda biniaadamka iyo xidhiidhka ganacsiga ee geeska afrika waa inay dawlada iswidhan xooga (cadaadis) saartaa ururka isbahaysiga Afrika si ururku u sameeyo habkii/dariiqii Somaliland ku gaadhi lahayd madaxbanaanida. Somaliland oo u halgamaysa dimuqraadinomo waxay guur khasab ah kula jirtaa Somalia oo dagaal faraha kala bixi wayday. Hadii dagaalka Somalia mustaqbalka dhow dhamaan waayo waa macquul in laga xaajoodo isfuritaan (kala tag). Siyaasiyiinta reer Somaliland ee aanu la kulanay kaalmo dhaqaale ma baryayaan. Waxayse rabaan inay shacbigooda siiyaan rajo ah nolol tan dhaanta.
Secretary General of Liberal Women of Sweden
Swidhish international Liberal Center




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday