Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…
MADAXDA UDUB IYO UCUD OO KU FASHILMAY, IYO KULMIYE OO ASIIBAY!
By Maxamed Haaruun
Anigoo ah muwaadin Reer-Somaliland ah, kuna dhaqan wadamada qurbaha ee dadku u hayaamay waayadii dambe, ayaan la tacaalista tayda gaarka ah mooyee si gaar
ah dhegta ugu taagaa ulana socdaa waxa ka dhacaaya dhulka Muslinka, Soomaaliyeed guud ahaan, iyo hadana waliba gaar ahaan Somaliland oo ah halka aan ka
imid, waalidkay joogo, kuna hamiyaayo in aan mar uun ku laabto. Hamigaasi gooni iguma aha, ee dadba waa ila qabaa. Waxa igu soo dhaca warar aan saluugo
oo tiro badan, in yar oo naruuro leh, iyo hadalo/ficilo ka dhaca masuuliyiinta Somaliland mucaarid iyo muxaafidba oo aan mar kasta ka naxo. Si aan damiirkayga
u raali galiyo, oo isugu sheego inaan midhkaygii idhi anigoo aan qofna ku xad-gudbin, ayaan dooda soo socota ku leeyahay masuuliyiinta sadexda xusbi.
Isniintii, July 7th, oo anigu aan ugu yeedho Isniintii madoobayd, waxa magaalada Hargeysa ka dhacay dil aan ilaa imika tafsiir laga bixinin, cid fasiri
kartaana haba yaraatee aanay jirin. Saxaafada waxan ka maqlay iyadoo qoraal iyo aftiba ah inay dadku wadooyin xidheen, dhagxan tureen, taayiro gubeen wadooyinkana
hadba dhan u tooreeyeen. Intaas oo dhan waan ka waayay mid lagu banyan/saamixi karo in nafo la gooyo! Isniintan uun maaha ee Isniino kale ayaa ka horeeyay
oo muddo aad u yar ka hor isla magaalada Hargeysa geesteeda koonfur galbeed waxa aaladaha mawdka loo nacay dadwayne saluugay magacyo degmooyin la isku
badbadalay oo fikirkooda cabiraayay. Kuwaas, iyo kuwo ka horeeyay, iyo kuwan ugu dambeeyay oo la sheegayba in iyaga hubka loo qorsheeyay in diyaaradaha
cadawga ee jog gaaban ku duulaaya loo adeegsado in lagu riday. Tani dacaayad maaha ee waa hubaal. Anigu qof ahaan waan hubiyay, waxaana xaqiiqo ah in qasharadii/hadhaagii
rasaasta waawayn laga urushay wadooyinka magaalada iyo xaafadaha shicibku degenyahay dhexdooda! Waxa hubaal ah dadka Hargeysa oo aan sanado badan maqal
hubka noocaas ahi inay ka wada naxeen sanqadha daran ee hubkaas.
Waa nasiib daro dhacday, laakiin caano daataba dabadood baa la qabtaaye maxay xukuumada iyo mucaaridku ka yidhaaheen foolxumadan? Xukuumada oo masuuliyada
dalku saarantahay, amaan iyo dhaliil wixii wadanka ka jirana saami wayn mar walba ku leh, ayaa masuuliyiinteedu hadleen sidii la filaayay. Madaxwayne Rayaale
wax gar ah oo uu siiyay caruurtii iskuulada ee kuwiisa leekaa ee sida badheedhka ah loo dilay iyo qoysaskoodii midna ma jirin. Wuxu sideedii bisha yidhi
hadalo ay ka mid ahaayeen, “Askarta yaan la dhagxinin,” laakiin wuu ilaaway, ama wuu is ilawsiiyay inuu yidhaaho, “Dadka yaan la laynin sababtu waxay doonto
ha noqotee” ama “Askartii rasaasta riday iyo hogaankoodii waa in dhakhso la iigu keenaa report kooda” iyo hadalo masuuliyadi ka muuqato. Miyuu garan waayay
mise wuu badheedhay? Madaxwaynaha ayaan u daynayaa sida uu uga jawaabo masuuliyadan ilaa aakhiro loo haysto, oo waliba aduunkana aan la isaga hadhaynin.
Waxa Rayaale hadalkii uga dambeeyay, kana sii daray masuuliyiin deegaanka dhibtu ka dhacday ka soo jeeda oo xukuumada ku jira sida Wasiirka beeraha Dhoolayare
iyo Mayor Jiciir. Wasiirku wuu aflagaadooday isagoo maalin wayn tii dhibtu dhacday habeenkeedii TV ga Hargeysa ka hadlay sheegayna ereyo aanan jeclayn
in aan imika ku soo celiyo. Waxa u dheeraa hadalkii kaas u xigay oo ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya Cadadki soo baxay salaasadii, 15 July, tirsigiisuna
ahaa 3608, wuxu wasiirku ku eedeeyay dalintii biyo la’aanta ka mudaharaaday, ee dhaawaca iyo dhimashadaba loo gaystay, inay hubaysnaayeen, xusbiyada mucaaridka
ah qaarkoodna ay ka heleen bambooyin iyo hubka taangiyada lagula diriro. Hadal afka ka wayn saw maaha? Saw wasiirkii oo is xidhay maaha? Ma ka fikiray
inay hadalada noocaas ahi dadka ka gadmi karaan iyo in kale? Ma ka fikiray in hadii ay dadku hub noocaas ah haystaan aanay dhimashadu dhinaca shicibka
oo qudha ku koobnaateen? Ma ka fikiray inay hadalada noocaas ahi xabada kaga kululyihiin hooyooyinka wiilashooda waayay iyo kuwa kale ee dhaawacyada halista
ah wali gidaarada u jiifa? Waxan u malaynayaa malahayga maya! Hadii fakir sidaas ahi jiro, oo inta aanu waxan loo soo dhiibay suuqa la imanin uu wasiirku
inyar rogrogo muu ku dhawaaqeen waxaas. Imika iyo haatana waxa kaliya ee la gudbooni waa inuu xaal iyo raali galin bixiyo, xilka uu hayona isaga dago.
UDUB wasiiradeedii iyo madaxwaynuhuba halkaas bay ku saqiireen iyagoo hadana nool, kubadiina waa laga dahliyay, waana laga xisaabtami doonaa.
Aan soo qaadano UCID oo isagana sidoo kale dhacdadan dhimashada keentay dhaliili ka raacday. marka magaca xusbiga aan maqalno, waxa markiiba ku soo degdega
maskaxdeena dhalin qurbejoog ahaan jiray, soo arkay sida umaduhu u noolyihiin, isla markaana doonaaya in ay nolosha dadwaynaha wax ka badalaan, siyaasada
loo fahmay danaysiga ama ku danaysigana loo badalo mid u adeegta danaha qaranka. Gudoomiye Faysal, oo ku jiray raga aan ixtiraamo marka laga hadlaayo siyaasada
Somaliland, xalinta dhacdadana dadkii ku hawlanaa ka mid ahaa, ayaa sadex ayaamood kadib, oo ku began July 10th fagaare kaga khudbeeyay in dhalinta mudaharaaday
gacmo shisheeye ku jireen! Sidaas waxa lagu qoray saxaafada, iyadoo maqal ahna waxan sadex goor ka dhegeystay hadhwanaagnews.com. Muxuu taas micnaheedu
yahay gudoomiye? Lacagta aad sheegtay in dhalinta ay u qaybiyeen nimanka Imbagatidan iyadiiba is qaadi la ka yimid halkee lagu qaybsaday? Maxaad xukuumada
ugu sheegi wayday nimanka Baydhaabo ka socda ee dhalinta lacagta kula wareegaaya ha la qabtee? Hal qof oo lacagta qaatay ama qaybiyay maxaad u magacaabi
wayday? Hadii aanad intaas midna keenin, wax kale oo aad ku cadaynayso sheegashadaada na aanad soo ban dhigin, miyanay taasi dhaawac iyo darbad xanuun
badan ku ahayn dadkii dhibtu gaadhay oo aan qaarkood qof ahaanba u ogahay inay ciyaala iskuul 16 jir ah ahaayeen? Maxaad se hadalkaaga dadba wada maqlay
hadana u beenisay? Mawaaqifta oo is bedbedashaa miyaanay ka soo hor jeedin siyaasada dhabta ah sida aan anigu u haysto? Dadka rasaasta loo nacay waa taageerayaashadii
codkooda kugu aaminay ee hadii maxkamad aad isku qaado, oo hadalada aan cadayntu la soconin ee aad sheegtay iyadoo mayd iyo dhaawacba yaalo aad miisaanto,
adigoo aan isu tudhin maxaad isku xukumi lahayd?
Waxan ugu dambaysiinayaa, halkana ka salaamayaa xusbiga qaran ee Kulmiye iyo gudoonshe Siiraanyo. Masuulka xisbigan qaran oo ka mid ah dadka aftahanka ah
eek u jira siyaasada Somaliland, waxa la su’aalay sida uu wax u arko maalintaas mashaqadu dhacday. Mudane Siiraanyo wuxu si geesinimo iyo isku kalsooniyi
ku jirto u yidhi, “Maaha in dadka la laayo oo xabad hoos loogu dhigo, mudaharaadaduna meel walba waa ka dhacaan, mana aha markii ugu horeysay ee dadwayne
isu soo baxay rasaas lagu laayo, waana qalad xukuumadu leedahay.” Ereyadaasi maaha sida uu Axmed Siciid Cige u dhigay qaar looga faaiidaysanaayo wadciga
taagan sababtoo ah meel mayd iyo dhaawac yaalo lagama faaiidaysan karo sida uu gudoomiyuhuba sheegay.
Isku soo wada duuboo, rag badan oo aan ahayn uun inta aan kor ku sheegay, oo masuuliyiin siyaasadeed iyo qaar dhaqanba isugu jira ayaa qadiyadan ka hadlay, in badanina way seegtay sidii dawgu ahaa. Imika iyo haatana waxa la gudboon kuwa ay taladu gacanta ugu jirto inay arintan daweeyaan, waana in lagaga bilaabo in la gole joojiyo intii ku lug lahayd dad-layska inta aan magta dhibanayasha laga hadlin sida uu Rayaale ku celceliyo. Xukuumadu waa inay ka feejignaataa in dadka loo laayo sababo kuwan oo kale ah iyo qaar ka muhiimsan toona. Waa in la ogaado in taayir gubtayna la heli karo, wado xidhantayna la furi karo, muraayad la jabshayna la badali karo, laakiin qof dhintay aan la heli Karin.
Maxamed Haaruun
E-mail:
mbiixi@gmail.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday