OPINION

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

 

                   Sida aynu la soconay xisbiga kulmiye wuxu sanadkan Bilowgiisii                               (29-31March2008)  u qabsoomay shirweynihiisii 2aad  oo lagu soo doortey Hogaanka Maanta Jira gudoomiye Iyo Gudoomiyaayaal ku  kuxigeeno oo ah saddex gudoomiyayaal oo cusub.

shirweynihii labaad ee kulmiye ee dhamaaday ayaa hogaanka cusub ee xisbigu waxay aheyd inuu bil gudaheed ku qabto shirkii labaad ee golaha dhexe taasi oo runtii noqotey mid aan dhicin una suurto galin waqtigii la filayey duruufo jira awgood ,iyadoo waqtigan ay haboonatay iminka

 

 

 

 

Iyadoo iminka lagu dhawaaqay waqtigisii

.

Tartankii jagooyinka madaxwaynanimada iyo madaxwayne-ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmiya u bilaabmaya  iyadoo ay doorayaan golihii Dhexe Kulmiye

shirkii Golaha Dhexe ayaa isagu Magaalo madaxda “2aad  ee Burco ka dhacaya 29 Bishan July 2008 iyadoo ay qabanqaabadiisii socoto oo gebogebo tahay, Shirkan ayaa wakhtigiisii  ku socda, si wanaagsana hawshiisu way u socotaa,iyadoo ay  iska jiraan dabcan waxyaalaha  yar-yar marka hawlahan la galayo yimaada ee Xisbiga dhex-diisa ah ahna wax iska caadiya.

 

 

 

Iyadoo Xeerku Ogolyahay in goob kasta oo Somaliland ah  lagu qabankaro shirka /kii hore Hargeysa Caasimada Somaliland iyo Kan oo Lagu Qabanaayo Caasimada 2aad Somaliland

 

Iyadoo ay Magaalooyinka Somaliland isku mid yihiin, isla markaana Magaalo kasta lagu qaban karo shirarka Axsaabta Qaranka ,Burco waa magaalo weyn Xisbiguna taageerayaal ayuu ku leeyahay sida Hargeysa,Gebiley,boorame,Berbera iyo kuwa kale ee Somaliland uu taageerayaal badan ugu leeyahay, Guddida qaban-qaabadaana  ayaa  soo jeediyey oo isku wada raacay in Shirka Burco lagu qabto.

 

Goobta maanta lagu qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo runtii ah goob muhiim ah isla markaana lagu soo dooranayo musharaxyada madaxweynenimada iyo kuxigneenkisa oo la sheegay inay noqon doonto magaalo madaxda G/Togdheer ee Burco oo runtii ah meeshii loogu  wanqalay Somaliland dhidibadana loogu soo taagay, waxan ilaahey ka rajeynayaa inay noqon doonaan musharaxyada maanta laga soo dooran doono madashaasi kuwii dalka iyo dadkaba horamar gaadhsiin Doona.

 

Iyadoo  tartanka Xisbiga Kulmiye yahay  mid furan oo lawada dalacanaayo iyadoo  Waxa lagu kala baxayaana uu yahay  codkaa Golaha dhexe oo aanu ahayn Xoog.

 

Iyadoo la faray Muwaadinkii Doonaya Xisbiga dhexdiisa inuu u tartamo Musharaxnimada jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga ee uga qayb galaya Doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 29/3/2009, in uu soo xareeyo CV-Giisa iyo Arjigiisa, kuna soo hagaajiyo guddida qaban-qaabada muddo toddoba maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa 14/07/2008, kuna eg 21/7/2008 oo ah Berito Isniinta , waxa jirta qaybo ka mid ah shuruudaha Guddida qaban-qaabada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo rogeen Xubnaha u tartamaya Musharaxnimada Xisbiga ee Madaxweynaha  qadar lacag ah oo uu qadimayo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo laga rabo isna qadar lacaga oo isna uu qadimaayo .


Jagada musharaxnimada madaxwaynaha iyo ku/xigeenkiisa ee xisbiga Kulmiye waxaa la ogaanayaa si dhabta ah maalinta shirka bilaabmayo 29/07/08  Musharaxiinta u  tartamaysa oo shuruudaha Musharaxnimada Buuxisa oo waqtigaas la  shaacin Doono Muwaadiniinta uu damacu ka hayo Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne/ku/xigeenka ee Xisbiga.

 

 

Iyadoo la filaayo Siyaasiyiin  Miisaan weyn oo caana  inay badka yimadaan sida tartanka ka muuqata ,iyadoo jagada Madaxweynaha ay u Sharaxan yihiin Dhowr Musharax ayaa  halka jagada musharaxa madaxwayne ku xigeenkana waxaa badi u sharaxan Muwadiniin ka soo jeeda  gobolka Awdal oo dhamatood midkastaa leeyahay tageero igu filan ayaan ka haystaa Xisbiga gudihiisa in aan guuleysto , iyadoo uu ii  sheegay Musharax reerawdal ahi  in ay ku haboontahay ama ay noqoto jagadani(Madaxweyne/Ku/Xigeenku) mid ku haboon inay ku soo baxaan G/Awdal si bay yidhahdeen isudheelitir igu yimaado madaxtinimada Xisbiga Iyo Somalilandba lakiin maalintaas uun ay guushu cid raaci doontaa ,halka ay u badato aqlabiyada Golaha Dhexe .,madxweyne kuxigeenka iyo madxweynahaba waxaa xaq u leh kolba cida la doorto hadey doonan walaalo ha ahaadaan.

 

Iyadoo mudanayaasha  golaha dhexe ee codkooda dhiibanayaa ay xooga  saarayaan  sidii loo soo saari lahaa musharixiin hanan kara islamarkaana kasban kara  kalsoonida Bulshada Somaliland  lagu aamini Karo Qarannimadaa iyo isu soo dhawaanshaha Bulshada Kala firidhsan  iyo sugida xuduudaheena   iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland  ee sicirbararku aafeeyey iyo Jawahareerka siyaasadeed.

 

Golaha dhexe waa in ay ugu  faa’ideyaan Umadda Somaliland inay doortaan Siyaasiyiin hanan kara shacabka Somaliland ,Midnimadoodana ka shaqaynkara,  hormarna  gaadhsiin kara, kalsoonida shacabka hanan kara, sidaas ayaanay  guul ugu soo hooyan kartaa kulmiye Iyo Somalilandba.

 

 

Iyadoo  Shirweynihii 2aad ee Kulmiye ee hore uu aad u balaadhnaa, uuna si wanaagsan ku dhamaaday , wuxuuna  ahaa mid guushiisa ummada iyo dunida oo dhami wada arkaysay una soo  hambalyeyeen,

Iyadoo aan mugdi ku jirin in Qaybta “2aad ee Shirweynahan Kulmiye ee Bilaabmaya 29/07/2008 uu ku dhamaandoono si aad u fiican. “Insha alaah”

Iyadoo Shirkana ay  rajadiisu tahay mid aad u sareysa .

 

 

                                           - ALLAA MAHADLEH-

 

 

Adan Yuusuf Cilmi Birmingham UK.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra