TACSI: Amran Haybe – Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)

Tacsi ku socota Xasan Humbus iyo caruurtiisa

 

INNAA LILLAAHI? WA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN

Anigoo ah dadkan adan aydiid abdi faysal mohamed mohamed mohamed suldaan qodax yusuf abdi diiriye c/rashid c/raxman ali ardo salad awil muuse oo dhamaantooda kal jooga wadan uk waxaanu Tacsi u diraynaa, Odayga caanka ah Hassan Ahmed Geddi, anagoo ka tacsiyaynaya Geerida naxdinta leh ee ku timi Xaaskiisii oo maanta ku geeridooday Magaaladda LONDON.

Waxaanu tacsidaas toos ugu diraynaa qoyska Hassan Ahmed Geddi, caruurtiisa iyo qaraabadii ay ka baxay Marxuumaddu, waxaanan ilaahay uga baryayaa, inuu janadii Fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo Iimaana ilaahay inaga siiyo.

 

AABO MOHAMED OMER HUSEIN AUSTELIYE  HOOYO ASHA ARALE DAHIR IYO CARUURTOODA O KALA AH NIMCO H. OMER , NASRA H. OMER , NASIR H. OMER , ABDIRAHIM M. OMER , OMER M. OMER , ABDIKAREM M. OMER , ABDIRISAQ M. OMER IYO SEKEREIYE M. OMER DHAMAAN DADKAAS OO KALA JOGA DALKA GUDAHIISA IYO DABADIISA WAXAY TACSI TIIRAANYO LEH HAWADA U MARINAYAAN CALI MOHAMED OMER AUSTELIYE OO AY KA TACSIDAYNAYAAN GERIDII KU TIMID HOOYADII AMRAN HAYBE OO SHALAY KU GEEERIYOOTAY WADANKA ENGLAND GAAR AHAAAN MAGAALADA LONDON , WAXAAAN LEENAHAY ILAAHAY SAMIR IYO IMAN HA INAGA SIIYO DHAMAANTEENBA , MARXUUMADANA WAXAAN ILAAHAY UGA BARYAYNAA INUU JANNADA KA WARAABIYO.
 
 
AAAMIIN

 

” INNA LILLAAH WA INNA ILAYHI RAAJUCUUN “Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud ‘Siilaanyo’  isaga oo ku hadlaya magaciisa ka golaha dhexe ee xisbia,  magaca tageerayaasha xisbiga Kulmiye  iyo ka qoyskisaba  waxaa  uu halkan  ka tacsiyadaynayaa  Xasan Axmed Geedi ( Xasan Humbus )  oo  xaaskiisii Marxuumad Amran Haybe maanta oo bishu tahay July 23,2008 ay ku geeriyootay magaalada London ee dalka Ingriiiska.

Waxaa uu gudoomiyuhu ILLAAHAY uga baryayaa marxuumada in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, Xasan Axmed geedi ( Xasan Humbus ), caruurtii marxuumadu ifka kaga tagtay, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtiiba inuu EBBE samir iyo iimaan ka wada siiyo.  Aamiiiin

 

 

INNA LILLAAH WA INNA ILAYHI RAAJUCUUN

Dhamaan Dadkan Hoos Ku Qoran oo kale Degan London iyo Cardiff Waxay Tacsi u dirayaan  Xasan Axmed Geedi iyo Caruurtiisa, Casha Haybe Ismail iyo Caruurtaada, eheladii iyo qarabaadii ay kay baxayday  Marxuumadu  Amran Haybe Ismail  maanta oo bishu tahay July 23,2008 ay ku geeriyootay magaalada London ee dalka Ingriiiska.

Waxaan ILAAHEY  Marxuumda uga baryaynaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu ku manaysto janadiisa Fardowsa, dhammaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

 

Khadija Jamac Said iyo caruurtaada

Amina Jamac Said iyo caruurtaada

Qamar Cabdi Muse iyo caruurtaada

Farhiya Cabdi Muse iyo caruurtaada 

Cabdi Nour iyo Xaaskiisa iyo caruurtooda

 

Yasmin Mohamed Warsame (UK)

 1.Reer Caydiid Lafcanbe
2.Reer Axmed xaji Cabdillahi (Xasiish)
3.Rerer Yaasiin xaji Cabdillahi
4.Reer Siciid Cilmi
5.Reer Cismaan Axmed
6.Reer Ismaaciil Askar
7.Reer Cabdillahi Cabdi( Mataan )
8.Reer Cabdillahi Maxamed
9.Reer Cawil xaji Cumar
10.Reer Cali Xaji Yusuf
11.Reer Cumar Ysiin
12.Reer Maxamed Xasan (abu xadiid )
13 Reer Cabdillahi Nereere
14.Reer Adan Sulub
15.Reer Cali Xuseen
16 Reer Deeq Cali
17.Reer Cabdillahi Beergeel
18. Reer Xaji cumar Cabdi
19. Reer Cabdi Jamac Xasan

Waxaanu halkan tacsiyad uga diraynaa dhamaantayo geerida ku timid marxuumad Amran Haybe oo ahayd xaaskii xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus) Waxaan dhamaantayo marxumada ILLAAHAY uga baraynaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo , xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus ) Ilma xaji Xasan Axmed (Xasan Humbus) reer Haybe, ehelkii , qaraabadii iyo asxaabtii marxuumadu ka baxdayna in uu ILLAAHAY samir iyo iimaan EEBBE ka wada siiyo Aamiin.

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada

INALILAHI WA INA ILEYHI RAAJICUUN
 
WAXAAN TACSI U DIRAYAA HASSAN AHMED GEDI IYO MOHAMED ABDI GEDI IYO CARUURUTOODA OO AAN KA TACSIYADEYNAYAA GEERDII KU TIMI XAASKII HASSAN  AHEMD GEDI. ILAAHAY MARXUUMADA HA U NAXARIISTU EHELIYADEEDANA SAMIR IYO IMAAN HA KASIIYO.
 
 
SAEED MOHAMED ALI
 
ABU DHABI


TOP